|
|
Wargeyska Haatuf Oo
Document-yo Cadayn Ah Soo Bandhigay Markii Uu Waayey Maxkamad Si
Cadaalad Leh Uga Garnaqda Dacwada Lagu Soo Oogay Ee Ay Dhibaneyaasha Ka
Yihiin Wasiirada Macdanta, Daakhiliga Iyo Wiilka Uu Sodoga U Yahay
Siilaanyo
Hargeysa,
June 3, 2014 (Haatuf) - Horaba Somaliland ugamay jirin maxkamado si
cadaalad leh uga garnaqa muranada iyo dacwadaha muwaadiniinta dhex mara.
Dacwad ay xukuumadu waliba madaxtooyadu daraf ka tahayna iyada
hadalkeedaba daa, sidaas darteed kol hadii aanu cadaalad iyo xaqsoor
waynay, waxaanu door bidnay inaanu documents-kii aanu haynay qaar ka mid
ah dadweynaha u soo bandhigno sida saddexda xaashiyadood ee halkan hoose
ku xusan kuwaas oo kala ah qoraal uu wasiirka Macdantu u diray shirkada
EARG 23/12/2013 iyo jawaabtii shirkadaasi oo ku taariikhaysnayd
29/1/2014 iyo waliba warqad ay shirkadu markay taariikhdu ahayd
26/2/2014 ka daba dirtay kadib markii uu wasiirku ka soo jawaabi waayey
teedii hore ee 29/1/2014.
Eedaha ay xukuumadu u xambaarisay Haatuf oo tiradoodu tahay 11 ayaa
waxay dhamaantood ka kooban yihiin warar iyo faalooyin uu wargeysku soo
daabacay oo markii af-ingiriisiga loo turjumay ay qareeno iyo suxufiyiin
ajnabi ah oo loo soo bandhigay aad ula yaabeen uguna qosqosleen in
wargeysyo iyo hawlwadeenadoodii ku mutaysan karaan in la xidho oo inta
kiis loo sameeyo xeer-ciqaabeed (criminal Law) la mariyo.
Eedahan Haatuf lala tiigsaday waxa intooda badan soo oogay wasiirka
Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (a.k.a) Hussein Osman Farah waxaanay ku
salaysan yihiin warar laga qoray hawlihiisa shaqo ka wasaarad ahaan iyo
wasiir ahaanba isla markaana waxa ay eedahaasi nuxur ahaan ka kooban
yihiin meel-ka-dhac, aflagaado iyo sharaf-dil oo marka af-Ingiriisi
ahaan la eego iskugu soo ururaya kelmadda “defamation” taas oo marka la
raaco xeerka habka ciqaabta ee Somalia ee ay dawladu adeegsanayso iyadoo
ka cararaysa xeerka saxaafada Somaliland waxa qodob ahaan lagu qaadaa oo
kaliya marka la aflagaadeeyo “Madaxweynaha-President” oo xataa qodobka
defamation-ku ma qabto aflagaadaynta raysal wasaaraha dalka (Somalia).
Kol hadii aanu madaxweyne Siilaanyo rasmi ahaan ka mid ahayn
dhibaneyaasha dacwadan ee ay xeer ilaalintu soo dhoobtay, miyaan loo
qaadan karin inuu dalka ka jiro madaxweyne qarsoon ama in dhibanuhu
yahay Madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud (Culusow)?
Yeelkeed Haatuf’e dalkii dhamaa ee Somaliland ayay ceebeeyeen.
Maaha habdhaqan wanaagsan in Saxaafadu markay xiganayso document ay
isagoo sidiisii ah ku soo daabacdo bogageeda balse waxa haboon inay
xusto document-ga ay hayso ee ay daliishanayso dabeetana tix-raacdo
xogaha uu xambaarsan yahay.
Haatuf ahaan anagu waxa aanu ku dhaqmi jirnay nidaamkaasi aanu kor ku
soo sheegnay, waxaana wax laga yaqyaqsoodo ahaa markii uu wasiirka
Macdantu bishii April website-yada ku soo daabacay document ay leedahay
shirkad iyada iyo wasaarada ay ka dhaxayn jireen macaamil todoba
sanadood ah isagoo is leh wax ku yeel gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi
Gaboobe kadib markii uu ogaaday inay is-xigaan nin u shaqeeya
shirkadaasi.
Dabcan Haatuf wasaarad maaha oo waa wargeys ilaha uu wararka ka helo-na
(source of information) waxa ka mid yihiin document-yada.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaanu hadana jeclaan lahayn in aanaan ku dhaqmin
habkan mihnada ka dhanka ah (unprofessional) waxase doorkan nagu kalifay
inaanu yeelno duruufaha ku xeeran dacwada lanagu soo eedeeyey
Masuuliyiinta Haatuf, iyo xukuumadda oo Boro-bogaande ku dhex faafisay
dadwaynaha inaanay Haatuf haynin wax cadaya Musuq-maasuqa ay ka baahisay
Wasiirka Macdanta.
La Soco…….. |