Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 5 2014                                             Ramdaan 7,1435H     

 

 

 

 

Shuruudaha Aanu Ku Xidhayno Musharaxa Madaxwayne Ee Aanu Codkayaga Siindoono

“Barnaamij Suurta-Gal Ah, Oori Gurigeeda Ku Eekaata, U Dulqaadasho La’aanta Musuqmaasuq- Cabudhinta Xoriyatul-Qawlka”;  Faallo Hodan Axmed Bulaale

Aniga iyo dad badan oo aanu asxaab nahay codkayaga waxaanu siin doonaa Musharaxa Madaxwaynaha ee la yimaada Barnaamij suurta-gal ah oo xambaarsan arragtiyo cusub oo ka duwan siyaabihii hore ee dalka loo maamuli jiray iyo siyaasadihii madhalayska ahaa ee maamulaadii iska danbeeyey ay ilaa hadda dalka ku xukumayeen.

Waa inuu ku cadeeyaa siyaasadihiisa cusub arrimaha waxbarashadda iyo caafimaadka iyo siday kaga duwanaanayaan ugana waxtar roonaanayaan kuwii hore ee jiray ee Booshaqa een Istijaahana lahayn.

Waa inuu yeeshaa siyaasad dhaqaale (kuwii hore ilaa hadda mabay lahayn) oo inoo sheegaysa sida uu dhaqaalaha dalka u kobcinayo iyo talaabooyinka uu qaadayo si ujeedadaas loo gaadho.

Waa Musharaxa ay Barnaamijkiisa ku qayaxan tahay siyaasadiisa ku aaddan Aqoonsiga iyo siyaabahay uga duwanaan doonto ugana faa’ido badan doonto kuwii hore ee ku wada fashilmay inay arrinta Ictiraafka ka midho-dhaliyaan. Waxaase daruuri ah in aanu ku qanacno in murashaxaasi aanu wax dulqaada u yeelan doonin Musuqmaasuqa oo uu la dagaalami doono.

Madaxwayne Rayaale wuxuu wakhtigii kaga dhamaaday isagoon wuxuu ka qabto daayoo aan waligii carabkiisa soo marrinin Kalmadda Musuqmaasuqa mudadii uu xilka hayey.

Madaxwayne Siilaanyo oo xiligii uu Mucaaridka ahaa markasta xukuumadii Rayaale ku dhaliili jiray arrimo musuqmaasuq ayaa mudadii uu xilka hayey aan wali soo hadal-qaadin arrintaasi sidii oo aanay maamulkiisa ka jirinba.

Balankii ku qornaa barnaamijka xisbiga Kulmiye in la sameeyo guddidii la dagaalanka musuqmaasuqa wuxuu ku badalay guddi canda-dawl ah oo magac kale loo bixiyey iyo ujeedo tii la isku ogaa mid aan ahayn loo cayimay isla markaana loo dhiibay qof aan ku dhac lahayn.

Qodobka 3-aad oo ah waxa uu Musharaxu ka yeelayo marwadiisa haddii uu guulaysto, aniga iyo dad badan oo qurbaha iyo dalkaba jooga waxay nala tahay in marwooyinkii ilaa hadda ina soo maray laga bilaabo axdigii marxuumkii Ina Cigaal ay arladii dhiiqeeyeen oo halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo u dooda xuquuqda hablaha iyo dumarka gaar ahaan dhidig-takoorka hablaha ka haysta fursadaha waxbarashadda iyo shaqaalaynta oo labadaba mudnaanta la siiyo inamada iyo waliba cadaalad-darada jirta ee ay ragu ku haystaan kuraastii iyo jagooyinkii ay haweenku ku yeelan lahaayeen Golaha Wasiiradda iyo laamaha kale ee fulinta, garsoorka iyo labadda aqal baarlamaan ee sharci-dajinta, waxaase nasiibdaro ah in marwooyinkaasi aanay u kicin dhinacaa xilku ka saarnaa ee aynu soo sheegnay balse ay u amba-baxeen xagii khaldanayd ee musuqmaasuqa.

Waxa dhaqan noqonatay in xaga Madbakha laga wareego si Madaxtooyadda wax looga soo dhamaysto. Waxay marwooyinkaasi yeesheen awoodihii Madaxwayneyaasha qaar u dhigma ama kaba sii awood badan sida hadda xaalku yahay.

Waxay dagaal-xun ku qaadeen warbaahintii madaxbanaaneyd ee dalka si ay Kalyaha uga saaraan laba jeer oo Wargeyska Haatuf uu waliba si taxadir leh uu arrimahaas musuqmaasuq wax uga iftiimiyey labadii jeerba waa lagu xidhay oo doorkan xadhigii waxaaba loogu daray in Wargeyskiiba albaabada loo laabo, Mujaahidkii lahaana Xabsiga loo taxaabo oo isagoon wax dambi ah galin ilaa hadda kibir ugu xidhnaado Xaaska Madaxwayne Siilaanyo.

Habdhaqankani wuxuu aafeeyey Siyaasadii iyo dawladnimadii Somaliland. Waxa waliba ka sii darran markay warbaahintu arrrimahaas oo kale soo hadal-qaado waxa markiiba la odhanayaa dumarbaa wax laga sheegay dabeeto marwadii wax musuqday ee xoolihii ummadda iyo awoodihii maamulka ku tagri-falaysay ayaaba lafteedii odhanaysaa xaal oo la iga siiyo mooyaane warbaahintaas iyo masuuliyiinteeda way ii xidhnaanayaan ee garsoore Qarqoosh iigu yeedha ha ii xukumee.

Haddaba kol hadii ay marwooyinkaasi arladda ay sii dhooqeeyeen oo heerarkaas yaqyaqsiga leh ay arrimuhu gaadheen Musharaxa aanu taageeraynaa waa ka dadka hortiisa ku balanqaadaya in hadii uu guulaysto ay marwadiisu ku eekaan doonto gurigeeda.

Hadii aanu Xaas lahayna kaba sii wanaagsan. Aniga iyo saaxibada ila fikirka ahi waxaanu jecel nahay in dumarku ay raga wax la qaybsadaan xaga waxbarashada, siyaasada iyo dhaqaalahaba oo raguna haweenka la qaybsadaan waajibaadka nolasha guriga. Mana qabno in xaaska madaxwayne kastaa uu u dhaqmi doono sidii kuwaa hore ee ina soo maray oo dadku isku wada mid maaha. Laakiin waxaanu aaminsanahay in intaynu rag iyo dumarba garaadkeenu korayo ee ilbaxnimadeenu sidan dhaamayso oon fahmayno doorka marwooyinka dalalka inaga Ilbaxsan in sida kaliya ee lagu joojinkaro habdhaqankaas xun ee ay marwooyinkii hore inoo fureen ay tahay in marwadda madaxwaynuhu garigeeda ku  eekaato oo aanay siyaasada iyo maamulka dalka faraha la soo galin kana dhexmuuqanin.

Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la iskaba daayo isticmaalka erayga marwada 1-aad ee aynu ku dhako-faarnay oo la isticmaalo sida erayada Xaaska Madaxwaynaha, Afadda Madaxwaynaha amaba Oorida madaxwaynaha.

Arrinta 4-aad ee saddexda kor ku xusan kaba wada mihiimsani waxay tahay Xoriyatul-qawlka oo maanta marka dalkeena la eego la odhankaro waxa ku habsatay Masiibo wayn.

Musharaxayagu waa ka meel walba markuu istaago ku balan-qaadaya inuu u hiilin doono xoriyada saxaafadda oo ay xukuumadiisu ku shaqayn-doonto sidii ay Maxkamaduhu u dabaqi lahaayeen xeerka Saxaafadda Somaliland oo habayaraatee xeerka ciqaabta ee Somalia dib dambe loogu adeegsan doonin warbaahinta dalka.

Musharaxayaga Madaxwaynuhu waa ka balanqaada ee aanu ku qanacno inuu kaga dhabayndoono inuu Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa ka dhigi doono warbaahin dadwayne (Public Broadcasters) oo leh Boodhadh (Boards) madaxbanaan oo  ay xubno ka yihiin shaqsiyaad bulshadda rayidka ah matalaya.

Musharaxayagu waa ka wacad ku maraya in lixda bilood ee u horeeya markuu talada dalka qabto uu fasaxi doono in la furto Idaacadaha gaarka ah ee maamuladii hore oo dhami sida nacasnimada lah (Stupidity) uga hortaagnaayeen dadka.

 

Faallo; Hodan Axmed Bulaale

 

Nairobi/Kenya