Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 14 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

“Beesha Caalamku Haddii Aanay Maanta Imanin Barri Way Imanayaan Iyagoo Wafti Culus Ah, Waxaanay U Imanaynayaan…, Aniga Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Kaayaga Waxbartay Ee Aqoon Badan Dadwaynaha Ayaan U Dayndayaa Oo Ka Jawaabi Doona”

 

“Hadalkaasi Waa Mid Aan Meelna Haysanin Oo Waxaynu Odhankarnaaba Madaxwaynuhu Distuurkii Dalka Ayuu Jabiyey Marka Uu  Wasiirka Wasiirada Ku Sheegay Xirsi Laakiin”Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, Septembter 13, 2014 (Haatuf) – Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in maamulka Jaamacadaha dalka in lagu khasbay oo waraaqo amar ah ay xukuumadu u qortay isla markaana ay ku dirqiday inaanay axsaabta mucaaridka ku soo casuumin munaasibadaha qalinjabinta ardayda jaamacdaha dalka dhamaysata.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale si kulul iskaga difaacay eedo uu u soo jeediyey wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo dhaliilahaa ku tilmaamay kuwo xaqiiqada ka fog oo uu kula galgashay, isla markaana uu wasiir Maxamuud Xaashi ku danba-basayo musuqmaasuq, eex qabiil iyo shaqo xumo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay hadal muran dhaliyey oo dhawaan madaxwayne Siilaanyo inuu ka soo yeedhay la sheegay, kaas oo ahaa wasiirka wasiirada oo sida ay warbaahinta qayb ka mid ahi xustay uu ku tilmaamay wasiir madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, taas oo siyaabo kala duwan loo fasiray.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta magaaladda Hargeysa waraysi gaar ah ku siiyey wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Wargeyska Haatuf ee xukuumaddu sharci-darada albaabada ugu laabtay, kaas oo uu kaga xogwaramay guud ahaan marxaladaha uu dalku galay.

S: Maxaa Keenay in la idinku arki waayo mucaarid ahaan munaasibadaha qalinjabinta ardayda jaamacadaha dalka oo dabcan munaasibado qaran ah?

J:  Waad ogtihiin oo dawladu waxay aad u jeceshahay damaashaadka, waxaanay taasi keentay inay aad u daneeyaan inay xafladaha iyo qalinjabinaha ay kali ku noqdaan oo iyaga sacabka  loo tumo oo luu guulwadeeyo. Sida ina soo martay wakhtigii uu Kulmiye ahaa mucaaridka waxa dhici jirtay in marka ay xaflado qalinjabin ahi ka dhacayaan jaamacaha ay Siilaanyo iyo Eng Faysal Cali Waraabe-ba ay agfadhiisan jireen madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana iyagoo uu madaxwaynihii ag fadhiyo ayey waxkasta ku hadli jireen oo ay xataa mararka qaar madaxwayne Siilaanyo oo mucaaridnimo is bidayaa uu ku hadli jiray waxyaabo ka baxsan anshaxa masuulnimo, markaa waa nasiibdaro in markii ay taladii dalka qabteen inay yidhaahdaan yaanay munaasibadaha qalinjabinta imanin mucaaridku. Sida aanu ka warqabno jaamacadihii waraaqo ayaa loo qoray oo waa loo hanjabay oo waxa lagu yidhi ma soo casuumi kartaan mucaaridka, run ahaantiina waan cambaareynaynaa dhaqamada noocaas ah, dhalinyarada qalinjabinaysayna waa gaf lagu sameeyey in maalinta farxadooda la siyaasadeeyo oo anaga xataa mucaarid ahaan xuquuqdayadii la duudsiyo, iyadoo aynu ognahay in tahriibkii  uu marayo heer aanu waligii gaadhin oo waliba kuwa tahriibayaa ay yihiin kuwa jaamacadaha ka baxaya maalinkasta ee quusta ka taagan habdhaqanka xukuumadda Siilaanyo”.

S: Waxa jirta eedo uu kuu soo jeediyey wasiirka duulistu dhaliilahaasi ma jiraan uu sheegay Maxamuud Xaashi?

J: Run ahaantii Maxamuud Xaashi inuu is difaaco xaqbuu u leeyahay laakiin waxa ceeb ah inuu garanwayey sidii uu isku difaaci lahaa, mida kale waan arkayoo eeda uu aniga ii  soo jeediyey waxa ka mid ahayd aqoon ma laha Jamaal Cali Xuseen, aniga iyo Maxamuud Xaashi kaayaga waxbartay ee aqoonta badan dadwaynaha ayaan u dayndoonaa oo taas waxba ku fogaan maayo. Mid kale anigu waxaan aaminsanahay qof aan aqoonta lahayn ayaa dadka aqoon ugu faana xaasha’e anigu aqoontayda isaga iyo cid  kale toona ugu faani maayo. Hadalkiisii uu aniga igu eedaynayeyna waxay ku tusaysaa uun heerka aqooneed ee uu taagan yahay. Haddii aan waxyar ka sharaxo halka uu ka yimid dagaalka wasiirka duulistu, waxa dhacday anaga oo dhawaan joogna xafiiska ayaa waxa noo yimid dadka degan koonfurta madaarka Hargeysa ee Igal International Airport, kuwaas oo ay ku jiraan madaxdhaqmeedyo caan ka ah dalkeena. Hadaladii uu wasiirku yidhi Jamaal baa yidhine maan odhanin ee been qaawan bay ahayd oo anigu waxaan idhi shacbigaasi waxay xaq u leeyihiin in waddo loo sameeyo oo caruurtoodu ay hesho meel ay dugsiyada u soo marto oo ay helaan meel ay magaalada u soo maraan, isla markaana waxa uu yidhi Jamaal baa yidhi Falastiin iyo Israel markaa waa wax laga xumaado inuu ninkaa wayni waxaan jirin la soo taagnaado warbaahinta isagoo aanu ognahay inuu xidhay in ka badan 15KM oo dhulka madaarka ku dhaw ah oo waliba warshad karaashar ah ka samaysteen isaga iyo nin ay shuraako ku yihiin dhicista mashaariicda wadanka”.

S:Wasiirka duulistu waxa uu kugu eedeeyey inaanad aqoon u lahayn nidaamka madaarada dalka iyo Run-waygaba, arrintaasi maxaad ka odhan lahayd?

J: Mida kale anigu nin wayn baan ahay oo kala garanaya meesha Run-wayga marayo, mida kale marka uu wasiirka duulistu i leeyahay aqoon uma laha madaarada anigu markii aan baankii aan ka shaqayn jiray joogay ugu yaraan  ilaa shan madaar oo caalami ah ayaan maalgaliyey oo aan masuul ka ahaa dhaqaalaha lagu dhisayo markaad Airport maalgalinaysona waxaad baranaysaa madaarada iyo shuruucdooda iyo adeegyada laga hirgaliyo oo dhan, waxaan arrintaasi  kaga baxayaa labadayada hadii ay wax caalami ah tahay anigaa wax caalami u eeg malaha labadayada ka soo shaqeeyey, aduunyadana lama arag meel warshad karashar ah laga ag dhiso madaar oo dhulka shacbiga lagu dhaco, wasiirkaasna hadii cadaaladi jirto in la xidhay ahayd ilayn inaadeerkii ayuu dhul dhan u xidhay oo ay arrimahaasi ku wada shaqaystaane”.

S: Maxaad ku sababayn kartaa sababta idinku kaliftay inaad qaadacdaan wakhtigan diwanagalinta maddaniga ah?

J: Diwaangalinta maddaniga ah anagu maanaan diidan oo sida aad ku aragteen heshiiskii July ee labada xisbi iyo madaxwaynaha ee beesha caalamkuna ogayd, waxa lagu heshiiyey in labada diwaangalinood ay noqdaan kuwo is barbar socda. Diwaangalinta maddanigu waxay ahayd in muwaadiniinta dalka u dhashay oo dhan la diwaangaliyo, ta codbixiyeyaashuna waxay ahayd muwaadiniinta codaynayaa inay wada helaan kaadhadhkii ay ku codayn lahaayeen.hadii aan u soo noqdo dulucda su’aashaada sababta aanu u qaadacnay diwaangalinta wakhtigani, waxaanu aragnay diwaangalintii maddaniga ahayd oo jawigeedii guud ahaan laga badelay diwaalgalin ku salaysan dadka 16 jir iyo wixii ka wayn oo kaliya, markaa hadii ay sidaasi noqoto ma noqonayso tii muwaadiniinta ee maddaniga ahayd ee waxay u eekaynaysaa tii codbixiyeyaasha, isla markaana arrintani ay wadwadaan waxay noqonaysaa uun talaabo ay xukuumadu ku carqalaynayso diwaangalinta codbixiyeyaasha. Imika hadii aad eegto inanka ama inanta 15 jirka ahi waa muwaadiniin oo hadii ay diwaangalintii maddaniga ahayd tahay waa wax ay xaq u leeyihiin oo ilaa caruurta yaryar waa in la diwaangaliyo, laakiin imika wixiiba way badaleen oo waxay ka dhigteen mashruuc yar oo degdeg ah oo lagu carqaladaynayo diwaangalinta codbixiyeyaasha oo ay lacagtii ummaddana lagu cunayo”.

S: Qaadacaadiina diwaangalinta maddaniga ah siday u arkaan beesha caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadu?

J: Beesha caalamku haddii aanay maanta imanin barri way imanayaan iyagoo wafti culus ah, waxaanay u imanaynayaan isla arrinta oo beesha caalamku way ogayd heshiiska saddex goosoodka ahaa ee July, waxaanay dunidu inta badan tixgalisaa waxyaabaha la kala qortay, run ahaantiina way la yaaban yihiin is badbadalka xukuumadda Somaliland ee aan qadarinaynin heshiisyada dunida lagu wada macaamilo.

S: Ma la aaminsan tahay fikirka ay dad badan oo reer Somaliland ahi aaminsan yihiin ee odhanaya wali dalkani muu  helin mucaarid xukuumadda ku ilaaliya qawaaniinta dalka, mase filaysaa inaydaan sidii Kulmiye u diir-diiranayn?

J: Mid waan kugu raacsanahay oo Kulmiye mucaarid nooc ahi inuu ina soo marri doono ma filayo laakiin anagu waxaanu kaga duwanahay dalkaanu u tudhaynaa oo waxbaanu la hadhaynaa, mida kale waxyaabaha aynu ku kala duwanahay waxa ka mid ah iyagu waxa xukuumadda hogaamin jiray wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen Daahir Rayaale oo aan u aqaan nin dulqaad leh oo runtii wax badan lagu xasuusan doono laakiin ragan imika talada hayaa waa kuwa aan dhaliil yar qaadi karaynin oo hadii khalad ay sameeyeen xataa la soo hadal qaado waa niman dhiigkar u wada dhimankara oo aad u fudud isla markaana aan dulqaad aqoonin. Hadiise ay sidan waxba ka badali waayaan sidoodii iyo si ka daranba waanu noqonni oo waxaanu abaabuli doonaa mudaharaado badan.

S: Sideed u aragtaa hadalkii madaxwaynaha ee sida la sheegay uu wasiirka wasiirada ku tilmaamay wasiirkiisa madaxtooyadda?

J: Hadalkaasi waa mid aan meelna haysanin oo waxaynu odhankarnaaba madaxwaynuhu distuurkii dalka ayuu jabiyey marka uu  wasiirka wasiirada ku sheegay Xirsi laakiin madaxwaynuhu waa bashar oo wuu khaldami karaa ee hadii uu leeyahay waar halmaam hadal kuma jiro oo waan khaldamay waa mid u banaan oo intaas ayuun baa kaga filnayd, laakiin waa nasiibdaro inay mucaaridka ku maaggaan arrintaas oo ay kula soo galgashaan hadal madaxwaynaha, waxaanaynu odhankarnaa wixii uurka ku jira ayuun buu afku kaa xadaa ayey arrintaasi u eegtahay.

S: Markaad eegto dawladihii soo maray dalka ilaa tan maanta talada haysaa mid walba waa lagu xasuusan doonaa oo taariikhday u gali doontaa?

J: Alle ha u naxaristee madaxwaynihii dawladii u horaysay ee Somaliland marxuum C/raxmaan Axmed Cali waxa lagu xasuusan doonaa ku dhawaaqistii iyo hirgalintii himilada dalka iyo dalwad-nimada dalka oo waxay ahayd xukuumadii u adkaysatay inay u adkaysato dalka oo marxalado badani ka taagan yihiin inaanu madaxwaynuhu ka cararin madaxtooyada oo si sharaflehna uu ugu wareejiyey madaxwaynihii  ku xigey marxuum Cigaal. Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa lagu xasuusan doonaan hirgalintii haykalka dawladnimada Somaliland oo distuur samayntii, ciidamada yagleelidood, lacag inuu dalku yeesho iyo nidaamka axsaabta oo uu hirgaliyey madaxwayne Cigaal Ilaahay haw naxariistee. Madaxwaynihii ku xigay Daahir Rayaale Kaahin waxay taariikhdu ku xussi doontaa inuu ahaa ninkii suurtagaliyey dimuqraadiyada aynu ku faani jirnay ee imika ay dhaawacday dawladda Kulmiye, waxa uu kasbaday in dunidu ay inoo soo jeedsato markay aragtay doorashooyinka dalkan ka dhacaya oo waxaan odhankaraa waxa uu ahaa madaxwayne dulqaad badan oo aad u degan oo waakii Kulmiyahan cabaadaya siiyey liisanka cayda isla markaana waxa uu ahaa shaqsi aan ka xanaaqin wixii dhaliil ah ee loo soo jeediyo. Hadii aynu usoo noqono dawladda maanta ee Madaxwayne Siilaanyo hogaamin doono wax wanaagsani uma galayaa taariikhda sida runta ah, waxa uu noqday madaxwaynihii soo nooleeyey qabyaalada iyo musuqmaasuqa, waxaynu ku soo koobaynaa waxaan cadaalad-daro iyo eex ahayn lagu xasuusan maayo xukuumadda Siilaanyo oo waxay qabteen ay ka badan tahay waxay kharibeen.

S: Idinku hadii aad talada ku guulaysataan maxaad isleedahay waydin kaga duwanaani xukuumadihii dalka soo maray?

J:Anagu faanni mayno sidii Kulmiye oo odhanmayno badda ayaanu cadayn doonaa oo waxaanaan qabaynin waanu qabanaynaa odhan mayno. Waxaan xasuustay maalin aan daawanayey madaxwayne Siilaanyo oo leh Daahir Rayaale waxa uu ku kacay fadeexado dhinaca distuurka ah (Constitutional Crises) oo dimuqraadiyadii ayuu meel kaga dhacay, run ahaantii waxyaabihii ay Rayaale ku caayi jireen iyo wax ka daranba way samaysay xukuumadda Siilaanyo oo maanta dalkeenii baa burbur qarka u saaran oo doorasooyinkii aynnu sida fudud u qabsan jirnay ayaa khalkhal ku jira. Markaa Ilaahay hadii uu nagu guuleeyo waxaanu dhagaysan doonaa dadka ayaanu dhagaysan doonaa oo aanu woxooga u ilaalin doonaa. Qorshahayaguna wuxuu noqon doonaa oo aanu xooga saari doonaa saddex qodob 1) in la dhiso dhaqaalaha dalka oo dawladan dhaqaalaheedu wuxuu ku soo koobmay uun inay ka hadlaann Bajadka, waxaanu xooga saari doonaa maamul wanaaga iyo maamul daadajinta, dadka aanu xila u dhiibaynaana waxaanu isku dayi doonaa inaanu ka dhigno dad nadiif ah oo ku caan ah cadaalad. Waxa kale oo aanu xooga saari doonaa inay cadaaladu dalka ka hirgasho, run ahaantiina anagu hadii aanu khalad samayno ilayn binu-aadam baanu nahaye waanu qaadan doonaa khaladkayaga oo sida qolada talada dalka haysa murmi mayno, mana dhici doona xoolaha ummadda oo hadii aanu lacag doonayno shaqooyinkayagii lacagta badnaa ayaanu joogi lahayn.