|
|
Askari Bileys Ah Oo Saddex Qof Oo Rayid Ah
Ku Dhaawacay Hargeysa
Hargeysa, June 18, 2014 (Haatuf) - Magaalada, Askari
Bilays ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad rayid ah, waxaana la sheegay
inay xabaddu ka qaraxday.
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel suuq ah oo afaafka hore ee xarunta
Bangiga dhexe, halkaas oo nin ka mid ah Askarta Ilaalada Bangigu Baas ku
furay Nin Gaadhi watay oo sida la sheegay amar diido ku sameeyay markii
askartu joojisay.
“Askarigu wuxuu hortaagna gaadhiga, dabadeed ninbaa soo kala dhex galay
gaadhigii ay askartu hortaagnayd iyo Askariga xabada riday, kaddibna
xabadda qaraxday ayuunbaan maqlanay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay
qof goob-jooge ahaa.
Waxaanu intaas ku daray “gaadhi wuxuu taagnaa ka soo horjeedka bangiga
haadka dhina midig ee Laamiga, kaddibna askarigu markii ay xabadda u
horaysaa qaraxday ayuu qoriga fooriyay” ayuu goob-jooguhu intaas
raaciyay.
Afar qof oo uu ku jiro Askariga Xabadda riday ayaa ku dhaawacmay
dhacdadan.
Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka
hadlay ayaa sheegay inay Askariga xabaddu ka qaraxday. |