Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 30 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Xaaska Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Ee Xalay RRU-du Kala Baxday Gurigiisa Oo Haatuf Uga Warantay Weerarkii Lagu Galalafay

“Caalamku RRU-Da Dhaqaalaha Iyo Hubka Ma Waxay U Siiyaan Inay Saqda Dhexe Caruurta Iyo Haweenka Ku Gumaadaan, C/Laahi Abokor Hadii Aan Ujeedo Kale Jirn Suuqa Maxay Uga Qaban-Waayeen Xili Walba Wuu Joogaaye”Marwo Sacdiya Maxamed Cali

Hargeysa, May 30, 2014 (Haatuf) – Xaaska Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Marwo Sacdiya Maxamed Cali ayaa saaka Haatuf uga warantay weerarkii xalay saqdii dhexe lagu galalafay gurigooda, kaas oo lagula baxay Sayigeeda oo aan ilaa imika la garanaynin meel la geeyey meel ay geeyeen ciidamada RRU-da oo gurigiisa oo ku yaala xaafada Jigjiga yar degmadda Ibraahim Koodbuur ay ciidankaasi xoog kagala baxeen saqdii dhexe.

Marwo Sacdiya Maxamed waxa ay sheegtay in hawl-gal argagax leh halay abaaro kowdii iyo dheeraad inay ciidamada ka hor taga argagixisada ee RRU-da oo afka duuban ay guriga kala baxeen iyada oo waliba intii aanay gudaha soo galin mudo laba saacadood ku dhaw in rasaas nool dhinac walba guriga lagala dhacay, taas oo daaqadaha iyo meelkasta looga soo galiyey aakhirkiina markii la dhaawacay nin ka mid ah ilaaladiisa oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Dakhare Isla markaana isagu C/laahi Abokor difaacayey dhawr saacadood ka dib markii rasaas lagu bilaabay gudaha loogu soo daatay iyada oo caruurtii iyo haweenkii guriga joogay Shook haysto ilaa imika oo ay argagaxsan yihiin.

Xaaska C/laahi Abokor waxay Haatuf u sheegtay inay tacadi badan kala kulmeen RRU-da oo ay caruurtii iyo iyadaba qori dabadii la dhaceen, isla markaana ay ka gurteen wixii Dahab, Mopilo iyo lacagba taalay gurigaas oo ay baadheen. Marwo Sacdiya iyada oo ka waramaysa weerarkii xalay, waxa ay hadalkeeda ku bilawday “Sacdiya Maxamed Cali “Xalay abaaro 1-dii iyo dheeraad ayaa nala soo weeraray hub nooc walba waa naloo adeegsaday ciidanka xalay na soo galay umma malaynayo inay ciidankii amniga bulshadda ilaalinayey inay yihiin, waxa na soo weeraray argagixiso afka duuban iyo waxan lagu sheego RRU-da ee ay Midawga Yurub dhaqaalaha badan siiyaan. RRU-da malaha caalamku waxay dhaqaalaha iyo hubka u siiyaan inay bulshadda gumaadaan oo ay habeenkii haweenka iyo caruurta saqda dhexe guryaha loogu soo daato, hadii aanay taasi jirin dunidu wax ha ka qabato”. Marwada wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee dhawaan madaxwayne Siilaanyo xilka ka qaaday ka dib markii uu liiska ergada gobolka Saaxil ee shirwaynihii Kulmiye ka saaray xubno badan oo madaxtooyada ku xidhan ayaa iyada oo hadalkeeda sii wadata,waxa tidhi “C/laahi Abokor waxa uu ahaa wasiir ka tirsan xukuumadda Siilaanyo xilkana waa laga qaaday hadii la doonayo shalay Jaamacadda ayuu joogay, xalay tobankiina wuu soo hoyday oo Maansoor ayaa xalay laga heli lahaa xili walba suuqa iyo shaqadiisa ayuu joogaa hadii aan wax kala loo jeedin maxaa magaalada looga qabanwaayey oo caruurta loogu ridayaa argagaxa”.

Marwo Sacdiya mar ay ka hadlaysa shanteeda caruurta ah wixii qabsaday xalay, waxa hadalkeeda ka mid ahaa “Shan caruur ah ayaan haystaa oo ka ugu wayni yahay sagaal jir ka ugu yarin sagaal bilood oo dhawdhaw yahay, imika caruurtii way wada xanuunsanaysaa oo shook ayaa wada haysta oo qaarbaa indhaha aan kala qaadi karin, waxaana waxyeeshay suntii dadka kaga ilmaysiisa ayaa guriga naloogu soo dhex tuuray oo xalay oo dhan beerka ayaanu dhulka ku haynay, aniga qori dabadii ayaa nalay la dhacay oo caruurta qori dabadii ayaa lala dhacay oo markii aan ka qabo is idhi ana dhawr askari ayaa igu tuntay oo feedhaha ayaan wax ka qabaa, alaab badan ayaa guriga ka maqan oo Mopilo iyo Dahab ayaa maqan oo lacag ayaa laga qaatay guriga oo waa nala galalafay, balse waxaynu eegi halka ay gaadhsiiso Siilaanyo tacadiga iyo cadaawada uu qabaa halka ay gaadhsiini”.

Xaaska C/laahi Abokor waxay sheegtay in odaygeeda looga yeedhay xarunta CID-da, taas oo tibaaxday inuu diiday yeedhmada afka looga yeedhay oo uu u sheegay taliyaha CID-da Daahir Muuse Abraar inuu yeedhmadiisa sharciga waafajiyo oo Samman marka hore loo keeno. Sidoo kale ninka ilaalada gaarka ah ee Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee RRU-du dhaawacday oo ay xalay dhaawac qaateen ayaa Cisbitaalka guud ee Hargeysa la geeyey hadana saaka hiirtii ayaa isaga oo dhiig lagu shubayo ay ciidanka bilasyku kala baxeen cisbitaalka, kaas oo warar aan la hubin oo Haatuf soo gaadhayaa sheegayaan inuu dhaawac dhintay, iyada oo xoguhu intaasi ku darayaan inuu ninkaasi dhawr askari oo ka tirsan ciiidanka RRU-da dilay oo la qarinayo.

Dhinaca kale Xadhiga wakhtigan wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor Cismaan ayaa waxa soo dadajiyey sida la filayo hadalo madaxtooyadu aad uga gubatay oo uu ka sheegay shirjaraa’id oo uu maalintii doraad ku qabtay huteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, kaas oo uu ku shaaciyey Koox Wasiiro ah oo xukuumadda ka tirsan oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin urur diimeedka xagjirka ah ee Ikhwaanul Muslimiin, Al-Itixaad, Ictisaam iyo ururka Al-Shabaab ee dunida argagixisada uga diwaangashan.