Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 21, 2014                                             Shabcan, 24, 1435H     

 

 

 

 

Wefti Ka Socda Ingiriiska Oo La Filayo

Inay Xabsiga Ku Booqdaan C/laahi Abokor Si Ay Uga Waraystaan

Dhaqdhaqaaqyada Xagjirka Iyo Xubnaha Xukuumada Ku Jira Ee Uu Tilmaamay

Nairobi, June 21, 2014 (Haatuf) – Wefti ka socda dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay xabsiga Mandheera ku booqdaan wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor oo xukuumadu jeelka u taxaabay markii uu daboolka ka qaaday arimo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo xagjirnimo oo uu sheegay inay ka jiraan Somaliland.
Weftigan Ingiriiska ah ayaa la tilmaamay inay ku jiraan xubno ka mid ah sirdoonka dalkaasi iyo diblomaasiyiin kale oo si weyn u danaynaya xogo dheeraad ah oo ay ka helaan arimaha uu Mr Abokor ka dhawaajiyey ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyadaasi xagjirka ah iyo xubno uu tilmaamay inay xukuumada Siilaanyo ka mid yihiin.
Xadhiga wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor ayaa yimid xili uu wasiir ku xigeenku shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ka hor intii aan la xidhin uu ku iftiimiyey xubno golaha xukuumada Siilaanyo ka tirsani inay ka mid yihiin ururada xagjirka ah taas oo shaki badan ku abuurtay dalalka reer galbeedka iyo kuwa jaarka ah ee daneeya xasiloonida Somaliland iyo ta mandaqadaba.
Hadalkaasi ka soo yeedhay Cabdilaahi Abokor ayaa keenay in xukuumadu habeen saq-dhexe ah ciidamada RRU-da u dirto guriga wasiir ku xigeenkii hore ee amnigu ka dagan yahay Hargeysa isla markaana ku qaaday weerar argagax galiyey shacabka Somaliland, naxdin iyo anfariirna ku abuuray qoyska wasiir ku xigeenka amniga iyo dadkii jiiraanka la ahaaba.
Sidoo kale waxa iyaduna fashilaad ku noqotay Somaliland inay ogaan waayaan hawlgalkii is-qarxinta ee ka dhacay dalka Djibouti ee diyaargarawgiisu mudada dheer ka socday Somaliland gudaheeda.