|
|
Kooxda UN Monitoring Oo Xukuumadda Ku
Eedaysay In Aanay Si Hufan Usoo Bandhigin Lacagaha Shirkadaha Shidaalka
Laga Qaado Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay
HHargeysa, June 11, 2014 (Haatuf) - Xukuumadda Somaliland
ee Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxda awooda badan ee UN Monitoring group,
ayaa warbaahinta caalamiga ah isku weydaarsanayo hadalo eedayn iyo is
difaacid ah. Xukuumadda ayay kooxdani ku eedaysay inaanay dhaqaalaha
shirkadaha laga qaaday u soo bandhigin si hufan, halka ay xukuumaduna
beenisay.
Kooxdan oo ah koox awood buuxda ka haysata golaha ammaanka Qaramada
Midoobay, ayaa waxa ay sannadkan ku soo jeedsatay heshiisyada shidaal
baadhiseed ee ayxukuumadda Somaliland la gashay shirkado ajaanib ah,
waxaanay si gaar ah u kooxda UN Monitoring group u bartilmaameedsanaysaa
lacagta ay shirkaduhu bixiyeen iyo ciidamo ay Somaliland u samaynayso
ilaalinta shirkadaha shidaalka baadhaya.
Guddoomiyaha kooxdan Dr. Jarat Chopra ayaa 27 May, wuxuu warqad u diray
golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kaas oo uu kaga digay ciidan gaar ah
oo uu sheegay inay dawladda Somalialnd u samaynayso ilaalinta shirkadaha
shidaalka baadhaya, waxaanu sheegay inay ciidamadas gaarka ahi gobalka
Geeska Afrika ka sii abuuri karaan xaalado colaadeed. Dr. Jarag iyo
kooxdiisa UN Monitoring group waxa ay wakhtigaas si aan rasmi ah
qoraalkooda u siiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Sidoo kale wargeyska caanka ah ee the world street journal ayaa isna la
siiyay nuqul ka mid ah warqadaas, waxaanu wargeysku baahiyay in qoraalka
loo diray golaha Qaramada Midoobay lagu cadeeyay in dowladda Somaliland
wax-qarsi (Hufnaan la’aani) ay ka muuqato marka ay ka warbixinayso
lacagaha ay ka heshay shirkadaha shidaalka, iyo shuruuc jilicsan oo ay u
marayso dhismaha ciidamada ilaalinaya shirkadaha shidaal qodista.
Laakiin wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, oo isna jariirada la
hadlay ayaa eedda ah hufnaanl a’aanta dhinaca dhaqaalaha laga qaaday
shirkadaha ku tilmaamay wax lala yaabo. “Waa ku tidhi ku teen, in la
yidhaahdo hufnaan la’aan ayaa jirta.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu
intaas raaciyay in dawladda Somaliland ay baahisay lacagaha xaqul
qalinka ah ee ay sanadkii tagay ka qaaday shirkadaha, kuwaas oo ay ku
jirto $ 750,000 oo ay ka qaaday shirkadda DNO iyo $ 1.8 Milyan oo ay ka
qaaday shirkad Yemen ah.
Arriinta ciidamada la samaynayo, wuxuu wasiirku sheegay inay wasaradda
arrimaha gudaha Somaliland hoggaaminayso. Wargeysku wuxuu la xidhiidhay
wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin wuxuu xusay inaanay u soo jawaabin.
Iyadoo ay halkas marayso, ayuu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore si
toos ah u soo dhex galay mawduucan, waxaana qoraal lagu baahiyay barta
uu ku leeyahay twitterka uu farriin kooban ugu diray UN Monitoring
group. “Waxaanu ugu baaqaynaa UN Monitoring Group ee Somaliya iyo
Ereteriya inay joojiyaan soo dhex gelidda arrimaha Somaliland.
Somaliland way ilaashan doontaa raasamaalkeeda dhaqaale.” Ayuu ku yidhi
Madaxweyne Siilaanyo, qoraalkaas kooban.
Isla Salaasadii shalay, wakaaladda wararka caalamiga ah ee Bloomberg
ayaa haddana heshay nuqulka qoraalka ay guddiga UN Monitoring group u
gudbisay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, “Fiiro deg deg ah waa in loo
yeeshaa mawduucan [ciidamo samaynta] si looga fogaado in dhaqdhaqaaqyada
ganacsi ay colaadda sii huriyaan.” Sidaas waxa qoraalkiisa ku yidhi Dr.
Jarat Chopa, waxaanay wakaaladda Bloomberg cadaysay in qoraalka uu u
diray sarkaal ka tirsan qaramada midoobay oo codsaday inaan magaciisa la
baahin.
Wargeyska Haatuf ee ay xukuumadda Somaliland xayirtay ayaa bishii April
horaanteedii wuxuu baahiyay inay kooxda UN Monitoring group ay baadhis
ku samaynayso shidaal baadhista Somaliland sida dhaqaalaha loo maamulay,
laakiin wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducalae, ayaa beeniyay wakhtigaas,
isagoo sheegay inuu xidhiidh la sameeyay UN Monitoring oo uu sheegay
inay u cadaysay inaanay wax baadhis ah samaynayn.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqda inay kooxdaasi ku soo jeedsatay
Somaliland, waxaana uu dagaal labada dhinac ku dhex marayaa warbaahinta
caalamiga ah, iyadoo ay kooxda UN monitoring group si hoos ah
warbixinaha u siinayso warbaahinta, halka ay dawladda Somaliland-na ka
jawaabayso.
Source: Geeska.net |