Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 14 2014                                             Shabcan, 16, 1435H     

 

 

 

 

Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Inay

 Joojiso Kulan Ay Dhalinyaradda Subeer Awal Ku Lahaayeen Hotel-ka Crown

Hargeysa, June 14, 2014 (Haatuf) – Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa ku fashilantay inay joojiso kulan ay dhalinyarada beelaha Subeer Awal xalay ku lahaayeen Hotel-ka Crown ee ku yaala galbeedka magaaladda Hargeysa ka dib markii ay Bilayskii soo dhoobtay Huteelka hortiisu abaaro 8:30 halkaas ka dareereen.
Boqolaal dhalinyaro ah ayaa ku sugnaa mid ka mid ah hoolalka Hotel-ka markii ay Ciidanka Bilaysku yimaadeen goobtaas ee ay xidheen albaabadii dibada ee Hotel-ka iyadoo ay boqolaal kale oo dhalinyaro ah oo Bilaysku ka horjoogsadeen inay Hotelka galaan ay dibadiisa isku urursadeen, iyagoo ku cabanaya in xukuumadda Siilaanyo ay colaad iyo cadaadis gaar ah ku hayso beeshooda.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isagu muraad u lahaa Hotel-kaas ayaa markii ay Bilaysku u diideen inuu galo gudaha Hoteel-ka wuxuu u kacay dhinicii ay dhalinyaradu ku urursanaayeen, waxaanu u jeediyey hadal uu ku guubaabinayo isagoo ku dhiiri-galinayey inay xuquuqdooda muwaadinimo ka ilaashaddaan wax uu ugu yeedhay Xad-gudubka ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso.
Mr Gaboobe wuxuu dhalinyaradii uu la hadlayey kula taliyey inay xidhiidho iyo iskaashi la yeeshaan dhalinyaradda beelaha kale ee Somaliland oo ay ka bilaabaan kuwa Hargeysa ku nool.
Markii ay Boolis-ku ka dareereen Hotel-kaasi ayaa dhalinyaradii ku sugnaa dibedda iyo guduhu-ba iskugu taggeen hoolka wayn ee Crown Hotel, waxaana madashaasi dhalinyarada kula hadlay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne iyo Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi.
Dhinaca kale munaasibadaasi ayaa ku dhamaatay jawi nabad-galyo ah, isla markaana waxay halkaasi labada dhinac isku waydaarsadeen afkaaro ku taxaluqa xaaladda cakiran ee uu dalku galay, iyagoo masuuliyiinta iyo dhalinyaradaasiba si adag u cambaareeyey talaabada ay Bilaysku kaga horjoogsadeen inay kulankaasi ku qabsadaan Hotel-ka Crown ee magaaladda Hargeysa.
Gabo-gabadii dhalinyaradii iskugu timid halkaasi ayaa nidarr ku maray inay cududooda iyo caqligoodaba ku taageeri doonaan xisbiyada Mucaaridka, gaar ahaan labada Xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani ka ay u arkaan inuu dalka ka saari karo mushkiladaha noocyada badan leh ee ay xukuumadda Siilaanyo mudadii ay taladda haysay Somaliland wehelka u noqotay.
Hase yeeshee Ilo ku dhawdhaw bileyska ayaa sheegay in wasiir Cabdicasiis Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan ay ka dambeeyeen isku day lagu doonayey in lagu hor istaago kulanka ay dhalinyarada Subeer Awal ay ku yeesheen Hargeysa.