Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 18 2014                                             Shabcan, 20, 1435H     

 

 

 

 

Xuseen Waji-xun, Cali Warancade Iyo Faysal
Dhaga-dhago Oo Diyaariyey Xukunkii Lagu Ridi Lahaa Masuuliyiinta Haatuf

Hargeysa, June 18, 2014 (Haatuf) - Dacwadii ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku soo oogtay gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyska Axmed Cali Cige ayaa xukunkeedii diyaar yahay taas oo ay kasoo wada shaqeeyeen gudoomiyaha maxkamada Hargeysa Faysal Dhago-dhago, Xeer Ilaalinta Guud, Wasiirka Macdanta Xuseen Waji-xun iyo Cali Warancade.
Dacwadan oo ay dhibaneyaal ka yihiin labada wasiir ee kor ku xusan iyo wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay Baashe Cawil kuwaas oo labada masuul ee Haatuf ku eedaynaya warar been abuur ah iyo meel ka dhac ah oo ay ka qoreen ayaa la filayaa in dhagaysigeedii sadexaad uu bari qabsoomo inkastoo qareenada Haatuf aanay ka soo xaadiri doonin kadib markii uu gudoomiyaha maxkamada Hargeysa Faysal Dhaga-dhago ku adkaystay inuu kiiska qaado garsoore Asad Nuur Cilmi oo ay eedaysaneyaashu ku dureen dhagaysigii u horeeyey ee qabsoomay 10/5/2014 in aanu dhex ka ahayn dacwada ee uu u xaglinayo dhinaca dawlada.
Ugu yaraan laba garsoore oo todobaadkan gudihiisa lagu qoray kiiskan ayaa ka cudur daartay inay qaadaan kadib markii uu gudoomiyaha maxkamada Faysal Dhaga-dhago u dhiibay fayl dacwadeed oo xukunkiisu diyaarsan yahay iyadoon la dhagaysanba dhinicii difaaca.
Dacwadan oo loo arko mid siyaasadeen (political trial) ayaa waxa dhagaysigeedii u horeeyey ka soo qaybgalay labada wasiir ee dhibaneyaasha ah oo saxaafadu soo sawirtay iyaga oo lacag ku dhex qaybinaya kaamboolka maxkamadaha ee Hargeysa halka uu Baashe Cawil maxkamada uu ka soo xaadiray dhagaysigii labaad oo dhacay 25/5/2014 isagoo wata ilaalo hubaysan iyo gaadhi madaxtooyadu leedahay oo kalidii loo ogolaaday inuu gaydhka maxkamada dhex dhigtay.
Garsoore Dhaga-dhago ayaa maanta dacwadii dib ugu soo celiyey garsoore Asad kadib markii ay u suurtoobi wayday inuu helo garsoore kale oo uu ku dul maamuli karo kiiskan oo isla markaana ka ogolaada inuu ku dhawaaqo xukunka uu Dhaga-dhago siidiyaariyey.
Labada eedaysane ayaa iyagu qaba in maxkamadani tahay mid qayrul sharci ah maadaama ay baalmarsan tahay xeerkii saxaafada Somaliland oo lagu qaadayo xeerka ciqaabta ee Somalia waxa kale oo ay aaminsan yihiin in xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay dacwadan soo maleegtay si ay uga aar goosato kadib markii ay hore uga dhago adaygeen digniino uga yimid dhinaca madaxtooyada in talaabo laga qaadi dooni hadii ay joojin waayaan sheekooyinka ay soo daabacaan ee ku saabsan musuqmaasuqa shidaal baadhista ama Baashe Cawil midkood toona.
Dacwadan ayaa waxay kashiftay xaalada garsoorka dalku marayo, musuqa iyo maamul xumada madaxweyne Siilaanyo waxaana sumcad xumo weyn oo xaga caalamka ah ay usoo jiiday dalka Somaliland.