Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 31 2014                                             Ramdaan 14,1435H     

 

 

 

 

Dadku Eed Malaha Markay Xukuumadu Runtii Iyo Beentii Suuqa U Kala Saari-Wayday Hadii Ay Beentii Qaataan; Qalinkii Axmed Cumar Askar

 

Todobaadkan waxa bulshadda reer Somaliland khalkhal iyo naxdin ku riday warar ku tiri-ku teen ah oo ka dayrinayey caafimaadka Madaxwaynaha Somaliland oo hadda mudo tobaneeyo cisho ah ku sugnaa magaaladda London.

Madaxwaynaha iyo afhayeenkiisa Mr Dhuxul waxay labaduba sheegeen in wararkaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Website-yadu aanay waxba ka jirin oo Mr Siilaanyo caafimaad qabo.

Hadaba miyaanay ahayn in la is waydiiyo asbaabaha keenay in ay dadku isla dhexmaraan oo ay ku mashquulaan wararka khalkhalka ah ee noocaas ah. run ahaantii meel uu war jiro oo hadana aan xaqiiqadiisa wali la helin ayuun baa keenta in kuturi-kuteenku ay dadka war u noqoto ilaa inta warka dhabta ahi soo shaac baxayo.

Tusaale ahaan waxaynu wada ogayn in Madaxwaynihii dalku uu London tagay, waxa kale oo aynu ogayn oo Madaxwaynuhu markii uu Hargeysa ka amba-baxayey inoo sheegay in uu dalka Ingiriiska u tagayo nasasho iyo arrimo isaga u gaar ah inkastoo ay jireen warar soo baxay intii aanu dalkaba ka dhoofin oo lagu sheegayey in ujeedada safarkiisu tahay baadhitaan caafimaad oo loogu samayn doono London.

Waxa kale oo jirtay in Madaxwaynuhu horaantii sanadkan uu safar caynkan oo kale ah ku tagay isla Magaaladda London, safarkaas oo uu Madaxwaynuhu ujeedadiisa ku tilmaamay wakhtigaa mid nasasho ah, balse ay qaar ka mid ah warbaahintu ku sheegeen inuu wehelinayo baadhitaan caafimaadkiisa ah.

Dabcan waxaynu wada ogayn in afartii sanadood ee ina dhaafay ee Mr Siilaanyo xilka hayey in caafimaadkiisu ahaa arrin ay calaamatul-su’aal saaran tahay oo bulshadu had iyo jeer wax iska waydiiyaan.

Shakiga iyo wararka kuturi-kuteenka ah ee ku taxaluqa arrinta caafimaadka Madaxwaynaha ee kolba soo noqnoqanaya ayaa waxa u sabab ahaa dhawr arrimood oo ta ugu mihiimsani tahay xukuumadda oon marnaba arrintan si rasmi ah uga hadal.

Aamusnaanta xukuumadda ayaa dad badani waxay u qaateen inay wax jiraan’’ oo madaxdu ka warwareegayaan in la sheego, taasina waxay mar walba fursad siinaysay in shakiga iyo muranka dadwaynaha dhexdiisu sii xoogaysto oo ay rumaystaan xantii iyo ishaacadihii (Rumors) suuqa la isla dhexmarayey.

Arrimaha kale ee jira ee dadka sii shaki galinaysay inay wax jiraan’’ waxa ka mid ah markay arkaan ashqaas aan dawladda meelna kaga qornayn oo haddana taladii u saraysay ee dalka wax ka go’aaminaya.

Waxaad ku dartaa qabasho la’aanta shirar-jaraa’id oo Madaxwaynaha iyo saxaafadda loo kala baxayo sidii dhici jirtay wakhtiyadii Cigaal iyo sanadihii hore ee Rayaale ilaa xad ay gaadhay in Madaxwaynuhu ka maqnaado shirkii jaraa’id ee loo balansanaa inuu ka sheego musharaxnimadiisa doorashadda sanadka danbe oo ay dhacdo in wariyeyaashii meesha ka soo xaadiray inay Madaxtooyadu u qaybiso cajalado CD iyo DVD-yo ah oo habeenkii hore laga duubay.

Arrimahaasi iyo kuwo kalaba marka la isku geeyo ayaa sawirka ka soo dhexbaxayaa ahaa mid dadka shaki ku abuuraya oo Madaxwaynahoodu ula muuqdo mid la maamulayo oo dadka iyo warbaahinta laga ilaalinayo sidii oo uu yahay qof wax qaba.

Dadku eed-malaha hadii markay xukuumadoodu runtii iyo beentii u kala saari waydo ay beentii run u qaataan.

Mushkiladda meesha taala ee aan arrintan oo kaliya khusayn balse dalkoo dhan carqaladda ku ahi waxay tahay dadkii Madaxwaynaha ku xeernaa ee ragga iyo dumarkaba lahaa ayaa waxay dhagahiisu jeclaystaan mooyaane aan wax kale u sheegayn.

Madaxwayne kasta la taliyeyaashiisa u dhawdhawi waa wasiiradiisa. laakiin wasiiradda Siilaanyo kuma jiro mid kaliya oo u sheegi kara waxaanay dhagihiisu jeclayn balse dantu ku jirto Madaxwayne ahaan iyo dal ahaanba.

Xukuumad dhexdeedii aan runta la isku sheegayn khaladkana la iska qabanayn oo wasiiradeeda, saraakiisheedii aminiga, xildhibaanadeeda iyo xisbiyiinteedu ay u kala baratamayaan u-guulwadaynta Madaxwaynaha xukuumadda caynkaas ahi dadkeedana run uma sheegi karto. laakiin waxa hubaal ah in casrigan aynu ku jirno ee warbaahintii hore laga sii guurayo ee Internet-kii iyo Social Media-hii ay caalamkii Saybareen aanu jiri doonin war xaqiiqadiisa la qarin karaa.

Xalna kuma imanayo oo isna keeni maayaan wariye yar oo casrigiisan la socda oo Twitter iyo Facebook toocsanaya iyo xukuumad kolba isaga xidhaysa oo wali ku nool cahdigii kacaanimada iyo guul-wadayntu shaqayn jirtay ee qarnigii hore.

Qalinkii Axmed Cumar Askar

Hargeisa-Somaliland