Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 1 2014                                             Shuwaal 4,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Waaryaadhaheen tii Xukuumad ahayd waxa ka soo hadhay “Qabyaalad-baa la waddaa oo habartii Magaaddaa aakhiro laga soo toosinayaa”. Oo heedhe habartan Magaaddo habartii kale ee ay isku qarniga ahaayeen iyadu tolow may soo dhawaatay sawtii tafiirteedii oon qof ka maqnayni ay barri-dhawayd ducadda ugu dhigeen meesha la yidhaa Gar-adag?

Horta labadda islaamood-ba naxariistii Eebe korkooda ha ahaatee xukuumadu iyadaa joojin-wayday bah-ducaysigii ay bilawday iyadoon xilba qaban oo waatan labadii habrood midna soo dhawaysanaysa ee waliba habeenkasta oo Sabti soo galayso-ba mawliidka ugu akhriyeysa Madaxtooyadda midna karaahi-yeysanaysa  oo hadii la soo hadal-qaadaba ay jidhka is-galinayso.

Hadaba xukuumadu ama habraha laanta oo dhan bunka ha u wada kariso ama sheekaddan islaamaha intay iskaga baxdo iyada iyo Komishanku dadka haw wada sheegaan diyaar-garawgii doorashadu halka uu marayo.