Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 23, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Siilaanyo Iyo Saaqidnimada Siyaasadeed

Haatuf Staff Writer
Hargeysa, June 23, 2014 (Haatuf) - Waa su’aal’eh damiir ma leeyahay madaxweynaha intuu fakiro fakiro go’aansanaya inuu golahiisa wasiirada ka saaro Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aynu ka wada war qabno in aqoonta, ilbaxnimada iyo hawlkarnimada uu leeyahay ay u suurtagalin lahayd inuu dalka wax badan uga tago jagadii wasiirka ganacsiga ee uu hayey oo uu ku badalo Muuse Qaasim-kii markii Rayaale uu u magacaabay gudoomiyihii Komishanka Aids-ka hawshiisii ka bilaabay inuu guri ka dhisto deeqdii u horaysay ee komishanka Aids-ka ka soo gaadhay beesha caalamka.
Hadiiba uu madaxweyne Siilaanyo ay markiisii horeba dantiisa gaarka ah ay kala waynaatay dantii guud oo ay noqotay in Maxamed Cabdilaahi eryo muxuu mar labaadkiina u arki waayey wadanka maslaxadiisa ee uu halkiisii ugu magacaabay qof la wada garanayo in wax uu u dhimo mooyaane aanu wax ku soo koordhin doonin wasaarada loo xil saaray iyo ganacsiga dalka midkood toona?.
Arintani waxay ina tusaysaa hogaamin daacad-nimada iyo wadaniyada ka sabool ah oon tudhaale u lahayn mustaqbalka boqolaalka kun ee dhalinyarada ah ee ku camalka la’ dalka gudihiisa ee u baahnaa in ganacsiga dalka iyo maalgashiga shisheeye ee dalku koro oo uu balaadho si ay Somaliland gudaheeda uga abuurmaan fursado shaqooyin cusub oo badan.
Halkii ay aragtidaasi ka xukumi lahayd fikirka madaxweyne Siilaanyo ee uu qof ka midhalinaya u dhiibi lahaa wasaarada ganacsiga wuxuu la kaashaday caqliyadiisii xumayd ee ahayd hebel hebel-baa neceb ee ka horgee. Waa saaqidnimada siyaasadeed ta ugu xun ee cid dal xukumaysaa ay ku dhaqanto.
Kolkaasuu waliba doonayaa inuu shan sano oo kale ka cuno mustaqbalka jiilasha soo koraya oo uu ku sii hayo caqliyadii qarnigii 19aad iyo horaantii qarnigii 20aad iyadoo haatan lagu jiro qarnigii 21aad oon isaga uba bilawnayn.
Hadii uu dalkan hogaamin lahaa qof fahamsan oo la socda wakhtiga la joogo oo wixii uu ummada u qaban lahaana u bartilmaameedsan yihiin una kala cad yihiin, shaki kuma jiro in kumanaan iyo kumaanaan dhalinyaro iyo dumar ahi ay ka bixi lahaayeen xaaladda shaqo la’aanta ee dulaysatay.
Laakiin markaad madaxweyne ka dhigato qof aydaan isku dan ahayn oon dalkaba wax ka oolin oo hamigiisu yahay inta ayaamo cimrigiisa uga hadhay in awlaadiisa kula qaato xaafada tijaartu degto ee Winbledon ama Chelsea ee uu guryaha ku leeyahay isagu ma khaldana ee waxa khaldan dadka u badheedhay inay hogaamiyihii dalkooda u doortaan qofka noocaas ah.
Hadii ay umadu wacyi iyo wadaniyad ku filan yeelan lahayd waxay garan lahayd danteedu halkay ku jirto, markay taas garatana waxay xulan lahayd cidii ay ku aamini lahayd, soomanay hawaysteen umada
beenaale iyo wax-ma-tare kasta oon dadka u haynin cilmigii iyo hanaankii uu ku gaadhsiin lahaa ummadaha hore u maray, manay dhacdeen in qofka caynkaas ahi intuu ummada Somaliland doorasho waydiisto uu waliba marka shan sanadood oo hore uu ummada qayrkeed ka reebo hadana ka doono in shan dambe dib u doortaan si wiilka uu sodoga u yahay dalka u xukumo shan sanadood oo kale.