Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 8 2014                                             Ramdaan 10,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Markii 2-Aad Ee Sanadkan Baadhitaan Caafimaad U Tagaya Magaaladda London

Hargeysa, June 7, 2014 (Haatuf) - Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ee todobaadkan u dhoofo magaaladda London xarunta dalka Britain si loogu sameeyo baadhitaan Caafimaad oo noqonaya kii 2-aad ee noociisa ah ee uu u tago dalka Ingiriiskan sanadkan 2014-ka.

 

Ma jiraan warar rasmi ah oo wax ka sheegay dhibaatooyinka caafimaad ee madaxwaynuhu ka cabanayo ama haya, hase yeeshee waxa jira astaamo kala duwan oo muujinaya in caafimaadka Madaxwaynaha Somaliland aanu in mudo ahba wanaagsanayn sida ilawshiyaha iyo halmaamka xad dhaafka ah ee lagu arkay iyo hag-hagasho aan hore loogu ogayn oo uu yeesho marka uu qudbadihiisa akhriyayo.

 

Waxa kale oo jirta in hawl-maalmeedkii xafiiskiisa uu ku wada wareejiyey Wasiirka Madaxtooyadda Mr Xirsi, Xaaskiisa Aamino Waris iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil oo waliba labadan danbe ee qoyskiisa ka tirsani ay hadda gaadhaan go’aanadda kama danbaysta ee khuseeya maamulka dawladda Somaliland.

 

Waxay ahayd bishii January ee sanadkan markii uu Madaxwayne Siilaanyo London u tagay baadhitaan caafimaad, laba bilood ka dibna waxa la geeyey dooxa la yidhaahdo Biyo Kulule oo magaaladda Berbera 15KM xaga waqooyi barri kaga beegan, halkaas oo inta badan la geeyo dadka da’da ah ee qaba dhibaatooyin caafimaad ee Cisbitaaladda lagala quustay.