Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 7 2014                                             Ramdaan 9,1435H     

 

 

 

 

Nalka Hore Dami Ka Gudaha Daar

Hargeysa, June 7, 2014 (Haatuf) - ‘Nalka hore dami ka gudahana daar waa erayo’ waa erayo ay askartii faqashtu isticmaali jirtay oo ay ku bahdili jirtay dadka rayidka ah ee gaadiidka wata oo markii dalku xaroobay ahayd ay dadka reer Somaliland siiba reer Hargeysa ay islahaayeen dib u maqli maysaan.

 

Gaadiidkan habeenkii wadooyinka lagu joojinayaa Faqashtii waxa markii hore u geeyey cabsi ay nabadgalyadeeda u baqanaysay markii danbena waxay noqoatay dariiqo shicibka lagu baadho inkasta oo xiliyadda qaarkood ay dhab ahaan baabuurta jidadka maraya uga baadhi jireen hub fudud ama SNM hubaysan ooy warbixin ku hayaan inay soo galeen.

 

Hadaba hab-dhaqanka xun ayaa wuxuu Somaliland dib uga bilaabmay kii oo dalku mudoba xasiloonaa oo nabdoon yahay. Mudo ku dhaw 10 sanadood ayaa waxa astaamaha lagu garto inaad Hareysa ku noolashahay ka mid noqotay in kol hadii uu Iftiinkuba madoobaad oo aad baabuur wadato in askar qor sidataa ay jidka kugu joojiyaan, dabadeed kugu idhaahdaan Nalka hore dami ka dhexena daar.

 

Marka aad intaas samayso ayey intay rakaabka soo qooraansadaan ayey ama ku odhanayaan iska soco ama ‘shaah’ noo dhiib markay dhamaystaan haddaad waydiiso maxaa kalifay in habeen walba la joojiyo gaadiidka waxay inta badan ku jawaabaan ‘Nabad-galyadiina uun baanu ilaalinaynaa’.

 

Inamada askarta ah saraakiisha soo dirtay ee waddada soo tubta waxba uma sheegaan aan ahayn jidka istaaga oo baabuurta joojiya iskana dhiga sidii inaad wax ogtihiin oo baadda. Xataa looma badalo jidadka oo habeena lama geeyo wado aan laga filayn, mana jirto sabab cida maaggan inay nabadgalyada waxyeelaysaa ay u isticmaasho waddo ay ogtahay inay askari joogto.

 

Askartu gaadiidkay joojiyaan waa saddex nooc oo kala ah Lankuruusar, Surf iyo Mark 2. Basaska  iyo Tagaasida ma joojiyaan. Gaadiidka xamuulka ah waxay u daayaan qolada Taraafiga ah ee la joogta si ay xaqul-shaah uga qataan.

 

Askarta lama barro Maadaayinka qarxaa waxay ka samaysan yihiin, muuqaalada iyo xajmiga ay yeelankaraan iyo astaamaha kale ee u gaar ah walxaha garxa noocyadooda kala duwan si ay u gartaan marka ay gaadiidka baadhayaan hadii la kulmaan.

 

Askartu waxay wadooyinka yimaadaan iyadoo aan la siinin wax amar ah oo ay ku hawl-galaan. Dalalka kale marka qof la raadinayo Bilayska oo haysta xog ku filan oo ku saabsan qofka la raadinayo ayaa waxay dadka gaadiidka wata waydiiyaan Kaadhadhkooda aqoonsiga ama waxa la soo raaciyaan qof haduu doono madaxa ka duuban oo garanaya ruuxa la baadi-goobayo.

 

Hadii ay hubka yaryar iyo waxyaabaha qarxaha noqoto Bilayska macluumaad guud ayaa laga siiyaa, Waxaase jira Bilays si gaar ah loogu tababaro arrimahaas oo ay xataa ku jirto sida walxa wakhtiga go;an ku qarxa (Time Bomb) ama kuwa dhagaraysan ee meel la dhigay loo kala furfuro, Mujaahid ka mid ah ruug cadaagii  SNM ee maray dhalinyarada ahaayeen soo galijiray si ay cadawga u qarxiyaan ayaa wuxuu la yaabay sababta Bilayskan Saldhigyada loogu daadiyo wadooyin xaddidan habeenkasta, waxaanu isagoo arrin ku dhacday ka sheekaynaya yidhi “Dadkuun bay dhibaan. kuwan RRU-duna wayba ka sii badbadiyaan oo habeen dhawayd aniga iyo xaaskayga oo Ilma yar sidna ayaa waxaanu ku soo dhacnay Waddo baabuurtu is daba-joogto ilaa 800 Mitir oo ay baadhayaan. Waxa ciil ku sii qabanayaa marka aad ogtahay in “Waanu joognaa” wax ka badan aan loo diirn oo ay waxaas oo dhibaato ah dadka ugu samaynayaan oo marbaan is idhi talo V4 ma u soo walaaqdaa oo intaad Keeg uga soo dhigto ma siisaa Wiilashan dadka lagu karbaasho ilayn garan-maayaane”.

 

Faysal Siciid oo ah wiil dhalinyar oo wata gaadhi Garande ah isla markaan degan xaafadda Koodbuur ayaa wuxuu xaalad abuur iyo  bilaa macne ku tilmaamay gaadiidka habeenkii wadooyinka askartu joojiso “Horta waxa la baadhaa uun inta badan wadooyinka Basaska ee marra Koodbuur iyo 26-ka June dhexdooda oo  ah labada xaafadood ee ugu horeeya xaga cashuur bixinta iyo sharci ilaalintaba. Haday shaqadani ka dhab tahay waan ku qanacsanaan lahaa oo imay dhibteen laakiin dee waxaynu ognahay in arrintani aanay nabadgalyada waxba taraynin oo haday ka dhab tahay waxay wax ka qaban lahaayeen oo ay Koontarooli lahaayeen magaaladdan afarta kooneba gaadiid iyo dadba xili kasta ka soo galayo ee aan nabadgalyo ahaan laga war haynin intay anaga nagu soo meeraysanayaan”.

 

Muwaadin ku nool xaafada Axmed Dhagax oo la yidhaa Siciid Xaaji Muxumed ayaa isagu sheegay in hadii uu gabalku dhaco-ba uu baabuurkiisa iska xareeyo ka dib markii uu habeen ku sigtay in askari ay jaafaa-jirqeen loo xidho, nin maqaaxi ku lahaa meel ku dhaw gooladda TOTAL ee looga weecdo jidka Madaarka Hargeysa ama Cisbitaalka Adna ayaa waxa uu sheegay inuu maqaaxidiisii u xidhay askarta habeenkii Gooladdaa la keeno darteed “Adeer magaaladii bay habeenkii Bandoo ka dhigayaan oo dadkii wax kaa iibsan lahaa oo ay cabsi galiyeen ayaa hore u hooyanaya oo shaahii iyo cuntadiiba way kugu baaraxi garoobayaan”.

 

Saleebaan Nuur oo tukaanyar ku haysta suuqa badhtamaha magaaladda Hargeysa ayaa isagu sheegay in baabuurta sida joogtada ah habeenkii loo joojinayaa ay macaamiisha kala didisay oo isa socodka yaraaday darteed baayacmashtariguna yaraaday, waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlaya hadalkiisii ku  soo gabo-gabeeyey “Nimankan Bilayska xukuma waxaan odhan lahaa xishooda oo riwaayadan ilaa faqashtii na daashatay ee Nalka dami iyo ka dhexena daar magaaladda ka daaya, hadii kale Madaxda dalka ayaanu u sheegi doonaa dhibaatadan joogtada ah ee ay ganacsigaygii iyo dadkii quutal-daruurigooda xoogsan lahaa ay cidhiidhiga ku galinayaan”.

 

Askarta wadooyinka habeenkii la dhigo guno 10,000 Shilings Somaliland ah oo la siin jiray waa laga jaray, waxaana arrintan mashruucsada Taliska Bilayska oo habeen walba hawlgalkan beenbeenta ah ee aan nabadgalyo-na lagu sugayn waxa ku baxa kharash badan oo lagala baxo miisaaniyada loo sameeyey Nabadgalyada guud dalka.