Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 14 2014                                             Shabcan, 16, 1435H     

 

 

 

 

Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi

Gaboobe Oo Mar Kale Si Sharci Daro Ah Xabsiga Loogu Taxaabay

Hargeysa, June 14, 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa xabsiga loo taxaabay abaaro 11:30 duhurnimo kadib markii ay maxkamada gobolka Hargeysa ay tageen isaga iyo xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo ujeedada ay maxkamada u tageen la xidhiidhay mudaynta Kiiskii Haatuf iyo Xukuumada ka dhaxeeyey.
Sida uu noo xaqiijiyey xoghayaha ururka Solja Maxamed Rarashiid oo uu telefoonka kula xidhiidhay Tifaftiraha Haatuf Axmed Cige ayaa sheegay in isaga iyo gudoomiyaha Haatuf ay maxkamada maanta u tageen si loo mudeeyo xiliga ay bilaabmayso dacwada loo haysto Masuuliyiinta Haatuf iyo Garsoorihii dacwadaasi gacanta ku hayey oo ay masuuliyiinta Haatuf hore u dureensi habka uu uga garnaqayo dacwada Haatuf kaas oo ay codsadeen in laga badalo.
Xoghayaha Solja waxa uu intaasi ku daray intii ay hawshaasi mudaynta maxkamada iyo garsoore badalka ay ku jireen oo ay kala hadlayeen gudoomiyaha maxkamada gobolka Faysal Dhagogadho uu garsoorihii gacanta ku hayey dacwada Haatuf uu qoray waaran qabasho ah oo lagu qabanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe Sidaa darteedna uu ciidamadii goobta joogay ay ku qabteen gudoomiyaha Haatuf gudaha Maxkamada loona dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Hargeysa.
10-kii bishii May ahayd ahayd markii sidan oo kale gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si xor ah u tagay maxkamada ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabiley oo ay ku jireen mudo 17 cisho ah balse 27 May damiin ahaan lagu soo daayey.