Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Gudoomiyaha Iyo Tifaftiraha Haatuf Oo Sheegay In Aanay Maxkamada
Hor-imanayn Barri Hadii Wax Laga Badali Waayo Habka Uu Garsoorku Uga Garnaqayo Kiiskooda

Hargeysa, May 31, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha iyo Tifaftiraha Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ayaa sheegay in aanay maxkamada hor-imanayn bari hadii wax laga badali waayo habka uu garsoorku uga garnaqayo kiiskooda, Waxaanay soo jeediyeen in wax laga qabto duris ay ku sameeyeen garsooraha iyo maxkamada qaadaysa dacwada masuuliyiinta Haatuf ay ku soo oogeen xubno xukuumada ka tirsani.
Dacwadan oo uu qaadayo garsoore Asad Nuur Cilmi ayaa dhagaysigeedii u horeeyey waxa uu ka bilaabmay 10-kii bishan maxkamada gobolka Hargeysa.
Hase yeeshee labada eedaysane ee Haatuf ayaa qareenadoodu waxay dhawr jeer u gudbiyeen gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhaga-dhago codsiyo duris ah ay ku doonayeen in laga badalo garsooraha dacwada ka garnaqaya oo ay ku tilmaameen in aanu dhexdhexaad ka ahayn dacwadan balse uu u xaglinayo dhinaca masuuliyiinta xukuumada.
Waxa kale oo ay rafcaan ka qaateen maxkamada gobolka kadib markii ay afar xukun oo hore ay ku riday wargeyska iyo masuuliyiintiisa kuwaas oo kala ahaa xayiraadii lagu soo rogay xarunta wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times iyo madbacadihii wax u daabici jiray 7/4/2014, iyo xayiraadii labada website ee Somaliland times iyo Haatuf 16-kii April ee sanadkan la xayiray iyo xayiraadii safarka dibada ee lagu soo rogay gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha Axmed Cali Cige.
Waxa kale oo ay eedaysaneyaashu hore u codsadeen iyagoo sii mariyey qareenadooda in dacwada lagu dabaqo xeerka saxaafada Somaliland ee Xeer Lr 27/2004, halka uu garsoorku ka adeegsanayo xukuumaduna kula ogoshahay xeerka ciqaabta ee Somalia.
Labada eedaysane waxay sheegeen in garsooraha dacwada qaadayey iyo gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa ay ku gacan saydheen dhamaan codsiyadaa, sidaas darteedna ay qaadacayaan dhagaysiga dacwadan ilaa iyo inta wax laga qabanayo cadaalad darada ay ka tirsanayaan hanaanka garnaqista dacwadooda.
Ugu horayn gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo shirkaasi jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Hargeyska kaga hadlaya arintaasi waxa uu yidhi “Waxa ay maanta 31/5/2014 ku mudaysnayd dhagaysigii saddexaad ee dacwada lanoo haysto, garsooruhu dibuu u dhigay oo bari ayuu ka dhigay 1/6/2014-ka, waxaanu ilaa hada ku dhagan yahay oo ay garyaqaanada Haatuf kala hadleen duris, ilaa tiroba saddex jeer ayaanu durnay garsoorahan in lanaga badalo, sababtoo ah hab cadaaladeed kuma qaadayo kiiska, Illaahay iyo khalqigiisuba way arkayeen labadii dhagaysi siduu wax u waday ee xukun qarqoosh-nimada ah, kolkaa anagu waxa aanu doonaynay in lanaga badalo anaga oo codsiyadaa qornay dhawr jeer oo u gudbinay cida ay khusayso ee garsoorka ah.
Waxa kale oo aanu hore u codsanay in aanu hore rafcaan ka qaadano maxkamada gobolka oo uu gudoomiye ka yahay Faysal Dhago-dhago oo nagu riday afar xukun oo aananu midna iska difaacin oo uu u horeeyey kii lagu xayiray wargeysyada Haatuf Iyo Somaliland Times, kii lagu xayiray in aanay Madbacaduhu waxba noo daabicin, kii lagu xayiray website-yada Haatuf iyo Somaliland Times iyo kii lagu xayiray in aanu safaro dibada ugu baxi karo aniga iyo tifaftiraha.
Markay maxkamadu intaas oo xukuna gaadhay waxaanu codsanay in aanu ambiil u qaadano maxkamada rafcaanka, iyadoo codsiyadaasi ay ugu muhiimsanayn in xeerka saxaafada Somaliland lagu dabaqo dacwadayada maadaama oo uu jiro xeer saxaafadeed oo Somaliland u degsan, wixii doonaaba ha nagu dhacaane anagoo tirsanayna dulmi iyo tacadi badan oo naga soo wajahay xagga Garsoorka, Bileyska iyo Xukuumada, waxaanu waxaas oo dhan kaga soo kabsan kari lahayn xeerka saxaafada oo la dabaqo.
Xeer-ilaalintu markii maxkamada la joogay way ka hadleen waxaanay nagu yidhaahdeen xeerkan yar ee aydun ina-Rayaale barigii ku khiyaamayseen anagu diyaar uma nihin in aanu ku camal falno”.
Gabogabadii Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sheegay in dacwadooda loogu wareejiyo garsoore cadaali ah, isla markaana lagu dabaqo kiiskooda xeerka saxaafada Somaliland, lagana badalo maxkamada gobolka oo loogu wareejiyo maxkamada Rafcaanka, waxaanu xusay in aanay ka qaybgali doonin dhagaysiga dacwada bari hadii wax laga qaban waayo cabashadooda dhinaca garsoorka.