Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 2 2014                                             Shabcaan 5,1435H     

 

 

 

 

Muuse Biixi Oo Habac-Sanaan Ku Eedeeyey Hay’adaha Amniga Dalka, Luuqad Adagna Ku Cambaareeyey Xadhigii Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga

Hargeysa, June 2, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha Xisbigul-xaakimka dalka ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedo ay xukuumadu u jeedisay hogaankooda oo ay lala xidhiidhiyey qaraxyadii Shaanida ee Magaaladda Hargeysa ka dhacayey habeenadi u danbeeyey, kuwaas oo uu dhinac iskaga leexiyey.
Muuse Biixi waxa uu wasiirka daakhiliga Mr Warancade ku tilmaamay nin shaqadiisu dayacan tahay oo aan waxba ka ogayn dhacdooyinka amniga khatarta ku ah ee dalka ka dhacay, kuwaas oo uu tusaale ugu soo qaatay dadkii qaraxyada dhawaan ka fuliyey dalka Djibouti oo uu sheegay inay dhawr iyo labaatan maalmood Somaliland joogeen, isla markaana aanay hay’adaha amnigu ogayn.
Guddoomiyaha Xisbiga Muxafadka ah ee KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horayn uu ka hadlay Kulamo ay isaga iyo garabkiisa la yeesheen Guddida Golaha Guurtida Somaliland ee ku jirta dhexdhexaadinta Khilaafka Xisbiga KULMIYE. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi "Maanta waxaa noo yeedhay guurtida, waxaa ay ahaayeen gudi aad u balaadhan oo aan isleeyahay Lix iyo Toban ayey gaadhayeen, waxaa joogay shir gudoonkii oo isku dhan iyo odayaashii waawaynaa ee Guurtida way noo goleeyeen nimankaasi waa ay na dhagaysteen,waxaanu kala hadalnay wixii jiray,waxaanan ka xunahay oo iyagana aanu u sheegnay,idinkana idiin sheegaynaa shacbigana u sheegaynaa in nasiib darro ay tahay oo aanu aad uga xunahay in xisbiga KULMIYE, in kulmiye oo is-haysta ay Guurti iyo shiciba ay u soo gurmadaan tu aanu filaynay maaha, waa tu aanu ka xunahay waxaanaanu jecelnahay in aanu hore u dhamayno waa qodob,Waa qodobka labaadee aniga oo gudoomiye ah iyo raga iyo raga ila socdaaba waxaanu arintaa ka taaganahay meel ah nabad galyo, wadahadal iyo is afgarad lagu dhameeyo, ma sidno ficil tan ma sidno erayo dhiif leh,ma sidno waxaa haa la yeelay, waxaanu sidnaa Xuluul sida wax loo helo wax walba dhinaca san ayaanu ka eegnaa,Saaxiibadayada aanu wada shaqaynay ee aanu in badan soo wada halgamaynay halgan halgan hore iyo mid danbaba ee Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ugu horeeyo aniga iima muuqato intii aanu iskhilaafnay iyo intii aanu isnidhi xun anaga oo ah dadwada shaqeeya ah.waxaa noo muuqata oo ka badan oo ah intaanu guul wada gaadhnay inta aanu is afgarad gaadhnay ee aanu wax wada qabsanay horta anagu rayigaas ayaanu ka duulaynaa,Guurtida waxaanu u sheegnay oo aanan imika halkan ka wada akhriyi karayn sidii ay noogu muuqatay waxa dhibaatada keenay oo ay kow ka tahay shirweynihii Xisbiga wixii uu go'aamo gaadhay oo aan lagu darin go'aamo aan jirin dhibta koowaad halkaas ayaa ay ka kacday dhibtaa waxaa ku xigay markii aan anigu idhi waxaan ahay murashax,dagaal cir iyo dhul ah ayaa la qaaday oo uu madaxweynuhu qaaday iyana meesha may qabanayn intaasi waxaa ku xigay dhibaatooyin ka dhashay oo dadbaa laxidhay,dhiigbaa daatay khilaaf horla oo kii horaa ka yimi sadexdaa qodab oo kaliya ayaanu ka hadalnay".
Mujaahid Muuse Biiixi Cabdi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu ka hadlay Xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor,waxaana uu tilmaamay in qaabkii loo xidhay wasiiirkaasi ay ahayd mid khalad ah isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay ahayd xadhig siyaasi ah kaasi oo aan colaad mooyee laga helin wanaag, waxaana uu ugu baaqay xukuumada in si dagdag ah loo sii daayo masuulkaasi, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi "Ta 1-aad dadka dhibaatada loo gaystay ee la xidhxidhay waxaanu leenahay waa khalad waana in gafkaa la saxaa oo dadka xuquuqdoodii loo soo celiyaa tusaala ahaan sidiisaba xadhiga siyaasiga ahee Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, la xidhay waa xadhig siyaasi ah, waxaanan ognahay xadhiga siyaasiga ahi Colaad iyo nac mooyee wanaag ma keeno waxaanu leenahay waa khalad ee hala ga noqdo waxaa iyana dhibaato labaad ah habkii loo qabtay ee gurigiisa loo galay qof walba oo daawaday dhaawaca naxdin iyo fool xumaba waa ay ugu filan tahay Somaliland, cidii talaabadaa qaadana waa ay u badheedhay waayo waa la qaban karaayey oo si nabad galyo aha ayaa loo qaban karaayey,waxaan maqlaayey gurigiisa ayaa hub lagu qabtay Guri waliba hub ayaa yaala,waxaan leeyahay halkaasi waa arin godob wayn dhali karta oo halkaa taala, waxaa la xidhay dad taageerayaal xisbiga ah oo loo xidhay sawirka gudoomiyaha ayey siteen”.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayey sawiro lagu xidhxidhay qaar ka mid ah taageerayaasha, waxa uu yidhi "Xukuumadda waxaanu waydiinaynaa Madaxweynaha markuu danbi noqday sawirkaygu kaaguna uu noqday Xalaal, waxaanu ka diidanahay oo nalagu eedeeyey in wasiirka daakhiliga Somaliland waxa wax qarxinaaya rag madaxnimo doonaya waan ka xumahay in madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo,warancade isaga la yaabi maayo intan danbe ee uu isagu wasiirka noqday hadaladan deel qaafka ahi waa isaga caadi maalmahan danbe".
“Wuxuu yidhi (Waran Cade) isaga oo Space Channel-ka la hadlaaya anigu waxaan ahaa oo uu ku faanay ragii toogtay markuu Siilaanyo mucaaridka ahaa hadana uu iga maarmi waayey oo wasiir ayuu iga dhigtay. Tana ku darso ragbaa madaxtinimo Shaani ku doonaya”
Gabo-gabadii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo u soo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, isagoo sheegay in ragii dalka Djibouti qaraxyada ka fuliyey Hargeysa joogeen mudo bil ku dhaw, waxaanu yidhi “Waxaan waydiinayaa wasaaraddaha amniga oo uu kow ka yahay wasiirka daakhiligu ragii Jabuuti qarxiyey waxaa la sheegay inay dhawr iyo labaatan cisho Hargeysa joogeen, dhaawac iyo ceeb ka wayn oo Somaliland dul saarani ma jirto”.