Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 13 2014                                             Shuwaal 16,1435H     

 

 

 

 

Xil. C/Laahi Balaaki Oo Isagoo Caayeya Marxuumadii Magaaddo Ku Dhaawacmay Koob Shaaha Ah Oo Uu Madaxa Kaga Dhuftay Xildhibaan Ibraahim Kacaan

Hargeysa, August 12, 2014 (Haatuf) - Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Balaaki) oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa saaka dhaawac wayni madaxa ka soo gaadhay ka dib markii isagoo caayaya Marxuumadii Magaaddo uu Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) koob shaah ah oo uu cabeyey madaxa kala eegtay.

Arrintan ayaa waxa ay ka dhex-dhacday xafiiska gudddoomiye ku xigeenka 1-aad ee wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo ay saddexda xildhibaan ku shaahaynayeen, iyadoo uu C/laahi Balaaki markiiba bilaabay inuu ku tiraabo aflagaado iyo hadalo xun-xun oo uu ku caayeyo marxuumaddi Magaaddo, taas oo uu Xildhibaan Ibraahim Kacaan u adkaysan waayey isla markaanay ku kaliftay in uu koobkii shaaha ahaa ee uu cabayey C/laahi Balaaki madaxa kaga dhufto, taas oo sababtay in Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka in loola cararo, halkaasna 8 qodob lagu tolo.

C/laahi Balaaki oo xiligii ay dawladdi Siyaad Barre dalka xukumi jirtay ka mid ahaan jiray adeegayaashii wax u basaasi jiray hay’adihii cadaadiska, ayaa hawsha ugu wayn ee uu hadda hayo lagu tilmaamaa mid ku eeg inuu warbixino qarsoodi ah oo  uu kaga waramayo dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal u gudbiyo marwadda 1-aad Aamino Waris, isagoo baryahan danbe caadaystay inuu si shaqsi ah u aflagaadeeyo Ilaahay ha u naxariistee Ayeeyo Magaaddo. Source: Qarannews.