Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 21 2014                                             Shuwaal 25,1435H     

 

 

 

 

Guddoomiyaha Haatuf Oo Nicholas Kay U Sheegay In Doorka Siyaasadeed Iyo Ciidan Ee UN-Ku Ka Ciyaarayey Arrimaha Somalia Uu Mar Walba Mijo-Xaabinayey Deganaanshaha & Horumarka Somaliland

 

Hargeysa, August 20, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha wargeysyada Haatuf,

The Somaliland Times Iyo al-Haatef al-Carabi Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha

Somalia Nickolas Kay u sheegay in ilaa iyo 1991-kii ilaa wakhtigan

xaadirka ah ay kaalinta siyaasadeed iyo ciidan ee UN-ku ka ciyaaraan

arrimaha Somalia ay mar walba mija-xaabin ku haysay deganaanshaha iyo

horumarka Somaliland.

Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa ka soo qayb-galayaasha

kulan galinkii danbe ee shalay xarunta UNDP ee magaaladda Hargeysa ku

dhexmaray Mr Kay iyo wakiiladda ururadda bulshadda rayidka ah ee

Somaliland ayaa wuxuu tilmaamay inaanay wax mushkilad ah oo wayni ka

jirin xidhiidhka hay’adaha gargaarka aadami-nimo ee ka hawl-gala

Somaliland sida UNICEF iyo WHO laakiin arrinta had iyo jeer xumanaysa

xidhiidhka UN-ka iyo Somaliland ay tahay kaalinta ay qaramadda

midoobay isku xil-saartay ee ay ka haysay Somalia, gaar ahaan arrimaha

ku tacaluqa siyaasada iyo milatariga laga bilaabo UNISOM I iyo UNOSOM

II ilaa UNSOM oo ah magaca hadda loo yaqaano hawlgalka ay qaramadda

midoobay ka waddo Somalia kaas oo ay hoos yimaadaan ciidamadda AMISOM

iyo dhamaan hay’adaha gargaarka ee qaramadda midoobay.

Waxa kale oo uu Yuusuf Cabdi Gaboobe Mr Kay u sheegay in ergay kasta

oo xoghayaha guud ee qaramadda midoobay uu u wakiisho arrimaha Somalia

ay isku dhacaan isaga iyo reer Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka

hadlayana Yuusuf waxa uu yidhi

“Ergay kastaa wuxuu iska dhaadhiciyaa sheeko ah inuu Somaliland-na

xukumo, markayse xaqiiqadu ka hor timaadana halkii uu madaxdiisa New

York jooga runta u sheegi lahaa ee uu ka dalban lahaa in wax laga

bedalo xidhiidhka qaramadda midoobay iyo Somaliland wuxuu u dhaqmaa

sidii oo wax walba ay caadi yihiin oon wax mushkilad ahi jirin”.

“Dhibaatada iyo is-fahan-waagu waxay ka yimaadaan qaybta UN-ka u

xilsaaran arrimaha siyaasadda iyo ciidanka taas oo uu madax ka noqdo

qof uu soo wakiishay xoghayaha guud ee qaramadda midoobay”. “Tusaale

ahaan UNISOM waxay isku dayday inay fashiliso barnaamijkii

hub-ka-dhigista iyo dib-u-jihaynta ee xiligaa ka socday Somaliland, oo

waatii kaga baxday xukuumadda balankii ahaa inay raashin u keento

7,000 oo ka mid ahaa dhalinyaradii la abaabul ka saarayey ee lagu

xareeyey Mandheera 1993-kii,

waana tii Admiral Haw Muqdisho ku xidhi jiray Paul Niyante iyo Jeremy

Brickhill oo ka tirsanaa jabhadii ZANU ee xoraysay dalka Zimbabwe

labadaas oo nagala shaqayn jiray arrimaha hub ka dhigista”.

Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe wuxuu sheegay in xafiiska UN-ka ee u

xilsaaran arrimaha siyaasadda iyo ciidanka ee uu madaxda ka yahay

ergayga xoghayaha guud uu ku hafto kolba xaaladda ka jirta Somalia

gaar ahaan magaaladda Muqdisho taas oo isaga iyo beesha caalamkuba

intay waddo khaldan u marraan xalinteeda ay marwalba ku fashilmaan,

halka Somaliland oo ku guulaysatay inay nabad iyo xasilooni gayigeeda

ka yagleesho ay ku mutaysato in la duudsiyo qaybta ay ku leedahay

gargaarka ay qaramadda midoobay bixiso, taas oo ay xagga Somalia ay

badankiisa u leexiso

 “Tusaale ahaan qaybta warbaahinta ee aan ka shaqeeyo ilaa hadda

hay’adaha qaramadda midoobay iyo deeq-bixiyeyaashuba waxay culayska

saaraan Xamar anaguse waanu kala quusanay inay barnaamijyo macno leh

oo lagu horumarinayo warbaahinta Somaliland wax nagala qabtaan,

inkastoo beesha caalamka oo aanu UN-ku ku jirin ay cambaareeyaan

tacadiyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyadda

saxaafadda ee ka dhaca dalka Somaliland, taas oo aanu uga mahad

celinayno”.

Yuusuf Gaboobe hadalkiisii uu u jeedinayey Mr Kay wuxuu ku soo

gabo-gabeeyey “Idinka oo isa-saxa mooyaane xafiiska siyaasadda ee

qaramadda midoobay iyo Somaliland islama keeni karaan, hadalkaagana

waxa ku jiray la idinma ictiraafin oo marka qaynuunka caalamiga ah la

raaco waxaad ka mid tihiin Somalia. Waa runtaa oo ma jirto wali dawlad

na aqoonsatay laakiin taasi xaq idiinma siinayso inaad ixtiraami

waydaan  ood dareen u yeelan-waydaan rabitaankayaga iyo

qaranimadayada, umana hadlayo anigu xukuumadan oo saddexdayadii

wargeys ayaabay intay albaabada u laabtay xoog ilaa hadda ku haysataa

laakiin waxaan kuu sheegayaa in xafiiskaaga aanay shacbiga reer

Somaliland raali ka noqon doonin ilaa iyo intaad joojinaysaan gafafka

ay idinka tirsanayaan”.