Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 10 2014                                             Ramdaan 12,1435H     

 

 

 

 

Maamulka Jaamacadda G/ Sanaag Oo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolkaas Ku Eedeeyey Inuu Jeebka Ku Shubtay Qaadhaankii Jaamacadda

 

 “Waxay Dhantahay $5,400, Waxaanu Bixinin Lacagtaas Mudo Sagaal Bilood Ah, Guddoomiyuhu Waxa Uu Sheegtay Awood Inuu Ku Tagri Fallo Qaadhaanka Jaamacadda Sida Ku Cad”Maamulka Jaamacadda G/Sanaag

 

 

 

Hargeysa, June 9, 2014 (Haatuf) – Guddida iyo Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag ayaa guddoomiyaha gobolkaas ee wasaaradda waxbarashadda Aniis Saalax Xaaji Xasan ku eedeeyey inuu sifo sharciga baalmarsan u lunsaday, isla markaana jeebka ugu shubtay qaadhaankii jaamacadda gobolkaas looga jaro shaqaalaha waxbarashada ee gobolka Sanaag ee 9-kii bilood ee u danbeeyey.

 

Maamulka Jaamacadda Gobolka Sanaag waxay sheegeen inuu guddoomiyaha waxbarashadda gobolkaasi lunsaday aduun lacageed oo dhan $5,400, taas oo ay xuseen inay jeebkiisa ku dhacday, kaas oo ay ku tilmaameen masuul qaran oo ku tagri-falay awoodii dawladda isla markaana curyaaminaya horumarka iyo himiladda bulshadda gobolka Sanaag.

 

Waxaanay sidaasi ku sheegeen warsaxaafadeed kooban ay na soo gaadhsiiyeen Caawa, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

 

“Ujeedo: Guddoomiyaha Waxbarashadda gobolka Sanaag oo jeebka ku shubtay Qaadhaankii Jaamacadda Sanaag.

 

Jaamacadda Sanaag waxa si toos ah loo furay sanadkii 2011-kii waxaanay gobolka iyo degmaduba u qoondeeyeen sidii Jaamacadda loogu samayn lahaa ilo dhaqaale, waxaanay Wasaaradaha iyo ciidamadda la go’aamiyey in laga jaro hal Doolar bishiiba, nasiib darose waxaa noqotay in Guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Sanaag ka hor yimaado bixinta qaadhaankaas $1 ah ee laga gooyo shaqaalaha iyo ciidamada.

 

Guddoomiyaha waxbarashadda gobolku wuxuu ahaa masuulka 1-aad ee laga rabay inuu Jaamacadda gacan siiyo, korna u qaado dadaaalka loogu jiro ka midho-dhalinteeda, balse wuxuu noqday Masuulka Kaliya ee hortaagan ka midho-dhalinta homilada gobolka.

 

1.       Guddoomiyuhu waxa uu si toos ah u diiday qaadhaanka Jaamacadda ee halka Doollar ah ee laga jaro shaqaalaha waxbarashadda gobolka.

 

2.       Waxaanu bixinin lacagtaas laga jaro shaqaalaha waxbarashadda gobolka mudo Sagaal Bilood ah, laga bilaabo October 2013-kii ilaa June 2014, lacagtaas laga jaray shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sanaag dhamayd 600x9 $5,400, lacagtaas oo aan soo gaadhin Jaamacadda ee ku dhacday Jeebkiisa.

 

3.       

 

4.       Guddoomiyuhu waxa uu sheegtay Awood inuu ku tagri fallo qaadhaanka Jaamacadda sida ku cad warqadiisa Sumadeedu tahay WWGS/13/2014 ee 1/1/2014.

 

5.       Guddoomiyaha waxbarashadu wuxuu si toosah u diiday amaradii ay bixiyeen Guddoomiaha gobolka Sanaag ee tixraaceedu ahaa XMG2a4/70/2014 ee 8/3/2014 iyo tan Wasiirka waxbarashada ee Lr MOE/DG/HE103/047/2014 ee 29/3/2014 iyo MOE/HE/O1/260-117/14 ee 17/5/2014 oo dhamaantood ka soo wada baxay W.Waxbarashada iyo T/sare Hargeysa.

 

   Gabo-gabo waxaan hadalkayaga ku soo gabo-gabaynaynaa waxaan wali ka dhicin dalka masuul sida uu doono ugu tagri-falo maamulka iyo hantida dawladda.

 

 

 

Guddida iyo Maamulka Jaamacadda Sanaag; 9/07/2014”.

 

Dhinaca kale waxaan noo suurtagalin inaanu wax ka waydiino eedahaas loo jeediyey guddoomiyaha wasaaradda ee gobolka Sanaag Mr Aniis Xaaji Xasan, kaas oo aanay noo suurta-galin inaanu khadka telefoonka ku helno.