|
|
Wasiirkii Hore Ee
Maaliyadda Oo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa Ugu Baaqay Inay Is-Casilaan
“Wixii Qayrkiin Eeday Mahadinmaysaan’ Ee Is-Casila Oo
Dadka Ka Daaya Argagax-Gelinta, Hadii Ay Tahay Hala Baqo Madaafiicdii
Siyaad Barre Iyo Diyaaradihiisii Waa La Soo Dhaafay” Eng Maxamed Xaashi
Cilmi
Hargeysa, June 1, 2014 (Haatuf) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda
Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashis Cilmi,ayaa si adag u dhaliilay
hab dhaqanka ciidanka RRU-da oo uu sheegay inaan la garanayn meel looga
taliyo iyo cid xukunta midnaba,waxaa kaloo uu xukuumadda Madaxweyne
Siilaanyo u soo jeediyay iay is-casisho oo ay talada dalka ku
wareejiyaan xukuumad ku meel gaadh ah oo dalka doorashada gaadhsiisa
isla markaana aan ka qayb galin doorashada.
Eng Maxamed Xaashi ayaa ugu horayn ka hadlay dhacdooyinka cusub ee
mudooyinkii ugu dambeeyey ku soo batay dalka ee ah in ciidamo gaari
habeenkii saqda dhexe u daataan guryaha cida lagu raad joogo, waxaanu
yidhi
“Waxaan donayey in aan ka hadlo arrin inagu cusub oo ayeynaan hore u
arki jirin oo dalka ku cusub oo la yidhaahdo qoladan RRU. Kolka hore
waxaa is weydiin leh RRU waa maxay? Yaa xukuma? Yaa kharashka bixiya?
Halkay inaga soo gashay? Ma wax ka baxsan dawladeenaa oo ajinabi ayaa
xukumada? Oo taasina ay wax u dhimayso madaxbanaanideeni. Kolka
daalikhiliga la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, Gerneralka
ciidanka booliska marka la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi,
markaa waxaa is waydiin leh RRU-da xagee laga amraa”
Maxmed Xaashi ayaa ku tilmaamay hab dhaqanka ciidamada RRU-da inay tahay
mid qalafsan oo ka baxsan nidaamka iyo dawladnimada, waxaanu yidhi isaga
oo hadalkiisa sii wata:-
“Dabeecada iyo habka ay u dhaqantaa waa hab aad u qalafsan, waana
astaamaha kacdoonku ka dhasho. Nin ay maalintii suuqa ka helayaan oo
fadhiya makhaayadaha oo aad yar loo keeni karo Samman, oo la odhan karo
berito maxkamada kaalay ayaa intaas intay dhaafaan ayey saqda dhexe
gurigii ugu galayaan oo ay jabsanayaan, waa wax inagu cusub. Maxaa
wakhtigaas ay ula eeganayaan? Maxay caruurtii iyo reerkii uga sasinayaan
oo waxan oo dhibaato ah maxay dalwadu ku falaysaa? Hadii ay ka tahay
hala baqo madaafiicdii ina Siyaad Barre iyo diyaaradihiisii waa la soo
dhaafay oo wax lagu baqo maaha, hadii ay ilaabeen waanu u sheegaynaa
waxaanu leenahay baqi ma jirto ee idinku ciirta hayska daadinina, wixii
qayrkiin eeday mahadinmaysaan, dadka ka daaya argagax-gelinta”
Eng maxamed Xaashi wuxuu intaas ku daray in maamulka Siilaanyo ugu
horeeyey boolis wax laaya waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, waxaanu
intaas ku daray in wixii SNM ka dagaalantay ay ka mid ahaayeen iyadoo
xoriyatul qawlkii laga tagay, guryo loo dhacayo, xoolihii oo la dhacaayo
iyo waxyaabo la mida.
“Waxaa yara doqoonimo ah in nimankaas madaxda ah ee daakhiliga iyo
booliska ah inay yidhaahdaan waxan dhacaya garan mayno iyaga ayey ku
tahay doqonimo weyn, inay is casiliyaan ayey ahayd ilaahbaa risiqa hayee
hadii aanay joojin karayn waxan socda”
Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa intaas ku
daray in hadii qaabka maanta dalku maraayo wax laga badali waayo xaalku
noqon doono sida uu sheegay Soomaaliyadaa is wada cunaysa.
Eng Xaashi oo hadalkiisa ku dheeraaday ayaa dhamaadkii soo jeediyey in
guud ahaan xilka dawladanimo ay iska casilaan xukumada Kulmiye, waxaanu
sheegay inay maamuli kari waayeen xisbigoodii, taasina ay cadayn u tahay
sida uu carabka ku dhuftay in aanay dalna maamuli Karin, waxaanu yidhi
“Xisbiga KULMIYE wixii uu ka cabanaayey oo dhan, haday musuqmaasuq tahay,
haday sharci darro tahay wixii oo dhan maanta isaga ayaa ku dhaqmaaya,
KULMIYE waxaan u malaynayaa ta qudha ee u fiican waa Madaxweynaha iyagoo
iska casila oo dariiqa u baneeyaan oo dawlad ku meel gaadh ah, sidii loo
sheegaayey Baarlamanka wakhtigiisii w uu dhamaaday sharci daro ayuu ku
joogaa, kolkay shaqadooda qabsan waayaan ayaa la yidhaahdaa kordhin,
kordhin dambe oo la aqbalayaa ma jirtee ninkii shaqadiisa ka seexdaw
iskaga tag. Xisbi ayaad maamuli kari weydeen oo aad isku haysataan oo
qayladiisu socotay mudadaas dhan, dalna ma maamuli kartaan, markaa waxa
weeyaan shaydaanka iska naara, dariiqa baneeya, is casila oo dawlad ku
meel gaadha hala sameeyo oo sharciyada hagaajisa oo aan waliba iyadu ka
qayb galin doorashada” |