Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 18 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Maxaa Fashiliyey Mashruucii Dekadda Berbera Lagu Wareejinayey Shirkadda Carbeed Ee Uu Baashe Cawil Abbaanka U Ahaa?

Hargeysa,(Qaran news) – Wiilka uu sodogga u yahay madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil ayaa intii aanu shalay ku soo laabanin magaaladda Hargeysa waxa uu muddo bil ku dhawaad ah ku sugnaa magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka dib markii uu ku fashilmay in madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud u saxeexo warqad ogolaanshe ah oo ay ku xidhay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo danaynaysay inay la wareegto maamulka dekadda ugu wayn dalka Somaliland ee Berbera.

Baashe Cawil oo abbaan u ahaa shirkadan ayaa ku hungoobay niman reer Xamar ah oo uu lacag ku siiyey si ay madaxwaynaha Somalia uga soo dhameeyaan saxeexidda warqad odhanaysa in dawladda Somalia aanay waxba ka qabin inay shirkadda Imaaraatiga ahi maalgaliso isla markaana iyadoo ka wakiil ah xukuumadda Somalia ay maamusho dekadda Berbera mudo 35 sanadood ah oo la cusboonaysiinkaro.

Inkastoo Baashe warqad caynkaas oo kale ah uu ka haystay madaxwaynaha Somalinad, haddana shirkaddaasi ayaa ku xidhay inuu mid kale oo la mid ahna ka soo qaato madaxwaynaha Somalia.

Waxay ahayd 4/4/2014 markii uu wargeyska Haatuf soo qoray war sheegayey in Baashe Cawil uu sanadkii hore ee 2013-kii madaxwaynaha Somalia ka qaatay warqad rasmi ah oo uu Mr Xasan Sheekh ku cadaynayo in haddii ay dawladii Somalia yihiin aanay waxba ka qabin hadii uu Baashe Cawil heshiisyo la galo shirkado ganacsi oo shisheeye.

Haddaba sababta uu Baashe Cawil warqadan cusub uga baahday madaxwaynaha Somalia ayaa ilo xogogaal ah oo xoog loogu kalsoon yahay waxay ku tilmaameen mid la xidhiidha mudada la isticmaali karayey warqadda hore ee uu siiyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ku koobnayd lix bilood oo qudha, taas oo wakhtigii loo ogolaa dhamaaday.

Sida uu Wargeyska Haatuf ku sheegay cadadkiisaasi tan iyo intii uu madaxwayne Siilaanyo taladda dalka la wareegay, Baashe Cawil waxa uu noqday ninka ugu awooda badan dawladda Somaliland ee labeeya madaxwayne Siilaanyo iyo waliba inuu yahay shaqsiyada kaliya ee labada madaxtooyo ee Somaliland iyo Somalia-ba wadda tixgaliyaan isagoon labadda dawladood midna aan xil rasmi ah ka haynin.