Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

July 13, 2014                                              

 

 

 

 

Siilaanyo Oo Xoriyadii U Soo Celiyay Masuuliyiinta Haatuf Kadib Markii Ay Xukun Qarqoosh Xadhig Dheer Ah Ku Riday Maxkamad Ay Hagayeen Xubno Xukuumada Iyo Qoyskiisa Ka Tirsan

Hargeysa, July 14, 2014 (Haatuf) –Madaxweyne Siilaanyo ayaa xoriyadii maanta usoo celiyey gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha Wargeyskaas Axmed Cali Cigge kadib markii 25-kii bishii hore maxkmada gobolka Hargeysi ku riday xukun qarqoosh xadhig dheer ah iyo ganaax lacageed.
Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa lagu xukumay saddex sanadood oo xadhig ah halka Axmed Cige lagu xukumay afar sanadood iyo ganaax min shan iyo labaatan milyanoo shilinka Somaliland ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta sheegay inuu sii daayay Yuusuf, xili uu Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa oo uu ka dhoofayay oo uu kala kulmay Su’aallo badan oo la xidhiidha xadhiga Saxaafadda iyo Bulshada rayidka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqda inuu talaabadan u sameeyay si aanu caqabad ugala kulmin dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka caalamka ee ka walaacsan qaabka xukuumaddiisu ula dhaqmayso saxaafadda.
Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Md Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka hadlay sida uu u arko sii dayntiisa oo sida la sheegay uu amray madaxwayne Siilaanyo, kaas oo arrintaasi ku tilmaamay mid waxba kala soconin, isla markaana meesha ka saaray inuu wax cafis ah ku soo baxay oo dalbaday.
Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu ku dooday inuu halkii ka sii wadi doono difaaca xoriyatul-qawlka, kaas oo xussay inay lagama maarmaan tahay in la dabbaqo xeerka Somaliland ee dhaqangalka ah oo ka digay inay xukuumadda iyo garsoorkuba ka warwareegaan.
Guddoomiyaha Haatuf Media Networka waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta galabnimadii warbaahinta kula hadlay xabsiga magaaladda Gabiley hortiisa, kaas oo sidoo kale u mahadnaqay cidkasta oo ka dhiidhiday tacadiyada xoriyatul-qawlka ka dhanka ah ee ay xukuumadda Siilaanyo ku mijo-xaabisay saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha ururka saxaafadda ee SOLJA Md Maxamed Rashiid Muxumed Faarax,kaas oo tafaasiil ka bixiyey sababaha soo dadajiyey xadhiga Guddoomiyaha Haatuf oo uu sheegay inay keeneen culays badan oo Madaxwayne Siilaanyo ay saareen Midawga Yurub iyo dawladda Britain oo ku khasbay xukuumaddu inay sii dayso Yuusuf Cabdi Gaboobe, wargeyskayada xayirana ay xayiraada ka qaado. Ugu horayna isaga oo Guddoomiyaha Haatuf ka hadlayey arrimahaasi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii garan mayno sababta keentay sii dayntayada wakhtigan sababta oo ah markii horeba sharci daro iyo cadaalad daro ayaa nalagu xidhay oo albaabada loogu laabay xaruntii guud ee Wargeysyadda Haatuf iyo Somaliland Times, mida kale ma jirto wax cafis oo aanu dalbanay ee anaga arrintayadu waxay maraysay oo aanu hore xukunkii noogu dhacay uga qaadanay Rafcaan, arrintayaduna halkii ayey maraysaa oo Rafcaankii aanu xukunkayaga ka qaadanay ayaanu wali ku taaganahay”.
Yuusuf Cabdi Gaboobe isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan bulshadda sharafta leh ee ka dhiidhiday cadaalad-darada iyo dulmiga lagu hayo warbaahinta iyo xoriyatul-qawlka waxaan u sheegayaa inaanu anagu hawshayadii halkii ka sii wadi doono oo waxaasaa lanagu sameeyey iyo waxaasaa dhacay anigu halka imika kaga hadli maayo laakiin waxa aan doonayaa uun inaan idiin sheego in arrinta ugu mihiimsani ay tahay wixii aanu u soo halgamaynay ee aanu xadhig iyo dhibaato-ba u galnay waxay ahayd inaanu xaqiijino uun madaxbanaanida saxaafadda iyo in dalkan sidii adkayd ee aynu 30-kii sano ee u danbeeyey halganka ugu soo galnay inaynu midhihii halganka gurano oo aynu noqono dad xor ah oo Dimuqraadiyad iyo cadaalad isku xukuma oo xoriyatul-qawlku sida uu mihiimka iyo lama taabtaanka u yahay inaynu muujino oo aynu dal xor ah noqono, taas oo dhamaanteen inagu wada waajib ah inaynu wada ilaalino, waana xaaraan inaynu wadada aynu hore u jeexnay ka leexano oo runtii ogolaan mayno xad-gudub noockasta uu yahay”.
“Waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin sheego inaanan haba yaraatee ka fadhiisan doonin hawlaha madaxbanaanida Saxaafada iyo in la Dabbaqo xeerka saxaafadda Somaliland oo run ahaantii ah ka ugu mihiimsan ee waxkasta oo jira ka culus wakhtigan, markaa in la dabbaqaa waa lagama maarmaan xeerka saxaafadda mana ogolaanayno in laga warwareego maadaama oo uu xeer dhaqan gal ah yahay oo sharci ah, waxaanu dedaal iyo juhdi galin doonaa in xukuumadda iyo garsoorkuba ay ku dhaqmaan xeerka saxaafadda Somaliland, markaa imika haddal badani halkan iigama banaana oo arrimaha si mugleh ayaan uga hadli doonaa oo dhawaan ayaan kulan wayn warbaahinta u qaban doonaa oo aanu arrimaha jira iyo wixii dhacayba kaga hadli doonaa Insha Allaah”.Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe mar uu u mahadnaqayey cidkasta oo ka dhiidhiday tacadiyada xoriyatul-qawlka ka dhanka ah ee ay xukuumadda Siilaanyo ku bartilmaameedsato warbaahinta madaxabanaan, waxa uu yidhi “Ugu danbayn waxaan jeclahay inaan uga mahadnaqo ururadda caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee saxaafadda hawshii iyo dedaalkii ay ka galeen tacadiyada ka dhan ah warbaahinta, saxaafadda dalka iyo ta tibaduna way mahadsan tahay oo dunidda oo dhan ayaa iyaduna arrintan aad wax uga qortay oo ilaa 54 warbaahineed ayaa tacadiyadan saxaafadda ka dhanka ah warbixino badan ka diyaariye. waxaan kale oo aan halkan mahad celin balaadhan uga dirayaa ururka saxaafadda ee SOLJA oo aan uga mahadnaqayo sidii ay noo barbar taagnaayeen markasta, waxaanan leeyahay dhamaan cidkasta oo ka qaybqaadatay oo dareenkeeda ku muujisay sida ay uga soo horjeedaan tacadiyada nagu dhacay waajibkiinii si wayn ayaad u gudateen ee Alle ha idinka jazaa’i siiyo. Sidoo kale iyadoo aan dhamaan dadkaas oo dhan aad ugu mahadnaqayo sidaan hore u sheegay waxa xusad mudan oon si gaar ah ugu mahadnaqayaa Rambo iyo Team-kiisa Wargeyska Geeska Afrika”.