Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 30 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Qaraxii Labaad Oo Caawa Madaxtooyada Dabadeeda Ka Dhacay Iyo Dareeno Ka Dhashay Xogo Sheegaya In Xukuumadu Ka Danbayso

Hargeysa, May 29, 2014 (Haatuf) – Qaraxii labaad ayaa 24-kii saacadood ee u danbeeyey caawa ka dhacay meel waxyar xaga koonfureed uga jirta Madaxtooyadda Magaaladda Hargeysa isla markaana kaabiga ku haya dhismihii hore ee wasaaradda ganacsigu gali jirtay, kaas oo loo isticmaalay wax loo yaqaano Bombo Shaanida.

Qaran oo aan si dhab ah loo garanaynin cida ka danbaysa ayaa hadana waxa jira warar sheegaya in xukuumadda Siilaanyo si ay xaalad u abuurto ka danbayso qaraxyadan khasaaraha aan lahayn oo lagu baqo galinayo dadka si loogu shaanbadeeyo kornaylada xisbiga Kulmiye ee khilaafka wayni ka dhaxeeyo madaxtooyadda, kuwaas oo ummada looga dhigayo rag khalkhal galinaya amaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Haatuf.net.