Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 2 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Luuqad Adag Ku Canbaaraynaysay Muwaadin reer Somaliland Ah Oo Xukuumadu U Gacan Galisay Dawladda Djibouti

"Dhiibista la dhiibay Cabdilaahi waxay si cad u jebinaysaa dastuurka Somaliland waxayna xad gudub ku tahay xuquuqda uu u damaanad qaaday dastuurku"Afhayeenka Xuquuqul Iinsaanka Mulaaxo Maxamed

 

Hargeysa, September 1, 2014 (Haatuf) - Afhayeenka xarunta xuquuqal Iinsaanka Somaliland Mulaaxo Maxamed Cali ayaa luuqad adag ku cambaaraysay talaabadii ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo 11-kii bishii June sanadkan ugu gacan galisay dawladda Djibouti muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan.

 

Xarunta xuquuqal iinsaanku waxay talaabadaasi ku sifaysay mid sharciga wadanka baalmarsan oo aan la aqbali karin, waxaanay cod dheer ugu soo jeedisay xukuumadda Somaliland inay ka hawlgasho sidii shuruud la'aan loogu sii dayn lahaa muwaadinkaas oo ay xusseen inaanay jirin maxkamad kiiskiisa qaaday oo ku cadaysay dambiga loo haysto, isla markaana waxay xarunta xuquuqal iinsaanku tibaaxday inaanu jirin wax heshiis ah uu ay wada galeen Somaliland iyo Djibouti oo dhigaya in dambiilayaasha ay isku soo dhiibaan. waxaanay sidaasi ku sheegeen xarunta xuquuqal iinsaanku warsaxaafadeed ay soo saareen maanta taas oo ay ku saxeexnayd afhayeenka hay'adaasi marwo Mulaaxo Maxamed Cali, taas oo nuqul ka mid ah ay maanta soo gaadhsiiyeen Haatuf , isla markaana iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan:-

 

"Somaliland waa inay dib ugu soo celisa Cabdilaahi dalkiisa. Dawladda Somaliland may raacin habka ay tahay in la isku waydaarsado eedaysanayaasha. Ma jiro wax mucaahado caalami ah oo dhexmaray Somaliland.

 

Dawladda Somaliland waxay u gancan gelisay muwaadin u dhashay Somaliland dalka Jibuuti. Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim waxa lagu xidhay Hargeysa 11 kii June sanadkan. Markii uu maalmo xidhnaa kadib waxa loo gudbiyay Jibuuti.

 

Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucayaa in muwaadin u dhashay Somaliland loo gudbiyo dal kale sida ku cad qodobka 35(2) ee dastuurka. Waa arin aad looga welwelo in muwaadin loo gacan geliyo dal kale. Ma jiro wax sharci ah cayn kasta oo uu yahay oo lagu dabakhay dhiibista Cabadilaahi. Dawladda Somaliland waxa waajib ku saaran yahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda ayna ixtiraamto dastuurka.

 

Somaliland waa inay dib ugu soo celisa Cabdilaahi dalkiisa. Dawladda Somaliland may raacin habka ay tahay in la isku waydaarsado eedaysanayaasha. Ma jiro wax mucaahado caalami ah oo dhexmaray Somaliland iyo Jibuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha. Qodobka 35(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa "Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa". Sidaasdarteed, dhiibista la dhiibay Cabdilaahi waxay si cad u jebinaysaa dastuurka Somaliland waxayna xad gudub ku tahay xuquuqda uu u damaanad qaaday dastuurku. Cabdilaahi ma aha dembiile ama eedaysane ka soo cararay dalkiisa balse wuxuu ahaa muwaadin ku nool dalkiisa hooyo.

 

Qoyska Cabdilaahi lama ogaysiin markii la dhiibayay, kamana war hayaan meesha uu joogo iyo xaaladiisa toona. Qoyskiisa looma ogolaan inay la xidhiidhaan.

 

Xaaladda xuquuqal insaan ee Jibuuti waa mid aad u xun. Dawladda Jibuuti waxay isticmaashaa jidh-dil sababa geeri, xaaladaha xabsiyaduna waa kuwo aad u xun sida lagu sheegay warbixinada hay’adaha xuquuqal insaanka ee caalamiga ah. Waxay warbixinadu sheegayaan in dadka lagu hayo xabsiyada mudo dheer iyada oo aan maxkamad ah la hor geyn, in loo diido dacwad dhegaysi xaq ah iyo in garsoorka Jibuuti aanu madaxbanaanayn. In muwaadin reer Somaliland ah khatartaas la geliyaana waa arin aan la aqbali karin.

 

Talo-soo jeedin:

 

· Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay dib ugu soo celiso Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Somaliland sida ugu dhaqsaha badan

 

· Dawladda Jibuuti waa inay u ogolaato Cabdilaahi inay booqdaan qoyskiisa iyo hay’adaha xuquuqal insaanku, waana inay xaqiijiysaa badqabka iyo nabadgelyadiisaa

 

· Xarunta Xuquuqa Insaanku waxay ka codsanaysaa ururada caalamiga ah ee xuquuqal insaanka inay u doodaan Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim".