Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 4 2014                                             Shuwaal 7,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo Guryo-Noqday Xili Ay Wali Xidhan Yihiin Xadadkii Ethiopia Iyo Djibouti  & Dareenada Cusub Ee Ku Lammaanaa Soo Dhawayntiisa

 

Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Si Anshaxa Dawlad-nimadda Ka Baxsan Suxufiyiinta Uga Horjoogsaday Inay Madaxwaynaha Wax Su’aalo Ah Waydiiyaan

Hargeysa, August 3, 2014 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  maanta dalka ku soo guryo noqday, kaas oo ka soo laabtay safar gaar ah oo uu mudo ugu maqnaa dalka Ingiriiska, kaas oo aan sheegin wax ka badan salaan uu bulshadda dalka u diray iyo kulamo uu la qaatay qaybo ka mid ah qurbo-jooga reer Somaliland ee UK.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu dhameeyey warbixintiisa kooban ayuu afhayeen Madaxtooyadda Mr Dhuxul uu suxufiyiintii ku sugnaa qolka VIP ee madaarka Hargeysa ee Igal International Airport ka horjoogsaday su’aalo ay codsadeen inay Madaxwaynaha waydiiyaan, kaas oo isagoo u muuqda mid amar la soo siiyey fulinaya si kulul ugu wargaliyey wariyeyaashaasi inaan la ogolayn in wax su’aal ah la waydiiyo Madaxwaynaha dalka ee mudada ka maqnaa dalka uu hogaaminayey.

Sidoo kale dhaqamadda cusub ee uu ku kacay afhayeen Madaxtooyadu ayaa xoojiyey dareenadii ay bulshadu ka qabtay xaaladda caafimaad Madaxwaynahooda, iyadoo ay arintaasi aad uga cadhoodeen suxufiyiintii su’aalaha ku boobay Madaxwaynaha oo arrintaasi ku tilmaamay mid anshaxa dawladd-nimada ka baxsan oo xiisad ku abuuri-karta Madaxtooyadda.

Waxaana Madaxwaynaha Madaarka ku soo dhaweeyey ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Golaha wasiirada, xubno ka mid ah labada aqal Baarlamaan iyo dadweyne aad u kooban. Waxaanu Madaxwayne Siilaanyo hadalkiisa oo kooban ku bilaabay “Farxad weyn ayay Ii tahay inaan dalka dib ugu soo laabto, anigoo mudo labaataneeyo cisho ah ka maqnaa. Mudadaas aan maqnaa waxaan marka hore sii maray Ethiopia, halkaasi oo aanu ka wada hadalay danaha labada dal, ka bacdina waxaan tagay dalka Ingiriiska oo aan Fasax ugu maqnaa, waxaanan Bulshada Reer Somaliland ee halkaasi joogtana aanu fursado aanu qaybo badan kula kulanay aanu isku helay. Waanu la ciidnay, waxaanu kala hadalnay arimaha dalka iyo waxyaabaha ay sheeganayeen. Waxaanu kula dardaarmaynay taageerada dalka iyo horumarkiisa”.