Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 27 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Dawladda Britain Oo Soo Celinaysa Dad Reer Somaliland Ah Oo La Siin-Waayey Ama Lagala Noqday Sharcigii Ay Dalkaas Ku Joogi Lahaayeen

Waxa Arrintan Ingiriiska U Balan-Qaaday Heshiisna Kula Saxeexday Wasiiradda Cadaaladda Iyo Guraha

Hargeysa, August 26, 2014 (Haatuf) –  Xukuumadda Somaliland ayaa

dawladda Britain ka ogolaatay inay dhawaan wadankeeda ka soo saarto

dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo la sheegay inay ku

guul-daraysteen inay magangalyo (Asylum) ka helaan dalkaasi.

Dadkan oo lagu soo celinayo Somaliland ayaa waxa kale oo ka mid ah

qaar ku kacay fal-danbiyeedyo sababay in xukuumadda Britain kala

noqoto sharcigii ay wadankeeda hore ugu joogeen.

Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha

Cali Warancade ayaa mar ay masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain kula

kulmeen London iyo Hargeysa-ba si fudud uga ogolaaday codsiga ah in

Somaliland lagu soo celiyo dadkaasi, iyadoo Mr Xuseen Caydiid uu

16/4/2014 heshiis arrintaasi ku saabsan Hargeysa kula saxeexday

Wasiirka UK u qaabilsan Arrimaha Afrika Mark Simmonds.

Siday ilo arrimahaa u dhuundaloolaa sheegeen, Cali Warancade oo

horaantii sanadkan booqasho ka tagay magaaladda London ayaa saraakiil

Ingiriis ah oo uu halkaasi kula kulmay u balan-qaaday inuu shakhsiyan

ku dedaali doono sidii uu codsigoodaa u meelmarin lahaa.