Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 23, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo C/laahi

Fadal Oo Doonaya Inay Fakiyaan Ninkii Jilbaabka Lagu Qabtay

Hargeysa, June 23, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Warancade iyo Taliyaha Bileyska Cabdilaahi Fadal ayaa qorshaynaya sidii ay u fakin lahaayeen ninkii ay dadweynuhu badhtamaha magaalada Hargeysa ay ku qabteen isagoo labisan dharka dumarka dabadeedna ay bileyska gacanta u galiyeen.
Hadaba ninkan oo la qabtay isagoo labisan Jilbaab iyo Niqaam oo la sheegay inay is-xigaan taliyaha Bileyska Cabdilaahi Fadal ayaan ilaa hada la marin baadhitaan hagaagsan iyadoo durtaba saraakiil ka hoos shaqeeya Cabdilaahi Fadal ay suuqa soo galiyaan warar borobogaandhe ah oo lagu jiho habaabinayo ra’yul caamka dadweynaha waxaana ka mid ah wararkaasi mid sheegaya in sababta ninka la qabtay ku kaliftay inuu Jilbaabka iyo Niqaamka soo xidho ay ahayd gabadha uu qabo oo uu raad-gadayey.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa isna dad u sheegay in ninka la qabtay aanu ahayn sidii la moodayey oo aanu argagixiso shaqo ku lahayn.