Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 18 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Askari Qoru-Lugad Ku Dilay Laba Sarkaal Oo Ciidanka Qaranka Ka Tirsan Iyo Nuxurka Arrimaha Loo Aanaynayo Dilkaasi

 

Hargeysa, (Qaran news) – Askari ka mid ahaa maleeshiyo beeleed dhawaan la qoray ciidanka qaranka Somaliland oo u dhashay deegaanka Qoru-lugad ayaa maanta xero ciidanka milatariga Somaliland ku leeyihiin Qoru-lugad ku dilay Alle haw naxariistee laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland.

Askarigan oo ka soo jeeda beesha Madaxwayne Siilaanyo ayaa sababta uu u dilay labadaas sarkaal oo ka soo kala jeeda goboladda Awdal iyo Gabiley lagu sheegay inuu ka daba-taagnaa xadhig disibiliin ah oo ay amreen saraakiishaasi in askarigaasi la xidho, ayaa sida la sheegay markii uu xidhnaa mudo aad u kooban iyagoon lagala tashanin la sii daayey, isla markaana uu qorigiisii intuu soo qaatay labadii sarkaal oo wada socda uu baas ku furay ayna halkaasi ku geeriyoodeen.

Sida ay u sheegeen ilo wareedo lagu kalsoon yahay askarigani dilka gaystay ayaa ka mid ahaa maleeshiyo beeleed u dhashay deegaanka oo ciidanka la qoray intii uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay taliyaha ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale.

Labadan sarkaal oo sida ay xusseen ilahaasi darajadoodu ahayd Kabtano isla markaana ka mid ahaa tiirarka uu ciidanka qaranku ku taagnaay, halka la sheegay in mid ka mid ah labadaa Kabtan uu ka mid ahaa jabhadii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland ee SNM.