Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 19 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Shacbi Hubaysan Oo Ciidankii RRU-da Gabiley Ka Saaray Ka Dib Markii Ay Rasaas Ku Fureen Dad Mudaharaad Salmi Ah Ka Sameeyey Magaaladdaas

“Madaxwayne Hadaad ku Mashquulsan Tahay Arooska Inantaada Anaguna Waxaanu Ku Mashquulsan nahay Aaska Inankayaga”Eheladda Marxuumka

 

Hargeysa, September 19, 2014 (Haatuf) – Shacbiga magaaladda Gabiley

ayaa isa soo hubeeyey oo rasaas kala horyimid ciidanka RRU-da oo

rasaas markii hore oodda kaga qaaday shacbiga magaaladdaasi oo

mudaharadaado salmi ah ku gilgilay magaaladooda.

Dadwaynaha hubkooda ula soo baxay ciidanka RRU-du ayaa markii ay is

rasaaseeyeen ay taasi keentay in ciidankii RRU-du ahaa dibadda looga

soo saaro magaaladda Gabiley, kuwaas oo kaantaroolka bariga magaaladda

lagu soo ururiyey isla markaana shacbigii oo kaliya ayaa magaaladii

haysta oo qaarkoodna hubaysan yihiin.

Sidoo kale mudaharaadadan ayaa sababay inuu kala xidhno isku socodkii

gaadiidkii jidka wayn ee magaaladda Gabiley dhexmara isticmaali jiray,

kuwaas oo ay ka mid ahaayeen baabuurta qaadka oo maanta oo dhan ku

xanibnaa, isla markaana goordhawayd dirqi ku soo maray jidadka

magaaladda Gabiley oo wali ay xanibeen shacbiga gadoodsan ee ay RRU-du

sii carrisay.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaaladda Gabiley

mudaharaadadaasi ayaa waxa ku dhintay wiil yar oo da’adiisa lagu

qiyaasay Toban Jir, halka ay Sagaal qof oo kale way ku dhaawacmeen

kadib markii ay wasiirada kasoo jeeda deegaanka Gabiley iyo ciidamada

RRU-du rasaas ooda kaga qaadeen dadwayne ka mudaharaadayay  sarkaal

ciidanka qaranka Somaliland ka tirsanaa oo magaciisa la odhan jiray

Maxamed Yuusuf oo doraad galabnimadii gaabnayd uu askari ay madaxwayne

Siilaanyo isku beel yihiin uu si badheedh ah ugu dilay isaga iyo

sarkaal kale oo ka soo jeeda gobolka Awdal xero ciidan oo ku taala

deegaanka Qoru-lugad.

Dadwaynaha hubka kala hor yimid ciidanka RRU-da iyo wasiiradii Gabiley

tagayba ayaa waxay ku dhawaaqayeen haddalo kulkulul oo ay ku durrayaan

dhaqamadda xukuumadda Siilaanyo, kuwaas oo aad ka dhadhansanayso

cadaalad-darada dalka ka jirta.

"Walaakayo Marxuum Maxamed Yuusuf waxa hadii uu maanta ku dhinto

isagoo dalkiisa daafacaya waanu ku farxi laheyn, laakiin waxa lagu

dilay direyskii ciidanka Qaranka, oo gacan ku dhiiglihii dileyna lagu

qaadey Xaajiyad geeridiisa waa mid anaga nagu gaar ah"Sidaa waxa yidhi

Mid kamid ah Dhalinyarada mudaharaadayay.

Dhinaca kale qof kale oo ka mid ah mudaharaadayaashaasi oo sheegay

inuu ka mid yahay ehelka marxuumka la dilay ayaa isagoo dareenkiisa

cabiray warbaahinta u sheegay sida ugu xun yahay, kaas oo si kooban u

yidhi “Madaxwayne Hadaad ku Mashquulsan Tahay Arooska Inantaada

Anaguna Waxaanu Ku Mashquulsan nahay Aaska Inankayga”.