|
|
Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumadda Siilaanyo Ka Dalbatay In Degdeg
Maxkamad Loo Horgeeyo Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga
“Waxaanu Dawladda U Soo
Jeedinaynaa Inay Joojiso Ficilada RRU-da Ee Ka Soo Horjeeda Shuruucda
Somaliland, In Si Madax Banaan Loo Baadho Cabashooyinka Ka Dhanka Ah
RRU-da”Ku Simaha Agaasimaha Fulinta Axmed Xuseen Cabdi
Hargeysa, June 30, 2014 (Haatuf) – Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland
ayaa xukuumadda Siilaanyo ka dalbatay in degdeg Maxkamad loo horkeeno
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee wasaaradda daakhiliga Md C/laahi
Abokor Cismaan, kaas oo mudo bil ah maxkamad la’aan ugu jira xabsiga
dhexe ee magaaladda Hargeysa.
Xarunta Xuquuqal Iinsaanku waxay xusseen inaan amar qabasho Maxkamadeed
aanay ciidanka Bilaysku marka hore ee ay gurigiisa ku weerareen C/laahi
Abokor inaanay haysanin oo ay sifo sharciga baalmarsan xabsiga ugu
taxaabeen, nidaamkaas oo ay ku doodeen inuu ka soo horjeedo qodobka
25-aad ee Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta
xuquuqal Iinsaanka oo uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Agaasimaha Fulinta
hay’adaas Md Ahmed Hussein Abdi, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa
sidan “31 kii May 2014, abaaro 1:30kii habeenimo, unuga ka tirsan
Booliiska Somaliland ee loo yaqaan RRU waxay weerareen guriga uu degenaa
Cabdilaahi Abokor Cusmaan, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga ee
Wasaaradda Arimaha Gudaha. Caruur ayaa joogtay guriga markii weerarku
dhacay. Mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay rasaas la is-waydaarsaday.
Ma jirto wax eed ah oo lagu soo oogay Cabdilaahi.
Cabdilahi waxa la xidhay iyada oo aan Booliisku wadan amar qabasho oo
maxkamadi soo saaray. Taas oo ka soo horjeedda qodobka 25 ee dastuurka
oo sheegaya in anaay banaanayn in qofna la qabto, la baadho ama la
xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar
qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.
Cabdilaahi ilaa hadda wuu xidhan yahay isaga oo aan la horgeyn maxkamad
inkasta oo sharcigu si adag uu waajibiyay in qof kasta oo xidhan sida
ugu dhaqsaha badan loo horgeeyo mudo aan ka badnayn 48 saacadood oo ka
bilaabanta markii la xidhay maxkamadda awood u leh sida ku cad qodobka
27 ee dastuurka iyo qodobka 39 ee Xeerka Habka Ciqaabta.
Booliisku waxay ku tuureen guriga markay xidhayeen Cabdilaahi sunta
indha ka ilmaysiisa. Sacdiya Maxamed Cali oo ah xaaska Cabdilaahi waxay
Xarunta u sheegtay in caruurtii guriga joogtay ku xanuunsatay kadib
suntaas lagu soo riday guriga iyo argagaxa ay ka qaadeen rasaasta la is-waydaarsaday.
Sacdiya waxay Xarunta u sheegtay inay ku baraarugeen rasaas, caruurtuna
ay argagexeen. Sacdiya waxay ku dooday in Cabdilaahi la xidhi kari lahaa
xilli maalin ah oo aanay jirin baahi loo qabay in la soo weeraro guriga
saq dhexe.
Xoogga lagu galay guriga la degen yahay oo ay caruuri hurudo kowdii
habeenimo waxay ka soo horjeedaa qodobka 29 ee dastuurka iyo qodobka 44
ee Xeerka Habka Ciqaabta.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay ficilada RRU da oo
isticmaala habab aragagax gelin ah islamarkaana aan raacin shuruucda
Somaliland u yaal marka ay cid xidhayaan, wax baadhayaan ama wax
qabanayaan.
Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland:
1. Inay Cabdilaahi Abokor Cusmaan sida ugu dhaqsaha badan u horgeyso
maxkamad awood u leh ama xoriyadiisa u soo celiso
2. Inay joojiso ficilada RRU da ee ka soo horjeeda shuruucda Somaliland
3. In si madax banaan loo baadho cabashooyinka ka dhanka ah RRU da” |