|
|
Guulwadaynta Cali Warancade Iyo
Saamaynta Xun Ee Ay Ku Yeelatay Amniga Dalka Iyo Mandaqadaba
Hargeysa, June 16, 2014 (Haatuf) - Tan iyo intii uu Cali Warancade noqday wasiirka arimaha
gudaha bishii June 2013-kii waxa dalka Somaliland laga dareemay inay ku
soo badananayaan dhaqamadii NSS-ta ee indhaha iyo dhagaha dawlada lagu
jihayn jiray waxyaabaha ay suuqa, marfashyada iyo guryahooda markay
joogaan ku xantaan madaxda xukuumadooda.
Habdhaqankan dhaga-dhagaynta ayaa wuxuu xataa ku fiday xarumihii cilmiga,
aqoonta iyo fikirka siyaasiga ah ee xorta ah sida Jaamacadahah,
Baarlamanka iyo ururada siyaasada iyo kuwa bulshadaba.
Xaafadihii, maqaaxiyihii iyo marfashyadii ay awal ku meeraysan jireen
waxa hada ku soo biiray dugsiyadii sare oo qaar ka mid ah ardaydooda iyo
macalimiintooda la bilaabay in loo adeegsado shaqadan waxaanay gaadhay
ilaa maxkamadihii oo markay dhagaysiyada wadaan dadweynaha lagu dhex
daro dad dharcad ah.
Waxa kaloo jirta wadahadalada telefoonada oo dhagaysigoodii soo batay
intii Cali Warancade ka mid noqday xukuumada Siilaanyo iyadoo labada
shirkadood ee Somtel iyo Telesom ay xukuumadu khasab kaga dhigtay inay u
fududeeyaan hawshaasi isla markaana la sheegayo qalab iyo tababaro
xirfadeed oo ay bixiyeen qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ee reer
galbeedku taas oo basaasiinta ay xukuumada Somaliland ay adeegsato u
suurtagalinaya inay mararka qaarkood dhexgali karaan laba qof oo
telefoon ku hadlaya si ay u dhagaystaan (snooping).
Arinta labaad ee aad loo dareemay intii Cali Warancade wasiirka
daakhiliga noqday waxa weeyi dhaqdhaqaaqyadii ururada diiniga ah ee
xagjirka oo sii siyaaday iyadoo ay caadi noqotay in ururadaasi ay shirar
goboleedyo ku qabsadaan caasimada Hargeysa, halka mid ka mid ah
masaajidada ku yaala Burcana qaadhaanka looga yaboohiyo ururka Al-shabaab.
Hadaba habkan guulwadaynta oo ah cilmigii ay NSS-tii Cali Warancade ka
midka ahaa ku shaqayn jiray ayaa had iyo jeer wuxuu ku foogan yahay
ogaanshaha muwaadin hebel iyo muwaadin hebli waxay ka qabaan
madaxweynaha taas oo ay ku ogaadaan ama xan ay dhagaysteen ama muwaadin
aragtidiisa ku saaciday warbaahinta.
Guulwadayntu waa nidaam dawlada iyo dawladnimada u yaqaana inay ka
kooban tahay kuna kooban tahay madaxweynaha iyo qoyskiisa oo kaliya.
Waa nidaam dhamaan masuuliyiinta dawladu ay nin kaliya iyo afadiisa u
wada raxlaynayaan oo ay dhexdooda uga tartamayaan iska dhaadhicinta iyo
raaligalinta labaad.
Madaxweynaha iyo qoyskiisa hadii la waayo guulwadeyaasha waxa halkii
dawladnimada u gashay beesha madaxweynaha oo wasiirka aan beesha
madaxweynaha ka soo jeedini wuxuu u habradaa wasiirka ay madaxweynaha
isku reerka yihiin, muwaadinka aanay madaxweynaha isku qabiilka ahayna
wuxuu ka soo dhaweystaan kuwa ay madaxweynaha isku haybta yihiin.
Somaliland oo hada si waafi ah loogaga dhaqmo nidaamka guulwadaynta ayaa
waliba waxa u dheer nin qoyska madaxtooyada la xidid ah oo qayb weyn ku
yeeshay geedi-socodkii (process) go’aaminta kama dambaysta ah ee talada
dalka.
Hadaba nidaamkan guulwadaynta ee Cali Warancade ku dhaqmo oo ku dhisan
dhego-dhegaynta, mala’awaal iyo xaqiiqada oo la qariyo ayaa durtaba
khatar galinaya amnigii dalka iyo kii mandaqadaba.
Nabadgalyada Somaliland waxa ay ku soo dhisantay dadweynaha oo marwalba
heegan ugu jiray ilaalinteeda oo khilaafyada, iska horimaadyada iyo
colaada gudaha dalka ka dhaca bulshada Somaliland iyadoon cidna ku
halaynayn ayay xalintooda gali jireen dhamayna jireen.
Bulshada sidaasi ugu heelanayd ilaalinta nabadgalyadeeda ayaa sidoo kale
waxay feejignaan dheeraad ah u lahayd khataraha dalka dibada kaga iman
kara.
Wakhtigan xaadirka ah waxaynu arkaynaa dalkii oo kolba cadow ka dhex
toosayo iyo masuuliyiintii nabadgalyada u xil saarnaa gaar ahaan
wasiirka daakhiliga iyo taliyaha bileyska oo ku mashquulsan la
dagaalanka qaybaha bulshada ee ay ku tuhmayaan inay dawlada mucaarid ku
yihiin ama ka soo horjeedaan musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo ee uu
ku doonayo in shan sanoo dambe loo doorto.
Masuuliyiinta amniga lagu halaynayaa markay ka soo jeestaan arimaha
siyaasadeed ee gudaha waxay wakhtiga inta uga hadhsan ku mashquulaan
hanti urursi gaar ah iyo waasto ay u galaan dad ay dan ka leeyihiin.
Hab-dhaqankani wuxuu niyad-jab ku riday bulshadii isku wada dareenka
ahayd ee ilaalinta nabadgalyada meel uga soo wadajeeday. Waxa bilaabmay
oon Somaliland hore uga jirin in dadka badankoodu ciidamada bileyska ee
birmada iyo RRU-da u arkaan cadow xukuumada Siilaanyo u adeegsato
layntooda iyo argagixintooda.
Waxa kale oo dad badan galay dareen ah in iyaga iyo dawladii Somaliland
ay kala durkeen oo laga sheegtay isla markaana ay dad gaar ahi hantiyeen
dawladnimadii dadka ka wada dhaxaysay.
Dadka waxa u qaadan waa iyo fajac ku noqday cadaadiska iyo gumaadka
wasiirka daakhiligu isagoo taageero kaga doonaya madaxweynaha iyo
qoyskiisa uu ku hayo xoriyatal qawlkii distoorku damaanad qaaday.
Dalka waxa jira maanta saddex wargeys iyo suxufiyiin xidhan oo ay
xukuumadu doonayso inay xidhnaadaan mudada ay xilka hayso oo dhan.
Wargeysyada albaabada loo xidhay ayaa mid ka mid ah suxufiyiinta
Somaliland ku tilmaamay talaabo u dhiganta gooni isku taagii Somaliland
oo laga noqday.
Mawqif ay ka qaateen loolankii siyaasadeed ee dhawaan ka dhex qarxay
xisbiga Kulmiye ayaa lagu eryey wasiiro ka tirsanaa xukuumada Somaliland
iyadoo waliba wasiir ku xigeenkii amniga Cabdilaahi Abokor goor
saq-dhexe ah lagu weeraray isaga iyo caruurtiisii hadalo ka soo yeedhay
oo uu ku kashifay wasiirada xagjirka ah ee ku jira xukuumada Siilaanyo
darteed.
Waxa jira nin Burco laga soo xidhay oo ku jira jeelka Hargeysa oo markii
gurigiisa laga soo qabanayey wiil yaroo uu dhalay naxdin u dhintay
markay isa soo dultaageen niman madaxa koofiyad bir ah iskaga duubay.
Ma jirto cid wax ka qabanaysa faldambiyeedyada (crime) ee sida
xad-dhaafka ah ugu soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka ee waliba
kuwii hore loo arki jiray ay hada ku soo kordheen qaar khatar ah oo ku
cusub bulshada.
Waxay hay’adaha amaanku ku fashilmeen inay wax ka ogaadaan hawlgalkii
is-qarxinta ee ka dhacay dalka Djibouti ee diyaargarawgiisu mudada dheer
ka socday Somaliland gudaheeda.
Ma jirto ilaa hada fal ama qorshe argagixiso ah oo ay hay’adaha amaanku
ka gun gaadheen cidii soo qorshaysay ilaa iyo cidii fulisay oo
khadkoodii inta la wada helay laga daba tagay si cadaalada loo hor keeno
dhamaan cidihii masuulka ka ahayd.
Habdhaqanada guulwadaynta iyo dhacdooyinka argagaxa leh ee aanu kor ku
soo sharaxnay tusaale ahaana usoo qaadanay ayaa waxay bulshadii
midaysnayd ee feejignaanta iyo taxadirka badnayd ku rideen dildilaac,
kalsoonidaro iyo isdhigasho xaga nabadgalyada ah.
Dadku waxay ka walaacsan yihiin khataraha nabadgalyada kaga iman kara
laba arimood oo halistooda leh kuwaas oo kala ah (1) isku dhacyo
dhexmara dadweynaha iyo bileyska oo ka dhasha kambal-daaqnimada uu Cali
Warancade ku dhaqo hay’adaha amniga ee dalka ka jira (2) shirqoolo ay
soo maleegaan xoogaga ka dhanka ah Somaliland oo ay guulwadayntu dalka u
hoosaasiso.
Gunaanadkii, maadaama oo ay iska cadahay in guulwadanimo, cago-juglayn
iyo car-juuqdhe aan lagu sugu karayn amniga umada oo su’aasha ay dadku
isweydiinayaan waxay tahay intee in leeg ayuu dalku ku sii jiri karaa
xaaladan oo kale taas oo hadii ay sidan ku sii socoto si xun oo hada ka
daran u saamayn doonta nabadgalyada Somaliland iyo ta mandaqadaba???.
Shakhsiyadiisa hadaynu eegno oo aynu tusaale yar u soo qaadano Cali
Warancade waa ninka guulwadayn wuxuu ka qabo ku taliyey in aan loo
baahnayn in mashruuca diiwaangalinta madaniga ah qandaraas la galiyo ee
ay ku haboon tahay in toos loo siiyo Baashe Cawil taas oo madaxweynaha
iyo qoyskiisu ka khajileen inay ka yeelaan.
Is-qabsigii Kulmiye markii ay Guurtidu guddida u saartay ayaa Cali
Warancade taagow is yidhi dadka kala qabooji waxaanu qabtay shir
jaraa’id oo uu ku sheegay in guurtidu arintii gacanta ku hayso oon
balaayo jirin taas oo sababtay in Baashe Cawil iyo Aamina Waris u
yeedhaan waxaanu Baashoo cadhaysani Cali Warancade afbuuxa ku yidhi ma
inuu Muuse Biixi ku magacaabay baad u haysataa, anaga ayaad noo
shaqaysaaye dhinac uun usoo raac.
Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland waa ninkaa ogolaanaya inuu sidaas
u bahdilo wiil yar oo uu dhali karo oon meelna dawlada kaga qorayn ee
daacad ma u noqon karaa oo ma istaahilaa in lagu haleeyo amniga dalka???. |