Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 3 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Madaxda UCID Oo Gurigiisa Magaaladda Hargeysa ku Booqday Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo La Xanuunsanaya Dhaawacyo Soo Gaadhay Wakhtigii Uu Xidhnaa

 

"Run ahaantii waa nasiib darro inagu dhacday in wargeysyadii ay Madaxtooyadu samaysatay ay waxay doonaan qoraan oo ay........"Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

 

Hargeysa, September 2, 2014 (Haatuf) - Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisa Cabdi Rashiid Xasan Mataan, guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigaasi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) iyo xubno kale oo ka mid ah hogaanka sarre ee UCID ayaa maanta duhurkii gurigiisa magaaladda Hargeysa ku booqday Guddoomiyihii Wargeysyada xidhan ee Haatuf iyo Somaliland Times Md Yuusuf Cabdi Gaboobe oo

 

haatan u jiifa dhaawacyo wakhtigii xadhigiisa ka soo gaadhay xubno jidhkiisa ka mid ah sida kaadi-haysta iyo kaliyaha.

 

Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige ayaa hore u sheegay in bilaysku si xun ula dhaqmi jireen markay Maxkamadda ka qaadayaan ee ay jeelka geynayaan iyo marka ay Maxkamadda ka keenayaanba.

 

Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee booqday Guddoomiyaha Haatuf Media Network oo markii danbe warbaahinta kula hadleen halkaasi, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay musharaxa madaxwayne ku xigeenka UCID Cabdi Rashiid Xasan Mataan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaanu maanta halkan ku soo booqanay mid ka mid ah dadka ixtiraamka iyo sharafta inaga muddan oo ah aqoonyahan Yuusuf Cabdi Gaboobe oo run ahaantii aan aaminsanahay inuu wax badan dalkan iyo dadkankanba soo gashaday oo uu usoo qabtay isla markaana ah tiirarkii taagay saxaafada xorta ah ee Somaliland. hadal badani halkan iiga banaana ee waxaan u rajaynayaa Yuusuf Cabdi Gaboobe caafimaad taam ah inuu Ilaahay siiyo Insha Allaah".

 

sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la qiimayn waayo oo la dhawri waayo dimuqraadiyada Somaliland iyo xoriyatul-qawlka dalkaba, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Maanta waxaanu gurigiisa magaaladda Hargeysa ku soo booqanay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah aqoonyahan qaali ah isla markaana ka mid ahaa dadkii ehelka u ahaa dimuqraadiyada iyo horumarka Jamhuuriyaddan, run ahaantii waxaan ka xusayaa arrimaha uu Yuusuf sida wayn wax uga soo geystay halgankii dib u xoraynta dalkan iyo horumarintii iyo yagleelidii warbaahinta xorta ah ee Somaliland". isagoo Jamaal Cali Xuseen hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey "Waxaynu ognahay in sifo sharciga baalmarsan albaabada loogu laabay wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times oo uu Guddoomiye ka ahaa Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe isla markaana isagiina xadhig sharci daro ah loogu daray oo taasina ay keento inuu dhaawac ka soo gaadho xabsigii sida sharci darada ahayd loogu gaystay, markaa waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo oo uu shaafiyo Insha Allaah".musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu baaq u dirayey, waxa hadalkiisa ka mid ahaa "Dawladda Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa sidii baaqaqii hore ee beesha caalamkuba ahaa inaan warbaahinta madaxabanaan la cabudhin oo wargeysyada xidhan ee Haatuf, Hubaal iyo Somaliland Times-ba si degeg ah oo shuruud la'aan ah ay xayiraada iyo ciidanka uga qaado, waxaanan mar iyo lababa uga digaynaa in cabudhinta saxaafadu sii socoto. run ahaantii waa nasiib darro oo inagu dhacday in wargeysyadii ay Madaxtooyadu samaysatay ay waxay doonaan qoraan oo ay u madaxbanaan yihiin waxay doonaana ay qoraan, isla markaana kuwii xaqa sheegayey ee ummadda u adeegayeyna xoog albaabada loogu xidho, waxaan leeyahay waar waxani ma sii socon doonaan ee ummadda sidan ka daaya oo Ilaahay ka cabsada oo bulshadda iyo beesha caalamkaba ka xishooda, waxan aad samaynaysaan waa wax xun oo la wada arkayee, ugu danbayn waxaan Yuusuf u rajaynayaa caafimaad inuu Ilaahay siiyo".

 

waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqamadda xukuumadu ay kula kacdo warbaahinta madaxbanaan, waxaanu Ilaahay uga baryey Yuusuf Cabdi Gaboobe inuu caafimaad siiyo, isla markaana wuxuu ku taliyey in xukuumadu ka waantowdo tacadiyada iyo xad-gudubyada ka dhanka ah warbaahinta Somaliland, waxaanu hadalkiisa ku soo gabo-gabeeyey inaanu Yuusuf Cabdi Gaboobe istaahilin sida ay ula dhaqantay xukuumadda Axmed Siilaanyo.

 

dhinaca kale dhaawacyadan uu la xanuunsanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe oo sida la sheegay ka haleelay Kaadi-haysta iyo Kalyaha ayaa waxa u dheeraa dhaawacyo kale oo ka soo gaadhay Jilbaha, kuwaas oo sida la sheegay uu dhaawaca ugu xuni uu soo gaadhay 14-kii June markii lagu qaadayey

 

baabuurka shabaglaha ahaa ee la gaynayey xabsiga dhexe ee Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Haatuf Media Network Mr Gaboobe ayaa waxay RRU-du maalintaasi ka qabteen maxkamadda gudaheeda isagoo la socda Looyarkiisu oo ay ku sii socdeen guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa si ay wax uga waydiiyaan in laga badalay garsoorihii gacanta ku hayey dacwada Haatuf ee ay labada dacwaysane horre u durreen.

 

haddaba ciidanka RRU-da ee Yuusuf Cabdi Gaboobe maxkamadda ka dhex-qabatay oo uu hogaaminayey askari ay qaraabo yihiin wiilka uu madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil ayaa markii ay jeelka dhexe ee Hargeysa gaadheen ayaa waxay mudo laba saacadood ku dhaw gaadhigii oo qufulan kaga dhextageen Yuusuf Cabdi Gaboobe iyadoo wakhtigu ahaa duhur ay cadeedu aad u kulashahay.

 

Askariga ay qaraabada yihiin Baashe Cawil ayaa markii uu kusoo noqday baabuurkii shabag-laha ahaa oo wali taagan jeelka hortiisa ayaa wuxuu ku tiraabay hadalo xanaf leh oo ay ka mid ahaayeen "Waar wali miyuu nool yahay, bal ka furra".