Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 18 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Xildbibaanadda Muxaafidka Oo Siilaanyo Ku Gartay Inuu Isna Kordhisanayo Iyagana Is-dhaafinayo

Hargeysa, September 18, 2014 (Haatuf) - Xildhibaanadda golaha

wakiiladda ee muxaafidka ah ayaa u muuqda in intoodii badnayd ay

taageeradoodii kala noqdeen mashruucii xukuumadda ee diwaangalinta

maddaniga ah ka dib markii ay dareemeen in Madaxwayne Siilaanyo uu

doonayo in doorashadda wakiilada la qabto sanadka soo socda, ta

madaxwaynahana laba sanadood dib loo dhigo, taas oo ay wakiiladda

muxaafidku u arkeen in madaxwaynuhu isna kordhisanayo mudadii uu xilka

haynayo iyagana is-dhaafinayo kol hadii qorshihiisu yahay in

doorashadda aqalka hoose ee baarlamanka laga soo horaysiiyo ta

madaxwaynaha.

Qaar ka mid ah xubnaha mudada dheer muxaafidka u ahaa xukuumadda

Siilaanyo ayaa kuwoodii ugu ad-adkaa fadhigii golaha wakiiladda ee

Salaasadii waxay si badheedh ah u taageereen in dooda mooshinka

diwaangalinta maddaniga ah dib loo dhigo halka ay xukuumadu ka

danaynaysay in la dadajiyo oo duuduub lagu ansixiyo.

Asxaabta mucaaridka iyo qaybaha bulshadda intooda badan ayaa qolaba

sabab iyada u gaar ah la-ajligeed uga soo horjeedaa mashruuca

diwaangalinta maddaniga ah, kaas oo uu ku jirro qodob muwaadinka ka

horjoogsanaya inuu codkiisa dhiibankaro doorashadda hadii aanu haysan

kaadhka diwaangalinta maddaniga ah.

Axsaabta iyo ururadda siyaasadda oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo

aqoonyahano badan oo madaxbanaani (Mustaqilliin-Independents) ayaa

qodobkan u arka mid aan loo baahnayn oo ay xukuumadu ula kasayso si ay

u abuurto khilaaf iyo carqalado baajiya hirgalinta diwaangalinta

cod-bixiyeyaasha, taas oo haddi lagu dhamaystiri waayo mudada dhawrka

bilood ah ee soo socota ay sababi doonto in dib u dhac ku yimaado

doorashadii madaxwaynaha iyo ta wakiilada ee ku beegnayd in la qabto

badhtamaha 2015-ka.