Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 6 2014                                             Ramdaan 8,1435H     

 

 

 

 

Doorashadda Madaxwaynaha Somaliland Ee 2015-Ka

Gorfaynta Haatuf Analysis

 

Xisbiga uu Madaxwayne Siilaanyo iska soo sharaxi doono ee Kulmiye shacbiyadiisu hoos ayey uga dhacday gobolada dalka siiba labadda gobol ee uu taageerada laxaadka leh ka helay doorashadii 2010-kii ee Saaxil iyo Maroodi Jeex iyadoo marka horeba uu taageerada uu Awdal ka haystay ay aad u yarayd ayey hadana sii shiikhday afartii sano ee Siilaanyo iyo Saylici taladda dalka hayeen.

Gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa waxa uu Kulmiye tartan adag la gali doonaa C/raxmaan Cirro iyo xisbigiisa Waddani, Sool iyo Sanaag-na labadda xisbi ee kaleba way kaga fursad fiican yihiin Kulmiye (Waddani iyo UCID) Waddani wuxuu isku hubaa aqlabiyadda HY ee gobolka Sanaag degta iyo wixii uu ka heli karo Muuse Abokor-ka HJ.

UCID wuxuu culayska saarayaa Hartiga, Sacad Yoonis-ka iyo Muuse Abokor-ka dega Sool iyo Sanaag-ba oo mucaaridadoodu kor u kacday saddexdii  sano ee u danbaysay.

Kulmiye wuxuu isku halaynayaa Cod badan oo uu ka helo Muuse Abokor-ka dega Sanaag iyo deegaanka Caynabo.

Saddexda gobal ee galbeedka Kulmiye labada xisbi ee kaleba way kaga taageere badan doonaan. Marka xaaladdu sidaasi tahay, xataa hadii Kulmiye uu Waddani dirqi kaga qaado Togdheer uma noqonayso horumar wayn oo uu labada xisbi ee kale ku gaadhi karo amaba uu ku muquuriyo siiba marka lagu xisaabtamayo goboladda galbeedka ee cod-bixiyaasha ugu badan leh oo UCID loo tirinayo wakhtigan, Waddani-na la filayo inuu kaalinta 2-aad ka galo.

Doorashadda Madaxwaynaha ee soo socota waxa saamayn-wayn ku yeelanaya kolba dhinaca ay u bataan dhalinyaradu oo hablo iyo inamo-ba leh, kuwaas oo aad u soo baxa maalinta codaynta isla markaana la aaminsan yahay inay yihiin qaybaha bulshadda ta ugu tiradda badan ee dalka ku nool inkastoo aanay habaysnayn (Unorganized) taasina ay keento in codkoodu aanu meel wada marin wakhtiga doorashadda oo xoogoodii ay wax ku goosan lahaayeen uu kala dhantaalmo.

Hase yeeshee Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa dedaal ugu jira xidhiidhintooda iyo isku xidhkooda isagoo isticmaalaya warbaahinta Ijtimaaciga ah sida Facebook, Twitter IWM, waxaana suurta-gal ah inuu jabiyo Cunsurkii qabyaaladda (Tribal Elements) oo uu Jamaal habkan ku cusub dalka uu taageero laxaad leh kaga helo dhalin yarada gobolada kala duwan ee Somaliland (Across Regional Support).

Waxase gorfayntani (Analysis) aanay ku xisaabtamaynin haddii ay dhacdo ku shubasho xad-dhaaf ah iyadoo la sheegayo in Maamulka Siilaanyo uu diyaarinayo qorshe ku gurasho ah oo balaadhan (Massive ballot paper Stuffing) iyadoo ay culayska saari doonaan sidii ay galbeedka Burco, Caynabo iyo Ceel-afwayn uga heli lahaayeen codad ku shubasho ah oo ay ku hantiyaan saddexda gobol ee magaaladda Sheekh xaga barri ka xiga, taas oo hadii ay dhacdo doorkan laga cabsi qabo inay keento iska hor imaadyo beelaysan oo dalka ka dhaca. Waxa kale oo suurta-gal ah in qorshaha diwaangalinta madaniga ah een ilaa hadda la ogayn ujeedadiisu waxay daaran tahay uu carqalad ku noqdo diwaangalinta cod-bixiyaasha oo taasi dib u dhac ku keento doorashadda ama Madaxwayne Siilaanyo-ba si toos ah u dalbado mudo kordhin sharciga-baalmarsan isagoo isku halaynaya guddoomiyaha guurtida Saleebaan Gaal oo mudadii xukuumaddani caan ku noqday Taabaci-nimo qayrul-caadi ah, taas oo mucaaridku in badan ka digeen inay dhacdo.

Wax badan ayaa ku xidhan doorka uu ka ciyaaro dardar-galinta doorashooyinka iyo qaabka uu u maareeyo sidii loo gudbi lahaa caqabadaha doorashadda horyaal guddoomiyaha Komishanku Md Maxamed Axmed oo sida lagu yaqaanay xiligii halgankii SNM ahaa qof daacad ah oon la gabanin rayigiisa iyo wixii uu talo moodo.

La Soco qormooyinka danbe ee Gorfaynta Haatuf  Analysis ee Doorashadda Madaxwaynaha ee 2015-ka………….