Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 8 2014                                             Shuwaal 10,1435H     

 

 

 

 

“Al-Shabaab Waxa Ay Isku Dayday Inay I Khaarajiso Aniga Iyo Madax Kaleba. Laakiin Kumay Guulaysan, Kumana Guulaysan Doonaan”Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud

 

Washington, August 7, 2014 (Haatuf/W.Wararka) - Madaxweynaha Somaliya

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Al-Shabaab dhawr goor isku

dayday inay khaarajiso isaga iyo masuuliyiin kale, balse uu ka

badbaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh  waraysi gaar ah siiyay  Wakaalada Wararka ee

Reuters, isagoo jooga wadanka Maraykanka oo uu kaga qayb galay kulanka

Madaxda Afrika iyo Maraykanka, ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya

bilaabayso weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo loo bixiyay badweynta

Hindiya.  “ Hawgalka aan bilaabeyno oo aan ugu Magac darnay Badweynta

Hindiya waxa uu bilaaban donaa maalmo gudahood , waana howl galkii ugu

dambeeyay ee Al-Shabaab aan kaga saareyno Soomaaliya.” sidaasi waxaa

yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo raaciyay, "Waxaanu

qorshaynay sidii uu qorshahaas badweynta Hindiya u noqon lahaa mid

guulaysta.”

Isagoo ka hadlaya dhawrka goor ee ay Al-Shabaab isku dayday inay

khaarajiso wuxuu yidhi, “Al-Shabaab waxa ay isku dayday inay I

khaarajiso aniga iyo madax kaleba. Laakiin kumay guulaysan, kumana

guulaysan doonaan.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Wuxuu ku dooday inay awoodii Al-Shabaab daciiftay “ Way iska cadahay

in Al- Shaabab in ay  daciifeen waxaana cadayn taasi u ah waxaa lagala

wareegay deegaano muhiim ah.”

Xidhiidhka Maraykanka iyo Somalya ayuu ku sheegay inuu horumar

samaynayo islamarkaana ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan.Sources;

Geeska Afrika