Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 14 2014                                             Shuwaal 18,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Dalka Denmark U Qaabilsan Horumarinta Oo Madaxwayne Siilaanyo Kala Hadlay Wargeys-Yadda Xidhan, Kana Dalbaday In Xoriyadoodii Loo Soo Celiyo

Hargeysa,  August 13, 2014 (Haatuf) – Wasiirka dalka Denmark u qaabilsan arrimaha horumarinta iyo baayac-mushtarka Mogens Jensen oo maalintii Salaasadii soo gaadhay Magaaladda Hargeysa ayaa Madaxwayne Siilaanyo kala hadlay in wargeysyada xidhan ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Hubaal xoriyadoodii loo soo celiyo.

Wasiirkan oo ka masuul ah macaawinada ay dawladiisu siiso wadamada soo koraya, ayaa kulan shalay isaga iyo Madaxwaynaha ku dhexmaray Hargeysa waxa uu Mr Siilaanyo u sheegay siday wadamada Midowga Yurub uga xunyihiin isla markaana uga walaacsan yihiin xadgudub-yada ay saxaafadu kala kulanto xukuumadda Somaliland gaar ahaan xadhiga suxufiyiinta iyo waliba dhaqanka cusub ee ay albaabada ugu laabayso xarumaha warbaahinta dalka.

Denmark oo safka hore kaga jirta dawladaha kaalmada ugu badan siiya Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa kale oo u dheer lacag ay toos ugu deeqdo sanduuq horumarineed oo Somaliland u gaar ah (Somaliland Development Fund) kaas oo ay ku weheliyaan labada dawladood ee UK iyo Norway oo iyaguna dhaqaalaha sanduuqaas qaybtooda bixiya.

Diblomaasiyiin iyo masuuliyiin ka socda dawladaha deeqda bixiya iyo qaramada midoobay oo booqashooyin kala danbeeyey ku yimid Somaliland dhawrkii bilood ee u danbeeyey ayaa dhamaantood dareeno isku mid ah ka muujiyey cabudhinta iyo tacadiyada ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso warbaahinta dalka, iyagoo kulamo ay la yeesheen madaxda Somaliland ka dalbadeen inay xayiraada ka qaado wargeys-yada iyo suxufiyiinta xidhanba.

Hese-yeeshee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaan ilaa hadda dhag u dhigin dalabyadaas beesha caalamka marka laga reebo guddoomiyaha Haatuf iyo tafatiraha wargeyskaasi oo ay xabsiga ka sii daysay 13-kii bishii hore ee July.

Wali lama xaqiijin in Mr Jensen uu xukuumadda kala hadlay wiil dhalinyaro ah oo saddex bilood ku dhawaad ku xidhan jeelka Hargeysa oo ay Bilayska dawladda Denmark ku tuhunsan yihiin inuu nin ku dilay dalkooda isla markaana ay Somaliland  hore uga codsadeen inay gacanta ka soo galiso.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade ayaa amar ku bixiyey in wiilkaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland la xidho loona dhiibo dalka Denmark oo uu jinsiyadiisa haysto, iyadoo aanu jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Denmark oo banaynaya in la isu-celiyo dadka labada dal midkood intay dambi ka galaan dalka kale usoo baxsada.

Lix sano ka hor ayaa codsi sidan oo kale ah oo ay dawladda Maraykanku ku doonaysay in loo soo celiyo wiil reer Somaliland oo loo haystay dil ka dhacay dalkeeda ayaa waxa gaashaanka ku dhuftay dalabkaasi Madaxwaynihii xiligaa ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isagoo u cuskaday diidmadiisaas jiritaan la’aanta heshiis u dhexeeya labadda wadan oo khasbaya in labada dhinac ay isu-celiyaan dadka dambiyada ku eedaysan.