Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 31 2014                                             Ramdaan 14,1435H     

 

 

 

 

Koox Abaabulan Oo Weerarkii HUBAAL Lagu Qaaday Oo Kale Xalay Ku Miray Xarunta Wargeyska Ogaal Iyo Nuxurka Xogo Iftiimiyey In Shirqoolkaas Laga Soo Maleegay Godkii HAATUF & HUBAAL Laga Qaniinay

 

“Waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega…..Bal Car wakaase wax ka qora dawladda. Car wakaase wax ka qora Xirsi… Meeyey Muuse Faarax Jaambiir,isna mee Cabdi-weli Faarax Jaambiir”Erayadii ay ku tiraabayeen Kooxda weerartay xarunta Ogaal

 

Hargeysa, July 30, 2014 (Haatuf) - Koox hubeysan, ayaa Xalay weerar ku qaaday Xarunta Wargeyska Ogaal ee Magaalada Hargeysa, isla markaana khasaare gaadhsiiyay qaar ka mida qalabka kala duwan ee Xarunta Wargeyska lagaga hawlgalo, kuwaasoo ay Xukuumaddu soo adeegsatay sida ka dhadhamaysay hadallada ay ku hadaaqayeen.

Waxaanay khasaare soo gaadhsiiyeen qaar ka mida qalabka Wargeyska, isla markaana waxay la dagaalameen qaar ka mida weriyaasha Wargeyska Ogaal oo wakhtigas halkaasi ku sugnaa.

Lama garanayo sababta ka danbeysay weerarkoodan, iyo waxa ay doonayeenba,hasa yeeshe waxay u muuqdeen rag abaabul oo ay ciddi soo adeegsatay,Saleebaan Maxamed Saleebaan oo ka mid ah kooxdan soo weerartay Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin “Waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega?”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi;  “Bal Car wakaase wax ka qora dawladda. Car wakaase wax qoraXirsi…” iyo ereyo kale oo ay isku dhadhan ahaayeen kuwaas. Waxaanay Shaqaalihii ay xarunta Wargeyska ugu yimaadeen sidoo kale weydiiyeen mee Cabdifataax Mursal, kaasoo oo ahaa Tifaftirihii hore ee Wargeyska Ogaal, balse aan immika Wargeykan-ba ka hawlgelin wixii ka dambeeyey bishii April sannadkii 2012-kii oo uu shaqada iska casilay ama ka tegay.

Kooxdan ayaa waxay galalafeen xarunta Wargeyska Ogaal, waxaanay isku dayeen inay la dagaalamaan Weriyayaashi madasha ku sugnaa, halka Tifaftiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax Ismaaciil Caarshe ay u hanjabeen, iyaga oo ku lahaa “Car wakaase dawlada wax a qor ILAAHAY ayaa nin ka dhigaye iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen hadaad laba lugood oo danbe is-daba dhigto….”.

Xasan Fool oo isna ka mid ahaa raga soo weeraray Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu yidhi “Meeyey Muuse Faarax Jaambiir,isna mee Cabdi-weli Faarax Jaambiir,”.

Kooxdan oo qaar Wargeyska soo galeen, halka qaar kalena dibada ku sugayeen, siday sheegeen Weriyayaashi ku sugnaa xarunta Wargeyska Ogaal mid ka mida raggani waxa uu sitay bastoolad.

Dhinaca kale, mid raga  xafiiska Wargeyska soo galay oo lagu magacaabo Xasan Fool waxa u hogaamiye u ahaa koox sidan oo kale u soo weerartay Xafiiska Ogaal 2009-kii,xiligaas oo rag xukuumaddii wakhtigaas jirtay ka tirsanaa ay soo abaabuleen weerarkaa.

Mid la mid ah Dhacdadani waxa ay Kal hore Asiibtay Wargeyska weli xayiran ee Hubaal.

Sources; Ogaal