Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 3 2014                                             Rajab 29Shabcan,1435H     

 

 

 

 

Ciidamada Bilayska Magaaladda Berbera Oo Xabsiga U Taxaabay Tafatirihii Shabakadda Caalamiga Ah Ee Berberatoday

Suxufigan Oo Xabsiga Dhexe Ee Berbera Ku Xidhan Ayaa Wakhtigii Ciidanku Qabanayeen Gudanayey Hawl-Maalmeedkiisa Shaqo Ee Caadiga Ahaa

Berbera, June 2, 2014 (Haatuf) - Ciidamada police-ka Magaalada Berbera Ayaa Goor-dhawayd Xabsiga u taxaabay Tifatirihii Guud Ee Shebekada Caalamiga ah Ee Berberatoday.com Maxamed C/laahi Soofadhiiste oo wakhtigaa la qabtay isagu gudanayeyhawl-maalmeedkiisa shaqo isla markaana wax ka duubayey xaflad ay maanta qabsatay dawladda hoose ee magaaladda Berbera.

Ma jiro wax waaran sharci ah oo wariyaha loo keenay iyadoo wararka laga helayo magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ay sheegayaan in xadhiga Suxufigaasi uu soo amray Badhasaabka Gobolkaasi Mr.Fahmi oo isagana laga soo amray sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi xarunta madaxtooyadda Somaliland.

Tafatiraha Shabakadda Berberatoday Mr Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste ayaa isagu ahaa suxufiga kaliya ee si qoto-dheer xogo-mihiim ah oo xaqiiqada ku salaysan ka soo qorayey shirwaynihii Kulmiye iyo guud ahaan halka ay salka ku hayaan khilaafyada cakiran ee todobaadadii u danbeeyey ka dhextaagnaa Madaxtooyada iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale Wariyahan ayaa isaga sida la sheegay imika ku xidhan xabsiga dhexe ee magaaladda Berbera, iyada oo aan loona sheegin isaga iyo ehelkiisaba sababta rasmiga ah ee xadhigiisa, isla markaana dhacdadan ayaa ka mid noqonaysa dhaqamada ay xukuumadda Siilaanyo caadaysatay ee ay ku cabudhinayso xoriyatul-qawlka iyo warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland.