Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 15 2014                                             Shabcan, 17, 1435H     

 

 

 

 

Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Oo Digniino Kul-kulul U

Diray Xukuumadda Siilaanyo, Kuna Goojiyey Inay Mudaharaado Balaadhan Abaabuli Doonaan

Hargeysa, June 15, 2014 (Haatuf) – Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa digniino kulkulul u diray xukuumadda Siilaanyo, kaas oo ugu baaqay inay joojiso tacadiyada warbaahinta ay ku hayso, kaas oo uga digay inay sii wado dhaqdhaqaaqyadda ay ku burburinayso xoriyatul-qawlka, isagoo luuqad adag ku cambaareeyey xadhiga Guddoomiyaha Haatuf Md Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumadda Kulmiye ugu hanjabay hadii ay joojin-waydo xad-gudubyadaasi inay axsaabta mucaaridku abaabuli doonaan warbaahinta iyo bulshaddaba, isla markaana ay diyaarin doonaan mudaharaado waawayn oo salmi ah.
Musharaxa Madaxwaynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa. Isagoo sidoo ka hadlay arrimo door ah ayaa isagoo ugu horayn ka hadlay arrimahaas waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadda waxaanu mar kale ugu baaqaynaa in hadii ay joojin waydo Tacadiyada ay Saxaafadda ku hayso ee ay badhna iibsatay oo hantidii ummadda ayaa lagu bixiyey, badhna waa la xidhay oo kuwii warbaahinteena ee mawqifka lahaa waa xidh-xidhay oo waxaa la yidhi xoriyatul-qawlkiina kama hadli kartaan oo waxba ma qori kartaan. Hadii taasi sii socoto dalku halis ayuu inaga galayaa oo barrigii xukuumadda Kulmiye iyadaa odhan jirtay waxa la cabudhinayaa saxaafada, mida kale hadii baaqayagan dambe laga soo jawaabiyo oo ay xukuumadu ka soo jawabai waydo waxay nagu kalifaysaa inaanu warbaahinta abaabulno oo anaga oo xisbi qaran ah aanu abaabulno mudaharaado aanu kaga soo horjeedno cabudhinta saxaafadda iyo waliba xadhigii u danbeeyey ee sharci darada ahaa ee lagula kacay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe. Hadii aynaan arrimaha maanta socda aynaan ka soo horjeedasanin waxay inagu kalifaysaa marka danbe dhamaanteen hilfaha la inoo laabo”.
Isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanadda gobolka barriga Somaliland, waxa uu yidhi "Arrinta Taleex anagu baaq ayaanu diraynaa waxaanan leenahay Xukuumada qaranka aya uu igmaday in ay sugto Xuduudaha Somaliland laakiin dee in ay ku darto miyir dadka walaalaheena ah ee reer Somaliland ah ee halkasi inala dagan ee Somaliland aynu wada leenahayna in aan Xoog lagu maquunin ee nabad,waan waan iyo walaal tinimo loo raadiyo ayaanu arinkaasi ugu baaqaynaa"Ayuu yidhi Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen
Murashaxa Xisbiga UCID aqoonyahan Jamal Cali Xuseen ayaa waxaa uu ugu danbayntii uu ka hadlay oday dhaqameedyo mudooyinki danbe ay xukuumada Somaliland soo abaabulaysay ku waasi oo soo fadhiisanaayey Tv-yada dalka iyaga oo taageero u muujinaaya Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo,waxana uu carabka uu ku dhuftay in ay Ceeb iyo Sharaf dhac ku tahay Somaliland in qaabkan oo kale loo dhaqmo,waxana uu sida oo kale uu tibaaxay in Madaxweyne Siilaanyo aanay odayaal la soo abaabulaa waxba u tarayn isla mar ahaantaana ay ka muuqato kalsooni darro aad u badani.
"Xukuumadu waxaa ay baryihii danbe dabada ka abaabulaysay oo ay waday salaadiin,Madax dhaqameedyo Tv-yada la soo fadhiisinaayey oo o dhanayey anaga oo reer hela waxaanu taageer sanahay Musharaxnimada Siilaanyo,waxaasi waa wax inagu ceeba sharaf dhacna inagu ah,waxana halkaasi ka muuqata kalsooni daro fara badan oo Xukuumada ka muuqata odayaal ay soo abaabusho oo ay halkaasi soo fadhiisisaana wax alaale iyo wax ay u tarayaana ma jiran".