Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 18 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Meher Habeen Dambe Lagu Qabanayo Madaxtooyadda Oo Boqolaal Kun Oo Doollar Ku Kacay

 

Hargeysa, September 18, 2014 (Haatuf) - Xili uu libaax badeedkii ku

noolaa badda u dhaxeysa xeebaha Liibiya iyo dalka Talyaanigu uu ka

dhargay hilibka dhalinyaradda reer Somaliland ee iyagoo shaqo la’aanta

iyo saboolnimada ka cararaya ay laashashkii ay naftooda ku biimeeyeen

badda kula qaraq-meen, ayaa madaxwaynihii dalkoodu waxa uu habeen

danbe ku qabanayaa madaxtooyadii wadanka caynkaas ah looga talinayey

xaflad meher ah oo ku kacaysa kharash lagu qiyaasay boqolaal kun oo

doolar oo laga bixinayo cashuurta ay dawladu ka qaado dadka danyarta

ah ee reer Somaliland.

Xafladan oo lagu bixinayo inan uu dhalay madaxwayne Siilaanyo ayaa

waxa lagu marti-qaaday dad tiro badan oo ay ka mid yihiin qurbo-joog

laga soo casuumay dibadaha oo madaxtooyadu bixinayso kharashka

tigidhadooda iyo huteeladooda, kuwaas oo ilaa maalmahanba ka soo

degayey madaarka Hargeysa.

Xafladan oo qaban-qabaneeda ay dawladu bil dhan ku mashquulsanayd ayaa

waxa diyaargarawgeedii alaab badan looga dalbay dibadaha, waxaana u

danbeeyey kaadhadhkii oo shalay uu Imaaraadka ka keenay wiilka uu

sodoga u yahay madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil, kaas oo

todobaadkii uu joogay dalka Imaaraadka ku jiray hotel habeenkii lagu

seexdo ( $1,500 (kun iyo shan boqol oo doolar).

Madaxwaynaha iyo qoyskiisa waxa ku haboonayd iyagoo ixtiraamaya

shucuurta ummadda ay hantidooda gacanta ku hayaan inay xafladan

meherka inantooda ka dhigaan mid aan Is-raaf iyo ka bad-badini ku

jirin, laakiin waxay taas ka doorbideen inay noqoto tusaale aad u xun

iyo kibir aan qarsoodi lahayn taas oo ina tusaysa caqliga caa’iladda

meesha ka talisaa heerka uu taagan yahay.

Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa hore loogu qabtay laba arroos oo

mid dhacay xiligii madaxwayne Cigaal ka kalena xiligii madaxwayne

Rayaale, waxaanna xusid mudan in labadaas munaasibadood loo qabtay

laba xafladood oo kooban, isla markaana dalka kamay jirin huteelo

waawayn oo xafladaha lagu qabto wakhtigaas, labadda lamaane ee

arrooska iyo aroosadda ahaana midkoodna kamuu mid ahayn caa’iladda ama

qaraabada labada madaxwayne ee ku sharfay inay xafladda arrooskooda

ugu qabtaan madaxtooyadda dalka.

Arrooska hore oo madaxtooyadda ku qabsoomay badhtamihii 90-maadkii

ayaa waxa uu ahaa arrooskii wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/laahi

Maxamed Ducaale oo xiligaa ahaa wasiirka madaxtooyadda Somaliland,

halka xafladda 2-aadna ay ahayd arrooskii Alle haw naxariistee abwaan

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ay marti-qaadkiisa lahaayeen

madaxwayne Rayaale iyo marwadiisa Hudda Barkhad, milxiisna uu ka ahaa

mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.