Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 9 2014                                             Shabcan, 11, 1435H     

 

 

 

 

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Oo Go’aamadii

Guurtidu Ka Soo Saartay Khilaafka Xisbiga Kulmiye Ku Tilmaamay Xumad-Jabin

"Nabarkii Iyo Guntii Looma Dhaadhicin Oo Lama Dhayin, RRU-Du Waa Ciidan Loo Tababaray Inay U Daataan Dadka Argagixsada Ah, Maaha Inay Dadka Caadiga Ah Ama Madaxda Sharafta Iyo Karaamadda Inagu Leh Ay Guryahooda U Daataan”Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, June 9, 2014 (Haatuf) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa golaha guurtida uga mahad-naqay dhex-dhexaadinta ay ka galeen xiisad siyaasadeed ee ka dhextaagnayd Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo hoosta ka xariiqay inaanay saddexdii qodob ee laga soo saaray khilaafkaasi inaanay dawo u noqonaynin murankaasi, isagoo ku tilmaamay go’aanadaasi xumad-jabin mudo cayiman ku kooban.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale dawadda khilaafyadaasi ku sifeeyey in la heli karo oo kaliya marka lagu dhaqmo xeerarka iyo shuruucda xisbiga Kulmiye, kaas oo ka digay in cid gaar ahi afduubato awoodaha xisbigaasi oo uu ku dooday inaanay madaxdiisu wax kale ku heshiinkarin.
Musharaxa UCID Mr Jamaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay madaarka magaaladda Hargeysa, isagoo ka soo guryo noqdo safar shaqo oo uu mudo ugu maqnaa dalal dhawr ah, kaas oo sidoo kale luuqad adag ku cambaareeyey in hawl-galada ay ciidanka RRU-du habeenkii ka fuliyaan magaalooyinka dalka, kuwaas oo ka digay in cawaaqib-xumo baahsan laga dhaxli doono. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Arinkan Xisbiga KULMIYE waa ilaahay mahadii oo waxaan leeyahay Guurtida idinku hawshiinii waad ka soo baxdeen Somaliland-na waa ay ku soo caano maashay nabad galyada iyo idinka oo marwalba ka shaqaynaaya wax walba oo wanaagsan,laakiin waad ogtihin oo waxaan idiin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu ku burburay Xaqdaro iyada oo madaxdii Xisbigu ay madaxa iska duubtay Xisbiga taasina waa ay u tahay Hoga Tusaalayn oo waadigaa arkaaya KULMIYE waxaa ka socda,Hoga tusaale UCID iyo WADDANI ba waa ay u tahay oo baritaba hadii ay waxan oo kale ay dhacaan ay sumcad daro iyo dhibaato ay ku tahay iyo dimuqraadiyada laftarkeediiba aniguna golaha guurtida waan u mahad naqaya oo waxaan leeyahay kun jeer ayaad mahadsan tihiin”.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu carabka uu ku adkeeyey in ay lagama maar maan ay tahay in Xisbiga KULMIYE ay ku dhaqmaan shuruucda u taala xisbigooda, waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Hadana waxaa aan leeyahay Xisbiga dhexdiisa arinkaasi waxaa uu ahaa dawo xumad-jabin ah oo la siiyey oo xanuunka uun biinaaya Xiligaasi laakiin nabarkii iyo guntii looma dhaadhicin oo lama dhayin, marka ay xumaduse ka dhamaato lama garanayo waxa dhici doona markaa waxaa wanaagsan in sharciyada la raaco oo xisbigu sharci ayaa uu leeyahay kala danbayn ayaa uu leeyahay maaha in uu qof iska maroorsado ama cid ama koox iska maroorsato".
Musharaxa UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu danbayntii waxaa uu walaac xoogan ka muujiyey hab dhaqanka Ciidamda RRU-da,waxaana uu tibaaxay in aanay wanaagsanayn in dad sharaf iyo karaamo kuleh dalka ay ula dhaqmaan si ka bax san shuruucda dalka
"Waxaan aad uga xumahay wax yaalahan imika inagu soo kordhay ee ah ciidankan habeenkii u daadanaaya dadka,waad ogtihiinoo dad waaweyn oo muhiima oo aynu naqaano oo sharaf iyo karaamo ku leh umada oo ka mid ah oo uu ugu danbeeyey Cabdilaahi Abokor,Cismaan Awr liqe IYO Guuleed dad fara badan oo karaamo iyo sharaf lahaa oo madax ahaa ayaa habeenkii saqdii dhaxe gurigoodii loo daatay waana wax ugub ku ah Somaliland, ciidankan la tobabaray ee RRU-du waa ciidan loo tobabaray in ay u daataan dadka argagixisada ah in ay u daataan laakin maaha in dadka caadiga ah ama madaxda ah ee sharafta iyo karaamada ku leh umada dhexdeeda in ay u daataan"Ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.