Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 3 2014                                             Rajab 29Shabcan,1435H     

 

 

 

 

Garabka KULMIYE Ee Muuse Biixi Oo Laba Shardi Ku Xidhay Wadahadalo Dhexmara Garabka Siilaanyo

Xogo dheeraad ah oo Jamhuuriya ka helay kulankii garabka KULMIYE ee Muuse Biixi la yeesheen ergada guurtida ah + arrimaha xudunta u ahaa dooda ay soo bandhigeen

Hargeysa (Jam)- Hoggaanka sare (Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka 1aad) iyo garabka ay hoggaamiyaan ee xisbiga KULMIYE, ayaa shardi ku xidhay inay madaxweyne Siilaanyo iyo garabka xisbiga ee uu hormuudka u yahay la yeeshaan wadahadal toos ah oo la xidhiidha khilaafka u dhexeeya.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si guud mar ah saxaafadda ugu sheegay waxyaabaha ay kala hadleen ergada guurtida ah ee ay kulanka la yeesheen shalay, isagoo xusay inay u bandhigeen in go’aannadii shirweynaha 3aad ee KULMIYE lagu daray waxyaabo aan shirweynaha lagaga hadal, sidoo kalena ay u sheegeen in dagaal lala galay markii uu ku dhawaaqay murrashaxnimadiisa iyo dhibaatooyin xadhig iyo tacadiyo ku jiraan oo lagula kacay dadka isaga taageersan.

Hasayeeshee, xogo Jamhuuriya ka helay kulankaas, ayaa iftiimiyey in garabka Muuse Biixi garqansi dheer la hortageen ergada guurtida ah, iyagoo ergada dhexdhexaadinta ah u faahfaahiyey halka khilaafka xisbigu salka ku hayo, isla markaanna u soo bandhigay labada qoddob oo ay shardi kaga dhigeen wadahadalo dheeraad ah oo ay la yeeshaan garabka madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo.

Sida xogaha wargeysku helay tilmaameen, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ku-xigeenka 1aad Md. Maxamed Kaahin, ayaa garnaqsigooda si adag uga hor sheegtay ergada guurtida ah oo ay hormuud u yihiin xubnaha shirguddoonka oo uu ku jire Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaasoo si faahfaahsan u sharaxay waxyaabaha xudunta u ah khilaafka KULMIYE oo ay sal u tahay murrashaxnimada Muuse Biixi ku dhawaaqay.

Waxa kale oo labada masuul u sheegeen Guurtida in awoodiihii xisbiga laga faromaroojiyey, lana samaystay guddi fulineed, gole dhexe iyo go’aanno la sheegay in shirweynihii 3aad ee KULMIYE laga soo saaray, iyadoo aan waxba laga weydiin, lagana talogelin Guddoomiyaha xisbiga oo arrimahaas awood u gaar ah u leh, kuwaasoo tilmaamay in inqilaabka awoodaha guddoomiyaha lagu sameeyey iyo farogelin xukuumaddu ku hayso hawlaha xisbigu yihiin waxyaabaha xudunta u ah khilaafka xisbiga KULMIYE.

Sida xogaha Jamhuuriya helay iftiimiyeen, waxa ay ergada guurtida ah hordhigeen laba shardi oo ay ku sheegeen inay waajib tahay fulintoodu, ilaa arrintaas la dhaqangeliyana aanay wax wadahadal ah la yeelanayn madaxweyaha iyo garabka xisbiga ee uu hoggaamiyo, labadaas shardi oo kala ah;

In faraha laga qaado, lana tixgeliyo awoodaha uu leeyahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, awood shaqo oo guddoomiyuhu leeyahayna aanay cid kale farogelin karin.

In xoriyadooda loo celiyo dad badan oo loo xidhxidhay sawiradda Muuse Biixi oo ay qaateen iyo arrimo siyaasadeed oo ku saabsan,  qaybna ka khilaafka, kuwaasoo uu ku jiro Wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga oo si fool-xun loola dhaqmay.

Labadaas qoddob ayuu garabka Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE shardi uga dhigay wadahadal dheeraad ah oo laga yeesho khilaafka xisbiga, iyagoo dalbaday in labadaas qoddob sidooda loo fuliyo, ka hor inta aan wadahadalo kale la gudagelin.

Waxa kale oo hoggaanka sare ee KULMIYE ku soo qaadeen kulanka ay la yeesheen ergada guurtida ah arrin ku saabsan murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga dhexdiisa, arrintaasoo lagu sifeeyey inay xudun u tahay khilaafka kala qaybiyey KULMIYE, waxayna guurtida u sheegeen in khilaafka murrashaxnimada lagu dhameeyo xisbiga dhexdiisa iyo wadahadal dhinaca dhaqanka ah, lana mid ah habkii Md. Siilaanyo looga reebay murrashaxiintii shaaciyey inay la tartamayaan xilligii KULMIYE mucaaridka ahaa, Axmed Siilaanyo-na guddoomiyaha ka ahaa, taasoo suurtogelisay in aan shirkii Golaha Dhexe ee Burco  murrashaxnimada xisbiga ciddi kula tartamin madaxweyne Siilaanyo.

Sida ilo-wareedyadu tilmaameen, waxa kale oo ergada guurtida ahi ay kulankoodaas ku waraysteen Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kaasoo ahaa guddoomiye-ku-xigeenka shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee KULMIYE, iyagoo ka xog-waraystay qaabkii shirguddoonkaasi u soo saareen liisaskii Golaha Dhexe iyo guddida fulinta, iyadoo la sheegay in Dr. Maxamed Cabdillaahi u sheegay ergada guurtida ah in aannu arrimahaas waxba kala socon, lagana qaybgelin, lana ogaysiin shirarkii lagu go’aamiyey in liiskaas la soo saaro, isagoo odayaasha dhexdhexaadinta ku hawlan u sheegay in aanay shirguddoonku awood sharci u lahayn shaacin liisaska iyo go’aannada shirweynaha xisbiga ka soo baxay, balse arrimahaasi yihiin awoodaha Guddoomiyaha KULMIYE leeyahay.

Ergada guurtida ah ee hawlaha dhexdhexaadinta ah ku hawlan ayaa markii uu dhamaaday kulanka ay la yeesheen garabka Muuse Biixi Cabdi, waxay shir gaar ah ka yeesheen waxyaabaha ay kala kulmeen iyo shuruudaha hoggaanka sare ee xisbigu hordhigay si loo sii wado waanwaanta iyo wadahadalka lagu doonayo in khilaafka KULMIYE lagu dhameeyo, lamana oga go’aanka ergada guurtida ahi arrimahaas ka qaateen.

Hasayeeshee, sida xogaha Jamhuuriya helay tibaaxeen, waxa la filayaa inay kulan kaas oo kale ah la yeelan doonaan Madaxweynaha iyo kooxda xisbiga ee taageersan, una bandhigi doonaan shuruudaha ka soo baxay hoggaanka sare ee KULMIYE, iyadoo la filayo in guurtidu si degdeg ah u soo saarto go’aanno lagu xallinayo khilaafkaas.Sources; Wargeyska Jamhuuriya.