Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 4 2014                                             Rajab 29Shabcan,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sarre Iyo Gobolka Hargeysa

Oo Guddida Cadaaladda Hor-dhigay Qorshe Ay Ku Inqilaabayaan Garsoorka Dalka

Labaddan Masuul Oo Ilmaabti Ah Ayaa Damacsan Inay Shaqadda Ka Fadhiisayaan 22 Garsoore Oo Ka Hor Yimaada Shirqooladooda

Hargeysa, June 4, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo gobolka Maroodi Jeex Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago) ayaa kulan ay shaley yeesheen guddida cadaaladda Somaliland hordhigay qorshe daaqadda lagaga tuurayo 22 Garsoore oo ka mid ah kuwa ugu aqoonta badan oo qaarkood 30 sano ka badan ka shaqaynayeen hawlaha garsoorka.
Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi kulankan ay iskugu timid shalay guddida cadaaladda Somaliland ayaa waxa lagu go’aamiyey in 23 garsoore daaqada laga saaro oo guud ahaanba shaqada laga fadhiisiyo, kuwaas oo markii uu guddoomiyaha maxkamadu ku dhagay hal garsoore oo uu ku xilo-furay inaan la eryeynin laga reebay aakhirskii sidaasina waxa lagu go’aamiyey in 22-kaa xubnood oo ka hawlgali jiray Maxkamadaha kala duwan ee dalka in la eryo.
Labadda guddoomiye oo ilmaabti ah ayaa inta badan soo diyaariye qoryaasha maxkamadaha dalka ee ay Muwaadiniinta Somaliland caqabadaha iyo xad-gudubyada qayrul-caadiga ah kala kulmaan, kuwaas oo inta badan go’aamada ugu danbeeya si gaar ah u wada gaadha isla markaana ka xan iyo arrinba qarsadda bahda Garsoorka dalka oo ay isku mihnadda yihiin.
Dhinaca kale xogoaha Haatuf ka helay kulankan iyo shirqoolkan ay waddaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Guddoomiyaha Maxkamada Hargeysa Faysal Dhago-dhago ee ay meesha kaga saarayaan 22-ka Garsoore ayaa la sheegay inay ka danbeyso carqalado ay Garsoorayaashan kala kulmeen labaddan masuul oo inta badan toos ugu xidhan Qasriga Maxtooyadda isla markaana fududeeya Kiisaska ay Madaxtooyadu danaynayso ee ay isha ku hayso oo ay inta badan dacwadahaasi u fuliyaan sida ay xukuumadda Somaliland danaynayso.