Mujaahid Cali Guray Oo Sheegay In Dalku
Qarka U Saaran Burbur, Una Baahan Yahay In
Laga Bad-Baadiyo
Haween Iyo Inamo Yaryar Oo Madaxwayne
Siilaanyo Adeer U Yahay
"Somaliland waa bested, Madaxweyne Siilaanyo Kama
Taliyo Dalka Sidii Loo Doortay,Somaliland Ma Qaadi Karto Wax Ka Badan
Afar Sanadood Oo Bilaa Madaxweyne Ah" Muj: Cali Guray
Hargeysa, June 15, 2014 (Haatuf) - Gudoomiye ku xigeenka
labaad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray)
ayaa Madaxaweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanu isagu dalka ka talinayn
mudadii afarta sano ahayd ee uu Xukumaayey.
Mujaahid Cali Guray ayaa hadalkan ka sheegay mar ay maanta Masuuliyiinta
sarsare ee Xisbiga UCID ay shir jaraa'id ku qabteen Xarunta Xisbiga ee
Magaalada Hargeysa,waxana uu carabka ku dhuftay in dalka ay ka taliyaan
Haween,inamo uu adeer u yahay iyo nin uu sodog u yahay sida uu hadalka u
dhigay,waxana uu tibaaxay in dalku u baahan yahay in la badbaadiyo
maadaama Muddo Affar sano ahayd aanu madaxweynahu ka talinayn isla mar
ahaan taana aan la ogalaan doonin meel Wadan bilaa madaxweyne ah.
"Marka laysku soo wada duubo waxaan odhanayaa Somaliland waa
besteed,waxaana ay u baahan tahay in laga badbaadiyo Madaxweynaheedii ay
iyadu gacmaheeda ku dooratay ee ay sida dimuqraadiga ah ay u dooratay ee
nasiib darro in maalin kaliya oo afartaa sano ee Xilka ay u doorteen ee
uu hayey aanu ka talin dalka oo aanu isagu madaxweyne dalka ka ahayn oo
awoodihii dastuuriga ahaa ee uu isagu lahaa ay dumar iyo inamo yar yar
oo uu adeer u yahay iyo ku uu sodog u yahay ay ku takri falayaan"Ayuu
yidhi Mujaahid Cali Guray
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga UCID oo Mujaahid Cali Guray oo
hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Maantadan lafteeda ma Xukummo
dalka,waanan aqaanaa oo waxan la samaynaayo masamaynaayo isagu oo kama
imanayso,laakiin waxaa weeye Madaxweyne kama taliyo dalka,hada ayaan
idiin ku celinayaa ninkaasi sidii loo doortay dalkan kamuu talinayn
dalkana Somaliland ma qaadi karto wax ka badan afar sanadood oo bilaa
madaxweyne ah". |