Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 27 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Baashe Cawil Oo Berbera Ku Sugaya 100 Gaadhi Oo Dawladu Qandaraas Qarsoodi Ah Ku Siisay Soo Iibintooda

 

Berbera, August 26, 2014 (Haatuf) – Wiilka uu sodoga u yahay

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee Baashe Cawil ayaa

todobaadkan ku sugnaa magaaladda marsadda wayn leh ee Berbera, halkaas

oo uu ku sugayey shixnad gaadiid ah oo ay dawladu qandaraas qarsoodi

ah ku siisay inuu dibadda uga soo iibiyo.

Gaadiidkan oo tiradiisa lagu sheegay 100 baabuur ayaa la filayey in

markabkii siday uu ku soo xidho dekadda Magaaladda Berbera horaantii

todobaadkan iyada oo uu Baashe Cawil maalmahanba ku sugnaa

magaaladaasi isagoo iska ilaalinaya in la ogaado, balse uu

joogitaankiisu soo shaacbaxay maalintii Axadii ee 24-kii bishan markii

la arkay isagoo horkacaya madaxda gobolka Saaxil ee Madaxwaynaha ku

soo dhawaynaysay halkaasi, iyadoo safarkan madaxwayne Siilaanyo yahay

kii 3-aad ee uu sanadkan ku tago xeebta Berbera arrimo caafimaadkiisa

la xidhiiidha awgood.

Mr Siilaanyo ayaa isla sanadkan gudihiisa laba jeer London u tagay

arrimo baadhitaan caafimaad iyo nasasho iskugu jira.

Dhinaca kale Baashe Cawil ayaa isku diyaarinaya in la siiyo

qandaraaska qalabka iyo adeegyada lagu fulinayo mashruuca

diwaangalinta cod-bixiyayaasha ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Baashe Cawil ayaa adeegsada tabo iyo xeelado kaashif ah oo uu dadka ku

jiho-habaabiyo iyadoo marka uu qaadanayo qandaraasyada dawladda uu

food-saare ka dhigto dad intuu magacooda isticmaalo hadhawna waxyar oo

lacag ah u tuuro sida mashruucan diwaangalinta madaniga ah ee Cali

Warancade isku sawiro.Source:Qarannews.com.