Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

June 31, 2014                                              

 

 

 

 

“Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan, Madaxwayne Siilaanyo

 Waa Madaxwayne Hadana Waa Maxbuus Garbaduub Ugu Xidhan Laba Shakhsi"

Gudd. Ku Xigeenka 3-Aad Ee UCID Mujaahid Cali Gurey

Hargeysa, June 30, 2014(Haatuf) - Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu yahay shakhsi u garba duuban laba shakhsi kaasi oo uu ku dhaqmo go'aamada ay soo jeediyaan.
Waxaanu sidaasi ku sheegay Mujaahid Cali Guray Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu Facebook-ga uu ku leeyahay ayaa u dhignaa sidan:-
WAA MAAN GURACAN IYO GARASHO JAAN!
Madaxwayne Silanyo waa madaxwayne hadana waa maxbuus garbaduub ugu xidhan labada shakhsi ee go’aamada u qaldan uguna foosha xun go’aamada ka soo baxa madaxtooyada iyagu leh. Hadii aynu ugu magacbixino fal xumadooda waa Maan Guracan iyo Garasho Jaan.
Odaygu iskama qaban karo hadii cid wal oo kale laga qaban lahaana iyaga ma jirto cid ka qaban kartaa waayo waa maradiisa oo ku gubanaysa iyo buro sankiisa ku taal oon goyn Karin oo waata soomaalidu tidhaahda “ BURO SANKAAGA KU TAAL LAMA GOOYO”. Kolka Maan Guracan iyo Garasho Jaan xaalkooda la eego wuxu noqonayaa“ XIRSI BAA YAABAY!”. Wasiirka Madaxtooyada oo markiisa horeba eedo badan ayaa hadan waxa dul saar ku ah wax badan oonu raali ka ahayn balse uu ku qasban yahay ilayn ma diidi karo waxay wataan Maan Guracan Iyo Garasho Jaan eh. Tusaalaha waxa ka mid ah in la baabi’iyo labadii jariidadoo ee HUBAAL iyo HAATUF iyo go’aanka lagu xidhay Mujaahid Yussuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihii wargeyska HAATUF.
Mar Wasiirka Madaxtooyada wax laga waydiiyay arintaa isaga oo cariga maraykanka joogana way muuqatay in aanu ku calool adkayn sida wax la yidhi waanu ku mergeday waydiimihii oo amag amag buu ku jawaabay. Dagaalka ka dhanka ah saxaafadda madaxa banana iyo xoriyadda hadalka ayaa ah ku gabood fal sharci, ku xad gudub xuquuqo muwaadineed iyo kuwo bani aadminimo, iyo weliba ku tumasho dastuurka qaran, iyagu dan iyo muraad kama laha mar hadii Maan Guracan iyo Garasho Jaan ay iyaga toodii noqotay. Go’aan ku sheega maxkamadda ka hor waxa sii cadeeyay kiiska HAATUF xeer ilaaliyihii uu adeerka u ahaa Axmed Siilaanyo ee isaga oo ku hadlayay af aan kiisa ahayn ee cid kale leedahay markii uu sida cad ugu sii sheegay Yussuf inu cagtiisa( cagtooda) hoosteeda ku jiro sidii uu sheegayna way u dhacday oo ma xidhna Yussuf Cabdi Gaboobe ee wuxu ku jiraa cagta hoosteeda laakiin cagtu waa cagtee? Maaha ta Axmed Silanyo iyo tan Xeer Ilaaliyihii hadalku ka soo yeedahay midba ee waa ta MAAN GURACAN IYO GARASHO JAAN”.