|
|
Faysal Cali Waraabe
Oo Dalka Ku Soo Guryo-Noqday, Kana
Hadlay Xaalada
Cakiran Ee Dalku Galay Iyo Shirkii Qaran Ee Ay Hore Ugu Baaqeen
“Waxa Maanta
Somaliland Isku Bahaystay Cududo Doonaya In Ay Baabiiyaan Qaranka,Gobolo
Aynu Leenahay, Wax Mudo Kordhin La Yidhaahdaa Ma Jirto”Guddoomiyaha UCID
Eng Faysal Cali Waraabe
Hargeysa,
June 5, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID
Faysal Cali Waraabe ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu soo
dhamaystay Socdaal uu ku tagay Wadamada Yurub.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa u ka hadlay Xaalada Guud ee uu dalka
Marayo iyo Khilaafka Xisbiga KULMIYE, isagoo ka dayriyey xaalada wadanku
galay wakhtigan oo uu sheegay inay khatar ku tahay jiritaanka
Somaliland, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu
hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan maqnaa laba bilood iyo toban cisho hawsha
aan ku maqnaa waxay ahayd mid iskugu dhex jirta mid qaran iyo mid xisbi,
waxaana socdaalkayga aan ka bilaabay magaalada Nairobi halkaas oo kaga
hadlay arimaha diwaan gelinta codbixiyayaasha, ka dibna waxaan Tanzania
kaga qayb galay shir ay ka soo qayb galeen asxaabta ilaa labaatan wadan
kuwas oo toban ka mid ahi yihiin asxaabta talada haysa ka dibna waxaan
tagay wadanka Jarmalka halkaas oo aan kaga qayb galay shir u dhaxeeyey
wadankaas iyo Afrika kaas oo ay ka soo qayb galeen 18 wasiir oo dhinaca
tamarta u qaabilsan wadamadooda Afrika, ka dibna waxaan tagay Finland
aniga oo u dhaafay wadanka Ingiriiska, 18-kii Mayna waxaan kaga qayb
galay imaaraadka, arimahaas oo dhana waxay ahaayeen arimo qaran”.isaga
oo hadalkiisa sii watan, waxa uu intaas raaciyey “Somaliland waxa isku
bahaystay xoogag ka soo hor jeeda oo taladooduna gaadhay inay Somaliland
baabiyaan, cadawgeenuna aad iy o aad ayuu u shaqaynayaa sumcad darana
waa laynagu riday , gobolo aynu leenahay ayaa la sheeganayaa waxaana
inagu socota mu’amarad weyn oo gacmo badan oo shisheeye ah kuwaas oo
adeegsanaya Somali ayaa inagu socda, waana taas keentay in la yidhaahdo
shiidaalkooda ma qodan karaan ee UN-ta loo diray waxaasina waxay ka
imanaysaa maadaama aynu hoosteena ku jeedno oo aynaan kor indhaheena u
qaadanayn cadawgeenu waxa uu helayaa masrax uu kaligii ku ciyaaro oo
waxa uu doono inaga yeelo”.
Mar uu ka hadlay khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Arimaha haatan ka
socda Somaliland gaar ahaan xisbiga Kulmiye, xisbiga Kulmiye waaya
aragnimo badan ayuu soo arkay waxbaana laga bartaa waxa soo maray is
qabsigii Ucid waxa soo maray Udub inuu wax ka faa,iidaystana way ahayd,
xisbiguna wuu is qaban karaa oo waxa laysku qabsan karaa waa awood waana
layska soo horjeedsan karaa oo ceeb maaha anagu maxkamad ayaanu isla
galnay,Udubna wuu ku burburay”.
Guddoomiyaha UCID mar uu ka hadlayey mushkiladaha dalka ka taagan, waxa
uu yidhi “Waxa ceeb ah dadka qabaa’ilka ah ee habka qabiil u hadlaya ee
marka uu xisbi isku hayo talada aan ahayn mid qaran iyo mid xisbi toona
ee awooda dhexdooda ah isku haya in af qabiil lagu hadlo oo qabaa’il soo
dhex galo oo ay ku milmaan muranka asxaabta waxay keenaysaa fool xumo
weyn, waxaanan ku talin lahaa in dadka laga daayo qabiilka, siyaasaduna
waxay leedahay hay’addo sida Asxaabta, baarlamaanka, wasiiro laakiin
inay rag meel soo fadhiistan oo ay yidhaahdaan anaga oo reer hebel ah
Somali mooyee meel kale aduunka laguma hayo, reer hebel iyo qaranimana
isma qabtaan, inaynu noqono qabaa’il xeerarkii qabiilka ku kala socda
iyo inaynu distoorka iyo sharciga aynu leenahay ku noolaano wax ka
dhaxeeyaa ma jiraan”.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid si weyn u
canbaareeyey hab dhaqanka ciidamada habeenkii u daadanaya guryaha, isaga
oo tilmaamay inay ka mid tahay waxyaalihii laga dagaalamay waxaanu yidhi
“Waxa kale oo aad u fool xun ciidamada dadka u dhacaya waana wixii aynu
ka dagaalanay ee aynu ku caayi jirnay faqashta, dawlada sidan ku
dhaqmaysana sharaf u keeni mayso e sharaf daro ayey u keenaysaa iyaga
iyo qoladan kale ee shaanida qarxinaysa, labadaas qolana sharaftii
shacabka Somaliland iyo qaranimadii ayey ceeb ku yihiin, wasiiraduna
umada ayey u dhaxeeyaan oo waa wasiir qaran in wasiir qabiil uu noqdana
maaha, qabiil haddii uu qofku doonayana waa inuu caaqil iyo suldaan
doontaa, wasiirkana umadu way u siman tahay inuu af qabiil ku hadlana
maaha.”
Waxa kale oo uu gudoomiyaha xisbiga Ucid soo jeediyey in si deg deg ah
loo qabto shirkii wada tashiga qaran ee ay hore ugu baaqeen, isaga oo
xukuumadana u soo jeediyey inay gacan ka gaysato waxaanu yidhi “Waxaan
ku talinayaa in shirkii wada tashiga ahaa deg deg layskugu yimaadaa
dawladuna gacan ka gaysataa, hore ayaanu u aragnay inay wax inaga qaldan
yihiin hadana way muuqataa, sumcadeeniina hoos ayey u sii socotaa,
dawladuna waa inay waajibkeeda qabataa waa wixii loo doortay mana aha
waxy ku faani karto waana shaqadeedii haday wado dhistay, haday lacag
badashay, haday guro dhistay laakiin dhaliilo badan ayaa jira,
shacabkeenana lacag ayaa laga qaadaa tacliintu waa lacag,biyuhu waa
lacag,caafimaadku waa lacag, laydhkuna waa lacag markaas shacabka aynaan
intaas u qabanayn inaynu isku dul qabqabsano oo maalin kasta wax ay ka
naxaan aynu keeno xaq uma laha shacabku”.
Waxa kale oo uu tilmaamay inaanay suurta gal ahayn in khilaafka xisbiga
Kulmiye lagu xaliyo mudo kordhin loo sameeyo xukuumada Somaliland,
waxaanu sheegay inaan odoyaasha guurtidu aanay taas u dhex gelin daminta
khilaafka xisbigaasi waxanu yidhi “Wax mudo kordhin la yidhaahdaa ma
jirto, khilaaf ayaana loo diray ee mudo kordhin looma dirin wadanku
sharci ayuu leeyahay, maantana wax mudo lagu kordhiyo iyo wax
madaxweyne-nimo layskugu laayaa ma jirto, sharcigii ma samaysna, guddi
doorashadu ma samaysna, lama mudayn doorashada markaa waxan ay isku
haystaanba waa wax aan jirin, marka hore-na waa in wadanka loo
diyaariyaa doorasho oo sharcigi la sameeyaa, komishankana la hagaajiyaa,
hawlo badan ayaana hadhsan, markaa odoyaasha haddii ay dhex galeen
murankaas waxaan leeyahay ilaahay haw fududeeyo, wax kordhis la
yidhaahdana ma jiro”.
Dhinaca kale waxa halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha
Wakiilada oo ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Ciro, Xildhibaano,
Masuuliyiin sarsare oo xisbiga UCID ka tirsan iyo dadwayne aad u tiro
badan. |