Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 26, 2014                                             Shabcan, 28, 1435H     

 

 

 

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo

Masuuliyiinta Haatuf Ku Riday Xukun Lagu Raaligalinayo Qoyska Siilaanyo

Hargeysa, June 25, (Haatuf) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa goor hore oo saaka subixii ah xunkun 3 sanadood oo xadhig ah 25 milyan oo SL/shilling ku riday midkiiba gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige.
Xukunkan oo dadkii ka soo qaybgalay fadhigii uu kaga dhawaaqay garsoore Asad Nuur Cilmi waxa ay ku tilmaameen Xukun cadaalada ka fog oo lagu tacaadiyayo xaafada madaxa banaan ee Somaliland.
Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo xoghayaha Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo warbaahinta la hadlay markii xukunku dhacay ayaa sheegay inay tani noqonayso tacadigii ugu darnaa ee Saxaafada loo gaysto tan iyo xukuumadihii soo maray Somaliland, isla markaana xukuumadan Siilaanyo intii ay xilka haysay ay xidhay in ka badan 50 suxufi, “Waxaad arkayseen in madaxdii xisbiga UCID xabsiga loo taxaabay markaa imika way soo dhaaftay saxaafadii iyo shacabkii oo xisbiyada ayay maraysaa in la xidhxidho”. Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.