Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 13 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Diwaangalinta Maddaniga ah: Carqaladaynta Doorashadda Waxa U Dheer Musuqmaasuq

 

Go’aanka wada jirka ah ee ay mucaaridku ku gaadheen inay qaadacaan diwaangalinta maddaniga ah waa talo markii horeba seegtay.

Xoogaga mucaaridka gaar ahaan labada xisbi ee UCID iyo Waddani.waxay ahayd inay marka horeba ka shakiyaan diwaangalinta maddaniga ah ee wasiirka daakhiligu Cali Warancade tunka ku sitay ee ilaa maalintii xilka loo magacaabay ilaa yoommanaa haaddaa uu dadwaynaha u sharixi-kari laayahay ujeedada iyo danta dal ahaan iyo dawlad ahaanba inoogu jirta ee xukuumadda ku kalifaysa in wakhtigan la hirgaliyo, waayo aduunka lama maqal oo lama arag diwaangalin maddani ah (Civil Registration) oo loo qabto mudo cayiman oo lagu fulinayo.

Mucaaridku waxay ahayd inay goor hore fahmaan in ujeedada kaliya ee xukuumadu ka leedahay mashruucani tahay inay ku carqaladayso oo ay dib ugu riixdo wakhtigii la qaban lahaa diwaangalinta codbixiyayaasha si ay markaas u suurtoobi waydo in doorashadii madaxwaynaha wakhtigeedii lagu qabto (June 2015) oo ay markaa xukuumadu marmarsiiyo ugu hesho mudo kordhin Saleebaan Gaal u sameeyo madaxwayne Siilaanyo.

Waliba waxa jirtay in Wargeyska Haatuf uu ilaa horaantii sanadkan uu website-kiisa iyo jariiradaba intii aan albaabada loo laabin ku soo bandhigayey warar iyo faalooyin uu kaga digayey suurtagalnimada ah in xukuumadu ay diwaangalinta maddaniga ah ka dhigato sabab ay doorashadu dib ugu dhacdo.

Inkastoo ay mucaaridku sanadkan oo dhan ka qaylinayeen tabaabushe la’aanta xukuumadda ee xaga doorashooyinka, haddana waxa layaab leh sababta ay markiiba mashruuca diwaangalinta maddaniga ah ugu arki waayeen talaabo aan meesha ku jirin oon wakhtigeedii la joogin isla markaana ay ka horayso in marka hore la hirgaliyo diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Mucaaridka waxa seegtay inay wakhti horeba mawqif cad iska taagaan mashruucan carqaladaynta doorashadda ee Cali Warancade loo xilsaaray.

Layskuma hayo in dal waliba uu leeyahay hab uu ku diwaangaliyo muwaadiniintiisa iyo kolba wixii qof-qof iyo qoys-qoysba ugu soo kordha ama iska badala noloshooda hadii ay tahay dhalasho, guur, geeri, degaan iyo waxyaabo la mid ah.

Diwaangalinta maddaniga ah waa hawl joogto ah oo waligeed soconaysa lagumana soo koobi karo wakhti xaddidan. Dalalka dunidda badankooda waxa hawshan fulinteeda u qaabilsan dawladaha hoose ama waxaaba loo sameeyaa xafiis-gaar ah oo heer maxali ah iyo mid dhexe-ba ka hawlgala oo muwaadinka iyo dawladuba way u baahan yihiin diiwaan rasmi ah (Registrar) oo laga heli karo macluumaadka aas-aasiga ah ee muwaadin kasta looga baahan yahay sida magaciisa oo afarran, taariikhda iyo goobta dhalashadiisa (ama goorta uu wafaaday), lab iyo dhidig midka uu yahay, ciwaankiisa IWM.

Laakiin sidii aanu wakhtiyo horeba boggan ugu muujinay sheekaddan diwaangalinta maddaniga ahi markii ay soo shaax-baxday waxay judhiiba noqotay mid noo cuntami wayday oo aanu wargeys ahaan wax iska waydiinay.

Su’aasha markiiba nagu soo dhacday ee uu jawaabteeda ka warwareegay wasiirka daakhiligu waxay ahayd maadaama ay diwaangalinta noocan ahi tahay hawl-daba furan (Open-Ended) oon muddo cayiman oo bilo ah ku dhamaan karaynin maxay tahay sababta ay xukuumadu iskugu qaadayso ee ay waliba hurayso dhawr milyan oo dollar oo jeebkeeda ah.

Annagoo taas la dhaka-faarsan ayaa waxa kale oo noo bidhaamay in hawshan ay weheliyaan arrimo musuqmaasuq oo ay durtaba Cali Warancade iyo Xildhibaan Cali Mareexaan qorshaynayaan sidii ay u kala dilaali lahaayeen miisaaniyada mashruuca.

Labadan masuul ayaa waxay Nairobi kula balansanaayeen nin baakistaani ah oo ay xidhiidh wada lahaayeen wiilka uu sodoga u yahay madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil, waxaanay ahayd in labada Cali ay ninkaasi baakistaaniga ah heshiis kula galaan inuu $2 milyan uu mashruuca diwaangalinta ku hirgaliyo baaqigana ay labadooda iyo Baashe kala qaybsadaan.

Sababta ay kooxdan ka kooban Baashe, Warancade iyo Cali Mareexaan u wateen ninkan baakistaaniga ahi waxay ahayd inay dadka uga dhigaan nin leh shirkad wayn oo waayo-aragnimo u leh arrimaha diwaangalinta maddaniga ah oo ay waliba hawlo ka soo fulisay dalal kale, taas oo ay uga dan lahaayeen inay sidii ay xukuumadu shakiga iskaga fogayn lahayd ee ay uga muuqan lahayd inay daacad ka tahay hawsha diwaangalinta maddaniga ah.

Waliba si uu ninkan baakistaaniga ahi ugu xilqariyo oo uu mashruucu u jiitamo waxay abaalgud ahaan ugu balanqaadeen inay ka hawlgalaan sidii loo siin lahaa qandaraasta keenista qalabka diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Haddaba ku talo-galkan ayaa fashilmay markii uu wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 25/3/2014 ku soo daabacay war sheegaya in wasiirka daakhiliga Cali Warancade iyo xildhibaanka madaxtooyada ku dhawdhaw ee Cali Mareexaan ay isla maalintaas safar ay ku dilaalayaan mashruuca diwaangalinta ay ku tagayaan magaaladda Nairobi.

Wargeysku waxa kale oo uu warkiisaasi ku xussay in ujeedada mashruucan ay calaamatul su’aal wayni saaran tahay iyo in $3 Milyan ku baxayaan.

Dhacdadan ayaa waxay keentay in madaxtooyadu joojiso safarkii Cali Warancade, kaas oo ka hadhay diyaaradii uu maalintaas galinkeedii danbe u raaci lahaa Nairobi, waxaana la gaadhay go’aan cusub oo ah in mashruuca lagu bixiyo qandaraas maxali ah oo cida la siinayaana sii calaamadsan tahay.

Waxa haddaba mucaaridka la gudboon inay ku adkaystaan mawqifkoodan qaadacaada diwaangalinta maddaniga ah, maadaama dadka intooda badani ay sidaasi ku taageersan yihiin, xukuumaduna marka indhaheeda wax la tuso ayuun bay wax ku qaadan doontaa oo waxay ku qasbanaan doontaa inay carqalada ka dayso hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashadda.

Hadii kale xukuumadu Ina Warancade dadka ha horkeento si uu uga qanciyo bal sida uu ictiraafkeenu ugu xidhan yahay wakhtigan diwaangalinta maxaliga ah oo la hirgaliyo.